​DIINLAYAASHU MA KA ANSHAX SUUBAN YIHIIN DADKA DIINLAAWAYAASHA AH?


Muran kuma jiro in aadanha iyo xitaa noolaha kale , sida duunyada ay leeyihin anshax ay ku Hagaajiyaan noolashooda, waayo anshuxu wuxuu sal dhig u yahay garashada waxa qaloocan iyo waxa toosan waxa xun iyo waxa wanaagsan, sidaas darteed ayaan marna anshaxa noolasha dad iyo duunyo looga marmin, waxaase jirta oo is waydiin mudan maxaa anshaxa wanaagsan saldhig u ah? Dadka Diimaha rumaysan waxay ku doodaan in diimuhu yihiin saldhiga anshaxa suuban, waxaase jirta in diimuhu aysan marna ka maarmin dhaqamadii wanaagsanaa ee ka horeeyay diimaha, markaan diimaha leeyahay waxaan oo la jeedaa diimaha ku abtirsada Nabi Ibrahin , kuwaas oo kala ah Masiixiyadda Yahuudda iyo Islaamka. Diimaha kale ee hadda badankoodu ka jiraan qaaradda Asia kama hadlayo sababtoo ah maahan diimo sheeganaya in uu Eebe soo dajiyay.

Inkasta oo ay diimuhu sheeganayaan in ay noo soo gudbinyaan hanaan dhamaystiran oo anshax wanaagsan salka ku haya wixii dhaqan wanaagsan ahaa ee ka horeeyayna aysan waxba ka qabin, walibina diimaha qaar ay sheegeen in ay dhamaystirayaan anshaxa wanaagsan, waxaa laga wariyay Nabigii Mohamed in uu yiri ”waxaa la ii soodiray in aan dhamaytiro anshaxyada wanaagsan” sidaas oo ay tahay waxaa muuqda in diimuha ay ku jiraan foolxumooyin xaga anshaxa ah, tusaale waxaa ah in quraanka iyo bible-ka ay sharciyaynayaan danbiyada dadku galo kuwa oogu xun, kuwaas oo ah adoonsiga kufsiga dumarka maxaabiistaa bara kicinta boobka iyo waliba jirdilka dadka, arimahaas oo manata anshaxa aduunka ku ah danbiyada waaweyn ee aadanaha laga galo.

Diimaha ku abtirsada Nabi Ibrahin waxay sheegayaan in anshaxa uu sal dhig u yahay waxa ku xusan fariinta Eebe wixii Eebe dadka farana ay yihiin arin anshax-wanaagsan ku fadhiya, in lafuliyo oo la raacana ay muhim tahay qofkii diidana ama dood ka keenana wuxuu la kulmi karaa ciqaabta Eebe oo ah mid aduun iyo mid aakhiro labadaba hadba tii u soo horaysa. Anshaxa wanaagsan ee diimha waxaa ka mid ah arinka ku dhacay Nabi Ibrahin qudhiisa oo ah in uu gawraco wiilkiisa, sida ay sheegayso suuradda(AS-SAFFAT )Markuu ku gaadhay agtiisa socod wuxuu ku yidhi Nabi Ibraahim wiilayow waxaan ku arkay hurdada anoo ku gawrici ee eeg waxaad fali, wuxuuna yidhi aabow samee waxa lagu faray waxaad heli hadduu Eebe doono inaan kamidnoqdo kuwa samree”

Taas oo ah arin Eebe faray, hadaba is waydiintu waxaa weeye ma hagaagsan tahay in aad ilmahaga gawracdo oo aad amar kaas qaadato ? matoosan tahay in aad ilma yar oo aan waxba galabsan birta ku jiido ? sida ku cad bible-ka ciidamadii Nabi Muuse waxay ku kaceen dilka Maxaabiis ay dagaal ku qabteen kuwaas oo lahaa Rag Dumar iyo Caruur, waxaase lasheegay in gabdhaha yar yar oo aan loo galmoon in laga reebay si ay u kufsadaan oo Dumar ooga dhigtaan,Muuse qudhiisa ayaa wuxuu noosheegayaa bible-ku in uu faray in la dilo ilaa 3000 kun oo qof, taasna waxaa la mid ah ,sida axaadiista iyo taariikhda muslimka ku cad in Nabiga laftiisu uu ku kacay fal midkaas la mid ah, tusaale fiican waxaa ah dhacdadii beeshii Yahuudeed ee (Banii Qurayda) oo Nabigu birta ka aslay Ragoodii Dumarkoodii iyo Caruurtoodiina ay dareersadeen colkii Nabiga raacsanaa, dumarkaasna waxaa ka mid ahaa Safiya Bintu Xuyeey oo Nabiga ku soo aaday, kadib markii la qaybsaday dumarkii maxaabiista ahaa. Taariikhyahamiinta islaamku waxay sheegeen in Safiya ay ahayd aroos aabaheed iyo ninkeedii iyo walaakeed iyo Ragii ay isku beesha ahaayeena halkaas lagu qoowgracay. Anshaxa wanaagga ay diimhu sheegtaan waxaa dhabarka ka jabiyay waxaa ku xusan buugaagta ay ku sheegaan (buugta daharin) ama Hufan. Danbi aadanhu galo midka oogu xun waxaa weeye adoonsiga qofka xortaa diimhu maxay ka lee yihiin arinkaas?

Diimuhu waxay fareen adoonta in ay Mudanahood raacaan waxayna danbiile ka dhigeen adoonkii diida mudanaha warkiisa ama ku falaagooba, sida uu wariyay Wadaadka caanka ah ee Muslim Nabigu wuxuu yiri ”Adoonkii ka carara siyidkiisa waa gaaloobay ilaa uu sayidkiisa u soo noqdo” dhankale sida ku cad Quraanka waxaa lafaray kuwa gaanaaxa adag la dul dhigay in ay xoreeyaan adoonta taasoo loola jeedo in lagu xanuujiyo falkooda danbi ee ay Eebe ka galeen , sida ay aayaddan suuradda (AL-Ma,ida) sheegayso ”Eebe Idiin ma Qabto Dhaar Dan la’aaneed (Laqwi) Laakin wuxuu idiin qaban Dhartaad u Qasaddaan, Kafaaradeeduna waa Quudin Toban Miskiin (oo siisaan) kan u dhexeeya waxaad ku Quudisaan Ehelkiina ama Arrad Bixintooda ama Xorayn qoor, Ciddaan Helinna waxay Soomi Saddex Maalmood, Taasaana ah Kafaarada Dhaartiina Markaad Dhaarataan, ee dhawra dhaartiinna Saaduuna idiinku Caddayn Eebe Aayadkiisa, waxaadna Mudantihiin inaad ku Mahdisaan”aayadda 89.

Yaqdir Mohamed Isse

Faafin: Sirqarsoon@gmail.com 

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s