Rumayntu Khasab ma ahan ee waa Xorriyad.

Xoriya Caqiidada waa kalimad aan ku qornayn dhaqankiina, kuna jirin Eray-koobiheena Afeediyo Arragtiyadeed. Markii laga hadlo Xorriyada Caqiida, waxa aan u qaadanaa Eebe-diidnimo iyo gaalnimo iyo sanqiidnimo.

Qofkii ka hadla Xoriyada caqiidada si degdeg ah baynu u Galaysiinaa, iyo qofkii taageera xoriyada caqiidada, iyo qofkii qaba.
Balse u fiirso, Miyaysan ahayn Xorriyada Caqiidadu qodobka u ogolaaday Muslimiinta Dawladaha ay ku yihiin tirada yar, in ay diintooda haystaan?, Miyaysan ahayn qodobka u ogolaaday Muslimiinta dawladaha ay ku yar yihiin In ay Masaajidiyo ka dhistaan sida ay doonaana ugu cibaadaystaan Tukasho iyo soonba?… Waa tan garawshe la’aanteenu: Anniga muslimiinta ah markii meel laynooka tira-badan yahay, waxa aynu dalbanaayaa Xuriyada caqiidada, iyada oo aynu u aanaynayno In ay inoo suuro galinayso in aynu dhisanno Masaajido, cibaadooyinkana aynu ku godano si dhib yar, balse wadamadeena, arrintu waa is bedeshaa, oo wixii aynu ku doodaynay baynu diidnaa.
Markii aynu joogno dhulalka yurub, ama ameerika waxa aynu dalbanaayaa in aynu dhisano masaajido. Laakiin markii aynuu Soomaaliya ama sacuudiga iyo dhamaan dhulka muslimiinta aynu joogo ma ogolaan karno in dadka inka diimaha gadisan ay goobaha ay ku cibaadaystaan dhistaan.
Annagu waa ku faraxnaa markii uu qof uun soo Islaamo, isla markaasna waynu diidnaa in uu qof Muslinnimo ku dhashay Diinta ka baxo ama diin kale qaato.
Waxase taa ka sii daran, sida aynu u diidno marka uu qof diinta isaga boxo, halka aynu dhanka kale uga sabcino markii uu qof diinta soo galo. Waydiintuse waxa ay tahay ma habboontahay in lagu saleeyo qofka aaminaadisa qanuun iyo dhaqan bulsho gaar ahi leedahay?.
Qof walba waa in uu aaminaa waxa uu ku qanco si xor ah, iya oo aan eed looga dhigay, in uu khilaafay diintii ama dhaqankii ka jiray meesha uu ku barbaaray, diin ma jirto haddii aysan xoriyadi jirin.
Qof walba waa in uu dareemaa in uu xor u yahay waxa uu aaminsan yahay. Hadda annagu waxa aynu ku faanaa badnaan, iyada oo aynan ogolay doorashada xorta ah ee diinta, balse markii saas laynoola dhaqmo waynu qaylinaa oo canbaaraynaa, miyaysan arrintaasi ku tusayn in ay wax inaka khaldan yihiin.
Xoriyad buuxda iyo dimuquraadiyad baa loo bahan yahay, dimuquraadiyaduna ma ahan tirada badani in ay kaligeed taliso noqoto.
Waa in aynu dhawranaa qofku in uu xoriyad u lee yahay waxa uu aaminaayo, haduu rabo diinta ha isaga bexee, markii dadka muslinka ah saas simeeyan dawladaheena ay ka hirgasho xuriyada caqiidadu waxa aynu noqon dad damiirkoodu nadiif yahay.
Yaqdiro Mohamed Isse.
FAAFIN – Sirqarsoon@gmail.com
Advertisements

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s