Nolosha Iyo Xaaladaha Puntland ka jira… (Qalinkii Yusuf Ali Adan)

Noloshii Xabsiga - 22/July/2010 , Waa Subax Khamiis Ah 22 Bisha, Waxa Aroor hore Nalagu amray Inaan banaanka u soo baxno, Kadibna waxa Anagoo Indhaha ka xiran nalagu guray Gaari Shabaqle Ah..
Ma Naqaan meel naloo Wodo lakiin

waxan nahay 6 Qof, Aniga Iyo Wiilkii lagu Eedeynayay Qaraxa Iyo Weliba Afarti dhalinyarada aha ee iyagoo Murqaami la soo xiray ... Weli ma Oogi halka naloo wodo balse Markii in muddo ah gaarigu socday Waxa ku war helay anagoo ku dhex jira Xeerada Xabsiga Weyn ee Bosaso, Waxa nalaga furay Indhaha mid kasta, Iyadoo kii laga furo indhaha marka u dhulka cagaha dhigtaba lagu soo dhoweeynayay Budh (Ulo Waweyn) Iyo Weliba Fiilo Ama Caag loo suubiyay Sidaa kuwa Ciyaalka Iskuulka lagu garaaco... Waxay aheyd Maalin kale oo dhib badan Sidii naloo tumayay Anagoo naf la caari ah waxa nalagu xeereyey Qol la dhaho ''TITANIC'' Oo Xabsiga Qolalkiisa ka mida, Waa qol aay ku jiran ugu yaaran markaasi 250 Oo ruux dad aan ku Qiyaasi
23/July/2010
Waxa maalin Barwaaqeysan Waana Jimce, Lakiin waxay ii aheyd Maalin kale oo dhib leh, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Madaxweynaha Puntland Waxa u Khudbad dheer oo u ka jeediyey masaajid ku yaalla Garoowe ku sheegay In la qabtay Nin Argagaxiso ah Oo Kooxaha Xagjirka ah u Qaabilsana Dhinaca Website-yada IWM, kaas oo uu ulaa jeedo Aniga oo Ah ''Yusuf Cali'' , Wuxuu kale oo sheegay sidoo kale in la hayo Wiil Hooyadii Dowladda Hoose ka Shaqeyso Isla markana Kooxaha Argagaxisada la shaqeeya kana dambeeyey dilka iyo Dhaawaca Askaar ka tirsan Kuwa dowladda... Ogow Wuxuu kale oo yiri ''Waxa laga bilaa Wiilkan Xoolaha Dowladda Isaguna waxa u ku jira Kuwa Dowladda dumin... '' Wuxuu ulaa jeeda wiilkan Maxamed oo ah Wiilkii dhalinyarada aha ee Xabsiga sidaa Xaqdarada ah isagana ugu xira..
Nolosha Xabsiga ---
Xabsiga Qeybta Ragga Waxa u ka kooban yahay 8 Qol, Waxa ugu weyn Qolka aan ku jiro Ee TITANIC la magac baxay, Waxa ku xeereysan Maxaabiista ugu tiro badan, Dadka Xabsiga ku jira Hal meel ayee ku wada jiraan, Kii Wax dilay, Kii Tuug aha, Kii Wax soo kufsaday, Kii Culimo aha.. Kii Dhaqan celin Ah, Kii Arrin Siyaasadeed u xiran, Xiita waxa ku jiray Xabsigan oo Qolka nagula jira Kuwa loo Soo Xiray Khaniisnimo, Kuwa loo soo xiray iyagoo Xoolo Kufsaday, Ama kuwa Ilmo yar yar kufsi kula kacay... Dhamaan hal qol ayaa la isagu wada geeyey
1. Caafimaadka
Xabsiga Intii aan ku jiray Waxa igu dhacay Xanuuno aad u tiro badan kuwas oo aay ka mid yahiin, xanuunada ku dhaca jirka gaar ahaan maqaarka & Weliba Cuntadii Oo aan cuni wayay...
Dhinaca kale ma joogo Xabsiga Dhaqtar wanaagsan, lagumana Ogola in lagu geeyo Isbitaalka Bosaso, Waxa hada xanuunsato lagugu yeeraya Askaari kaas oo hadii u doono ku siinaya Daawo Qaldan sida anigaba igu dhacday, Waxa kale oo jira dad u dhintay Daawoyinka u dhaqtarkaasi siiyay..
2. Waxbarashada
Dadka Waalidka ah Ee Ilmaha dhaqan celinta u keena qeybtood waxa ka dhaadhacsan Xabsiga in wax lagu barto, lakiin waxa keliya ee lagu barta Xabsigan waa Sigaarka, Suubinta Khamriga IWM, Waxa igu naxdin badna Wiil dhalinyaro ah oo Aan deris aheyn Waalidkiis u keenen dhaqancelin Inuba meesha ka yahay Xubnaha sare ee ku taqaqusay Khamri Suubinta, taas oo laga suubinaya Liin, Timir, IWM.... Waxa kale oo  jirta in Sigaarka meesha laga cabaya u yahay Tubako qof soo tufay, Micnaha maxabiista qaar ka mida ayaa loo kaxeeya Sii aay u soo xaqaan Dhulka ugana soo ururiyaan Xabsiga Qashinka lakiin kuwaaas ayaa soo eegta ama soo qaata Xooga Xashiis ah Ama Tuubako Askaari tufay oo meel taala....
3. Nadaafada
Qolalka Xabsigan ma laha Nadaafada, Tusaale Cuntada waxa lagu cunaya Asbuuc ama ka badan Bac madow iyadoon hadii la rabo la dhaqin.... sidoo kale Suuliga Iyo Meesha Aad seexan waa isku muuqdan, Qofka Suuliga ku jira Qofka kale ee banaanka ka istaagan waa isku muuqdan oo waxay tani kugu abuuri dhib waayo Dhinaca Saxaarada oo kale maba Saxaaroon kartid... Waayo Qofbaba ku jeeda oo aan ka jeensaneen... Dhinaca Cudurada Sidaa kan HIV/hepatitis ka qaba si sahal ah baa lagu kala qaadaa (Cadayga & Cidiyo jarta Ama Gadhxiirta waa la iska xadaa) .... Sidoo kale Hal Meel ayaa ku wada seexaneysan 300 Oo ruux ama ka badan Iyadoo aan dadkaasi la baarin Caafimaadkooda, Ogow Weliba Hal Taako Iyo bar ayaa qof weliba loo ogol yahay inu Seexdo... Iyadoon qofku is rog rogi karin keliya u u seexan karo dheeg dheeg, taas laftigeeda waxay sahlin in ruuxa kugu xiga iyo adiga neeftiinu is gaarto taas oo sababi karta qofkaasi hadii u qabo cudurada TB Ama kuwa kale oo faafa inu sii degdeg ah aad u qaado...
4. Qoraxda
Waxaa waxaas oo dhan ka daran quraxda ama quraxaysiga banaanka qololka looga soo boxo Bishii Hal maalin baa la helaa, taas oo Skin diseases badan laga qaado oo Qurunka iyo Xajiinta meeshaas ka buuxda waad yaabaysaa, Injirta Ama lice ka ayaa aad ugu badan oo sidii quraanjadii ayeey u dareertaa, iskabadaa barambaro warkeeda...... !!!
5. Cuntada
Xabsigan Sidaa Xabsigii Hore Ee PIS-ta ama Sirdoonka ma aha Waxa laga cuna keliya...
1. Quraac - Hal Xabo Oo Rooti Ah Iyo Koob Shaah Ah
 2. Qaado - Bariis Aan laheyn Wax Qudaar Ama Hilib Ah
 3. Casho - Galay Iyo Haruur Aan laheyn Sonkor Ama Saalid midna...
Booqashadii Xabsiga
Intii aan ku Sugna Xabsiga, marka laga reebo Waalidka, Saaxiibada Iyo Weliba Dad kale oo Ii Jecel oo igu soo booqday Waxa kale oo halkaas igu yimid, 15 Bisha November Wasiirkii Warfaafinta Xilliga Cabdixakiim Axmed Guuleed, Guddoomiyahii Gobolka Bari Shiikh CabdiXaafid Cali Yusuf, Guddoomiyahii Maxkamada Denbiyada Culus... Iyo Dad kale oo Mas'uuliyiin ah, Dhamaan keliya waxay igala hadleen Xaalada Nolosheedyada Iyo Caafimaadka Waxan u sheegay Inaan ku dhibateysan ahay Meesha, waxay ii sheegen inaan ka bixi doono, In kasta oo Aysan Wax Waqti ah ii Sheegin... Xilligaasi ilaa 5 Bilood Waan xiraan ahay
Saxaafada
Saxaafada Puntland gaar ahan Bosaso waxay isku dayday Sii kasta oo lagu qarin karo Xarigeega in lagu qariyo oo aan la sheegin, Lakiin Warsidaha Galgalanews Ee U Madaxa ka aha Jaamac Ayaanle Feyte ayaa in badan soo bandhigay Cadaalad darada iyo Xarigeega iyadoon Hal Idaacad Ama Website Oo Puntland Ah uusan ka hadlin, In kasta oo markii dambe la ii sheegay in Idaacada Horn Afrik ee Muqdisho Iyo Qaar ka mida Idaacadaha Muqdisho ka hadleen Xaaladda xarigeega... Anigoo Xiran in ka badan 2 Bilood ayaa Hay'add Isku sheegta in Saxaafada u Ololeysa oo la dhaho NUSOJ ka hadashay Xarigeega, Ogow Marka waxan xiran ahay in ka badan 2 Bilood....
http://www.fesmedia-africa.org/home/what-is-news/statements-developments/news/article/somalia-nusoj-condemns-continued-detention-of-journalist-by-puntland-authorities/
Bil kadib hadana Waxa Baaq u diray Madaxweyne Faroole 50 Urur Saxaafadeed kuwaas oo ka codsaday in  Dib Xorriyadeeda la igu soo celiyo...
http://horseedmedia.net/2010/10/30/somalia-call-president-puntland-respect-freedom-expression/
6. Erayada ay isticmaalaan Maxabiista Xabsiga
Gam = Aamus weeye qofkaan aamusina Ul baa lagu Aamusin
Nafar calaa boos = Qof walba taakadii iyo badhkii uu lahaa waa inuu isku tuuraa hadii kale waa Ul
Juru bara = Maalaa yacni, igadaa juru barada ayaa jumlad ahaan loo adeegsadaa.
Jaqaa = Jaajuus, Tusaale Madaxda Qolka Qof u Adeega Ama Qof la xiran dhinaca Taliska Xabsiga...
Cadaalad Darada
In ka badan 6 Bilood waxan ku jiray xabsiga dhibka Iyo Xanuunka badan, Mida kale Qof 6 Bilood Rumaan (Qof Aan wali la xakumin) Hadana xiran Taasi waxay ka mid tahay Cadaalad darada jirta, Ruuxa Denbi hadii lagu hayo Waa isaga Maxkamada la keeno laguna xukumo wixii u denbi galay, Mida kale 7 July Ilaa 30 December 2010 Waxan ku jiray Xabsi intaasna Wax Maxkamad ah la imaa keenin Maalintii la ii keenana Waxa la yiri Fasax ayaa tahay iyadoon aan la ii sheegin xiita waxa la ii heystay... Cadaalad daradan waxan dhahi kara waa mida Dhibaatada Horseedka u ah Maanta ka jirta Degaanada Puntland loona baahan yahay in la saxo...
---- Insha'Allah Qoraal Kale Waan Idiin Soo gudbin doona... 
 
 
W/Q Yusuf Ali Adan 
Yusufcali@hotmail.com
Yusufcali@hotmail.co.uk

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s