Wax iska wayddiin Xeerka Ciqaabta Islaamka

YaqadiroQoraalkan ulama jeedo in aan ku jeejjeeso ama aan ceebeeyo xeerka ciqaabta islaamka, balse dadka taageera ama wadaada u dooda fulinta xeer ciqaabeedkan garaadka iyo garashda ay ku taageersan yihiin waa mid caynkee ah?. mise Eebbe baa xukunkan dejeyey oo kali ah bay ku taageeraayaan Diinta islaamka waxa ku jira qaynuun ama sharci ka dhigaaya dhaxalka labka laba meelood dhaxalka dhadiga, wadaadka ama qofka muslimka ah waxaa uu u arkaa qaynuunkan ama sharcigan in uu yahay caddaalad meeshii ugu saraaysay iyo garasho aad u wayn, balse haddii ay shareecada islaamku la imaan la hayd qaynuun dhigaya in uu dhaxalka dhadigu yahay, labo meelood, dhaxalka labka ama uu dhaxalka oo dhan siiyo Ninka ama Naagta, ama uu labadoodaba u diido, ama uu si siman ugu qaybiyo, wadaadku waxa dhihi lahaa waa garasho iyo caddaalad xagga Eebbe ka timi indho la’aana wuu ku taageeri lahaa.

 

Sharciga Diintu waxa ay qabtaa Tuuga in gacanta la jaro, wadaadku waxa uu sharcigaa u arkaa naxariis iyo wanaag sare, sharciga diintu haddii uu dhihi lahaa Tuuga labada Indhood ha laga saaro ama hala dilo ama hala xiro ama hala addoonsado ama hala ganaaxo, wadaadku ama qofka muslimka ah shareecada diintu waxaa ay tiraahdo uun buu iska taageeri lahaa.

Sidoo kale Diintu waxa ay qabtaa in Jeedal lala dhoco ama la Rajmiyo(dhagax lagu dilo) qofkii Sinaysta, markaas buu wadaadku u bogaayaa xeer ciqaabeedkan, waxana uu la dhacaayaa farad awgeed naxariista, iyo, il-baxnimada iyo wanaagka ku jira in qof dhagax lagu diro, qofkii wax ka waydiiyana waxa uu ku xukumayaa Gaalnimo iyo Doqoniino!!!. balse haddii ay diintu ku beddeli la’hayd Jeedalka iyo Rajminka in qofkii Sinaysta xubnaha taranka laga jaro, wadaadku xukunkana waa taageeri lahaa, waxana uu u arki lahaa calaamadaha caddaynaaya jiritaanka Eebbe iyo run ahaanshaha Nabinimada Maxamed, iyo sida uu illaah iyo nabigiisu dadka u jecel yihiin, uguna naxariistaan.

 

 

 

W-Q Yaqdiro Mohamed Isse 

 

 

 

Advertisements

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s