Is-cafis & samir ayay Rwanda kaga soo kabatay xasuuqii iyo mahadhadii dhacday

Soomaalidu cashar intee le’eg ayay ka qaadan kartaa dhacdadan (Haweenay ay wada shaqeeyaan ninkii gacanta ka gooyey ee dilay gabadheedii oo 9 bil jirtay)

 

Is-cafis & samir ayay Rwanda kaga soo kabatay xasuuqii iyo mahadhii dhacday.

Qaybtii 1-aad

Si marka ugu horeysay aynu ku ogaanno qaybsanaanta horseedka u noqotey in lagu fakaro mid ka mid ah masiibooyinkii xasuuq ee dunida ka dhacay kuwoodii ugu xanuunka badnaa aynna ku qurbaxeen 1 milyan oo qof, waxaa muhiim ah inaynnu ogaano waxa ay tahay Rwanda.

Dhawr qarni ka hor sadex qaybood oo kala duwan oo degay dhulkaasi ayaa ka dhigay wadan waxa haatan loo yaqaan Rwanda Twa oo ah qawmiyd ka kooban 1%, Huutuga oo ah kuwa ugu badan waxay ka dhigan yihiin dadka wadankaasi 85%, halka Tuutsigu uu yahay 14%.

Kala qaybsanaanta qawmiyadaha Rwadan ma ahan mid lagu kala saaro dhanka qabiilka waxaa kale oo lagu gartaa heerar kala duwan oo ay ku dhaqmaan Huutugu inta badan waa beeraley, Tuutisigu waa xoolo dhaqato gaar ahaan dhaqashada Lo’da, dakhliga xoolo dhaqashada iyo qaninimadda xoolaha ayaa ka dhigtey xiliyadii hore in Tuutsigu ay awooda deegaankaasi gacanta sare yeeshaan, intii ka horeysay guumaystihii reer Yurub ee qabsadey Rwanda dhulkaasi wuxuu ahaa mid qabaa’ilku isku xushmeyn jireen midba waxa uu ku yahay hodanka la isagana dambeyn jirey.

Bilowgii qaranigii 19-aad markii guumeystayaashii reer Yurub ay u qalab qaateen guumaysiga qaarada Afrika ayna ku kala qaybsadeen shirkii Berlin ee la magac baxay “Qaybsigii Afrika”, Rwanda waxay ka mid noqotey wadamadii Afrika ee gacanta guumeystayaashii reer Yurub galey, iyadoo qayb ka noqotey wadamadii guumeystihii Jarmalka qabsaday iyadoo halkaasi uu ka bilowdey shidadda iyo nacaybka qolo qolada ku dhisan ee horseedka ka dhigay xasuuqii Rwanda.

Sanadkii 1919 horaantii dagaalkii 1-aad waxaa la wareegay Rwanda guumaystihii Beljimka wuxuuna gacanta ku hayey dalkaasi ilaa uu qaatey xoriyadiisa 1-dii July 1962-dii, mudadii uu gacanta ku hayey Biljemku wuxuu si balaaran ugu yeeshay saameyn dhan walba oo ka mid ah nolasha dadka wadankaasi, waxaana uu balaariyey nidaamkii kala sareynsiinta qawmiyadaha ku dhaqan dalka, isagoo isagoo si gaar ah u garab siinayey qawmiyadda Tutsiga oo awooda maamulka kaalin ku laheyd taasi ka dambeysay boqortooyadii Tuutsiga ee Boqor Rwabugili ee dhisneyd ka hor soo galintaankii guumaystihii Jarmalka ee dalkaasi.

Mudadii uu jirey nidaamkii guumaysiga Beljimka wuxuu wadankaasi ka hirgaliyey nidaamyo aad xun oo ay ka mid ahaayeen in xitaa dadka cirqigooda(sinjigooda) la baaro iyadoo loo adeegsanayo sheybaaro iyo baaritaano kale oo ay ka mid yihiin in lafta madaxa la cabiro, sanka, indhaha iyo wajiga oo sidoo kale cabir lagu sameynayey si loo ogaado kumaa Tutsi sax ah ama kumaa Huutu sax ah,iyadoo ujeedku ahaa qawmiyada leh sareynta awooda maamul.

Isla intii uu jirey nidaamkii guumaysiga Beljimka waxaa dalkaasi tagey baadariyiin Kirishtaan ah oo ka socdey Beljimka kuwaasi iyagoo kaashanaya hogaamiyeyaasha Tutsiga faafiyey in Tuutisgu ay yihiin dadka asalka ah ee leh Rwanda, waxaana xiligaasi loo diiday Huutiga inay wax ku yeeshaan xilalka awoodeed ee nidaamka dalka, waxbarashada iyadoo lagu qasbay in ay beeraha qotaan taasi waxay kaloo keentey in la sharciyeeyo in kala qaybsanaanta iyo kala sareynta dhanka qawmiyadaha.

Dhamaadkii maxmiyadii qaramada midoobay ee dalkaasi la galiyey ka dib dagaalkii labaad ee dunida balse Beljimka laga codsadey in uu wadankaasi sii hayo uuna gaarsiiyo xornimo wixii ka dambeeya 1960-kii waxaa xoogeystey xiisadihii dhanka qawmiyadaha ku dhisnaa, waxaa aad u kacay oo sameeyey kacdoon siyaasadeed iyo mid bulsho Huutiga oo u arkayey in nidaamkii jirey hadii xoriyad lagu qaato ay talada wadanka gacanta u galayso Tuutisga oo ay arkayeen inay yihiin dad asal ahaan ka soo jeeda bariga Afrika gaar ahaan Soomaaliya iyo Itoobiya kuna ah soo galooti dalka, walow Huutiga qudhoodu ay yihiin Baantu soo galooti ah oo dalkaasi ku habsadey kana qabsadey qawmiyada Twa oo ay buuraha saareen.

Arimaha la yaabka leh ee Beljimku ka sameeyey wadankaasi waxaa ka mid ah markii ay diinta Kirishtaanka gaar ahaan madhabta Katooliga ay ku faafinayeen dalkaasi uu diiday boqorkii Boqortooyada qawmiyada Tutsiga Yuhi Musinga uu qaato diinta Kirishtaanka waxaana Nidaamkii guumaystihii Beljimku ay xilka ka tuuren boqorkii 1931-dii iyagoo ku badaley wiilkiisii waynaa ee curudka ahaa oo isagu qaatey Katooliga Kirishtaanka sidaasi ku noqdey Boqor, wiilkaasi oo lagu magacaabi jirey Mutara III ama Boqor Rudahigwa 3-aad.

Yuhi Musinga oo xilka boqortooyada qabtey sanadkii 1895-tii wuxuu xilkaasi kala wareegay walaalkiis ay isku aabo ahaayeen oo lagu magacaabi jirey boqor Mwami Mibambwe kaasi oo la dilay isla sanadkaasi ayna dilkiisa amartey eedadiis uu aabihiis qabey boqorad Queen Kanjogera oo doonaysay in wiilkeeda uu qabto boqortooyada kaasi oo isna wiilkiisii uu afgambiyey.

Horaantii sanadkii 1959-kii markii ay soo dhawaatey xornimo qaadashadii wadanka waxaa aad u kacay Huutuga kuwaasi oo samaystey dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo u dagaalamay xuquuqdooda, iyagoo bilaabay inay gacan sare ku yeeshaan doorashooyinkii heerka hoose ee ugu horeeyey taasi oo xitaa uu ka soo horjeeday nidaamkii guumaystaha Beljimka.

Kacdoonkii Huutuga wuxuu xoogeystey bishii November 1959 ka dib markii koox Tuutsi ah oo ka tirsaneyd boqortooyadii Tuutisga ee Beljimku taageersanaa ay xoog u adeegsadeen kacdoon ay wadeen kooxo Huutu ah iyagoo sidoo kale jirdil u geystey Dominique Mbonyumutwa oo ahaa siyaasi Huutu ah oo lagu wadey in uu ku guuleysto aftidii dalka loo qaadayey oo ay si weyn ugu horeeyeen inay awooda maamulka la wareegaan Huutugi, maadama ay doonayeen in la tirtito nidaamkii Boqortooyada laguna badalo nidaam Jamhuuri ah oo doorasho la galo marka dalka uu qaato xoriyad.

Garaacistaasi loo geystey Dominique Mbonyumutwa waxay keentey in Huutigu ay kacaan ayna afka ciida u daraan boqortooyadii Tuutsiga iyadoo aftidii la qaaday ay noqotey in meesha ay ka baxdo boqortooyadii Tuutsiga ayna awooda dalka qabsadaan Huutiga waxaana January 1961 loo doortey madaxweyne maamul hoosaad ah Dominique Mbonyumutwa isagoo hayey madaxweynenimada ilaa dalka uu qaatey xoriyad buuxda.

Isbadalkaasi dhacay wuxuu keenyey in Huutigu ay aargoosi ugu dhaqaaqaan Tutisga waxaa la dilay 20 ilaa 100 kun oo Tutsi ah intii kalena waxay u firxadeen dalalka dariska la ah Rwanda gaar ahaan Ugandha

Sanadkii 1962-dii Beljimku waxay dalkaasi siiyeen xoriyad waxaana ay ku wareejiyeen awoodii maamulkii Huutiga, taasi badalkeedii Tuutsigu waxay noqdeen dad laga badan yahay oo la laayo wixii xiligaasi ka dambeeyeyna waxaa la laayey ilaa 20 kun intaasi in ka badanna way qaxeen.

Waa socotaa….

La soco qaybta 2-aad Isniinta 4-ta galabnimo waqtiga Soomaaliya (Insha ALLAAH).

Ujeedo: Ujeedada qormadan waqtiga badan aan u galiyey waa inaan ku dhiirigaliyo dadkeenna Soomaaliyeed in aan ka heshiin karnno, iska cafin karnno, kana kabsan karnno uurku-taalada, utunta colaadeed, mashaqada dagaal ee qabyaaladu innagu xambaartay ee dalkeenna jilbaha u dhigtay, hubanti waxaa ah siyaasad, faragalin shisheeye iyo shirar macno daro ah inaanay xal u noqon karin mushkilada gaamuurtay ee dalkeenna la degtay balse looga bixi karo tanaasul, is-cafis iyo samir aan dib ugu taagi karno cagihiisa dalkeenna kuna midoobi karno.

Mahadsanidiin:

W/D: Mowliid Xaaji Cabdi.

Mowliid H Abdi 





Is-cafis & samir ayay Rwanda kaga soo kabatay xasuuqii iyo mahadhadii dhacday.

Qaybtii 2-aad

Sanadkii 1973 taliye militry oo Huutu ahaa Jeneral Juvénal Habyarimana ayaa awoodii dalkaasi ku qabsadey afgambi aan dhiig ku daadan, Hogaamiyahaasi cusub ee Huutuga ahaa wuxuu nabadgalyo u balanqaaday dadkii Tutsiga ahaa ee dalkaasi gudihiisa ku dhaqnaa, laakiin wuxuu si buuxda uggu guuldareystey in uu wax ka qabto xiisadaha qolo qolada ku saleysnaa ee ka oogganaa xudduudaha wadankaasi uu la wadago dalalka ku xeeran gaar ahaan Ugandha.

Laakiin Tuutsigii masaafuriska ku maqnaa ma aanay tagin oo meel ay aadan ma jirin waxay dalka Uganda ka aas-aaseen Jabhad hubaysan oo mucaarad ah oo loo yaqaan RFP (Rwanda Patriotic Front) mid ka mid ahaa hogaamiyeyaasheeda wuxuu ahaa Paul Kagame oo markii dambe Rwanda Madaxweyne ka noqdey ahna haatan.

Horaantii sanadihii sideetameeyadii wuxuu laahaa hal ujeedo “waxay noqotey yoolku meesha qaldan ee aan ku sii ahaan karto qof aan dal laheyn, illaa ayaad ahaan kartaa qof aan dal laheyn” ayuu yiri Kigame oo ka hadlayey abuuristii kacdoonkii hubaysanaa.

RPF waxay bilaabeen isku diyaarinta cudud ciidan oo ay ku doonayeen in ay dib uggu celyaan dadka Tuutsiga wadankoodii xitaa hadii dagaal ay ku qaadanayso.

Xaalada wadankaasi ayaa gashay jawi colaadeed ayna u sii dheer tahay dhibaato dhaqaale oo baaxad leh, waxaa dalalka dariska ah qaxooti ku noqdey 700 kun oo qof oo colaadu saameysay.

Sanadkii 1986-dii Uganda waxay siisay jinsiyad dhalasho qaxootigii Tutsiga ee dalkeeda ku sugnaa laakiin taasi ma noqon mid sii jirta waxaa go’aankaasi la laalay afar sano ka dib markii ay diidimo iyo carro ka muujiyeen shacabka Ugandha, waxaana taasi markii dambe ay keentey hal doorasho oo u furnaa RPF oo ahaa inay dagaal dib ugu laabtaan dalkooda maadama aanay sii ahaan karin dad aan dal laheyn.

Bishii October 1990-kii dagaalkii ugu horeeyey ayay ku duuleen Rwanda, halkaasi waxaa ka bilowdey dagaal sokeeye, waxaa lagu eedeeyey RPF inay beegsanayeen dadka shacabka ah ee Huutiga laakiin dagaalku labada dhinacba wuxuu ka joogay meeshii uggu xumeyd oo waxba la isu-lama harin.

Madaxwene Juvénal Habyarimana oo markii uu xilka qabtey joojiyey gumaadkii lagu hayey Tutsiga wadanka gudihiisa ku dhaqan waxaa ka hortimid mucaaradnimo xoogan oo uga imaanaysay qawmiyadiisa Huutuga kuwaasi oo ka xanaaqsanaa in uu nabadgalyo u ogolaadey Huutiga, waxaana markii uu soo xoogeystey duulankii RPF korortey carada loo qabo Tutsiga.

Caradaasi waxay ku biyo shubatey in aan dagaal lagala hortigin weerarka hubaysan ee jabhada RPF balse qof kasta oo shacab ah oo Tutsi ah la dilo ama la beegsado, Rag, dumar iyo caruur gaar ahaan kuwa wali ku sii nool Rwanda.

Ka sakow ciidamada dawlada Rwanda oo u badnaa Huutuu hadana waxaa abuurmay kooxo qabiil oo Huutu ah gaar ahaan dhalinyaro isku magacowday Ilaaliyaasha sharafta waxaana ay tababaro ka heleen saraakiisha dawlada iyo saraakiil military oo Faransiis ah oo talo iyo tababar u joogay dalkaasi.

Waxaa sii xoogaysatey nacaybkii, waxaa meel sare gaartey xiisadii, waxaa xitaa nacaybka iyo olalaha dagaalka loo adeesaday saxaafada sida Jaraa’idka iyo Wargeysyada iyadoo wargeysyada lagu soo daabcay sawiro lagu muujinayo maleeshiyaadka Tutsiga sida ay dadka u galayaan iyo arimo kale oo dadka lagu kicinayey.

Wargeyskii ugu darnaa ee qaybta ka qaatay kicinta wuxuu ahaa Kangura wuxuu daabacay 10 qodob oo looga baahnaa dadka Huutuga ayna ka mid yihiin in aanay is guursan Huutuga iyo Tutsiga, in waxbarashada lagu dhigo in dadka Huutugu yihiin kuwa uggu sareeya laguna saleeyo hanaanka waxbarashada dhaqankooda. In ciidamada dawlada oo dhan ay noqdaan Huutuu, in Huutuugu aanay wax naxariis ah u sameyn Tutsiga iyo qodobo kale.

Kuma koobneyn wargeyska Kangura waxaa kale oo qayb weyn ka qaatey kicinta shacabka Radiyaha iyo Tv-ga RTMLC oo isagu si toos ah u baahinayey dilka iyo xasuuqa una tilmaamayey kooxihii dilka geysanayey halka ay ku sugan yihiin shacabka Tutsiga, ereyadii uu baahinayey waxaa ka mid ahaa “Dila meel kasta oo ay ku aragtaan Tutsiga, waxay u egyihiin sida xayawaanka, sida Raha iyo Yaxaaska.

Waxaa ka mid ahaa waxyaabaha uu ku xoojiyey raadiyihu gumaadka in marka hore uu soo daayo hees ama music soo jiidan kara dhageystayaasha ka dibna inta dhexda ka jaro uu soo galin jirey hadalo guubaabo ah oo lagu muujinayo in la laayo Tutsiga.

Markii ay dalkaasi yimaadeen ciidamadii Faransiiska oo doonayey inay gacan siiyaan dawladii Huutuga uuna dhacay xasuuqii Rwanda Radio RTMLC wuxuu baahiyey hadalo la yaab leh gaar ahaan baaq uu u diray hablaha Huutiga isagoo u sheegay in ay inta isnadiifiyaan dhar qurxoonna qaatan aynna soo dhaweeyaan Faransiiska oo ay ku tilmaameen isbahaysigooda maadama ay dhinteen haweenkii Tutsiga.

Is-cafis & samir ayay Rwanda kaga soo kabatay xasuuqii iyo mahadhadii dhacday.

Qaybtii 3-aad

Bishii August sanadkii 1993-dii iyadoo aduunyadu isha ku hayso xaalada wadankaa Rwanda ka aloosan waxay qabteen shirkii Arusha oo la isagu keenay dawladii Madaxweyne Habyarimana & kooxdii mucaaradka ee RPF shirkaasi oo lagu gaaray heshiis ahaa in awood qaybsi uu ogolaado Habyarimana aynna RPF ku biirto dawlad wadaag ah, isla markaana ciidamo ka socda qaramada midoobay oo xaaladaasi la socda la geeyo Rwanda, kuwaasi oo uu hogaaminayey Lieutenant general Roméo Dallaire

Inkastoo ciidamadaasi UN-ka ka socdey la geeyey Rwanda hadana maleeshiyaadka Huutugu waxay wateen qorshe kale oo ah inay soo afjaraan Tutsiga aynna u dhameystiraan, iyadoo la diyaariyey kooxo dhalinyaro ah oo weerara dariskooda Tutsiga waxaa magaalo kasta laga qaybiyey hub kala duwan oo ay ka mid yihin qoryo, faasas iyo mindiyo.

10-kii Janaury 1994-kii waxaa la soo gaarsiiyey talihii ciidamadii nabad ilaalinta UN-ka ee Rwanda jeneral Romeo qorshaha gumaadka wuxuu isla markiiba qoraal Fax ah u diray xaruntii qaramada midoobay gaar ahaan madaxii nabad ilaalinta qaramada Midoobay Kofi Anaan isagoo u sharaxay helitaanka warka gumaadka soo fool leh.

Laakiin jawaabtii uu helay Jeneral Romeo ayaa aheyd in aannu qaadin wax tilaabo ah iyadoo Qaramada midoobay maskaxda ku haysay wixii ka dhacay bilooyin ka hor Soomaaliya bishii October sanadkii 1993-kii xiligaasi oo 18 askari oo Mareykan ah iyo tiro kale oo ciidamo UN-ka ah iyo Soomaali fara badan ku dhinteen dagaallo Magaalada Muqdisho ku dhexmaray ciidamadii qaramada midoobay iyo kooxo Soomaali ah.

Waxa kaliya ee lagu wargaliyey Jeneral Romeo ayaa ahaa in uu isdifaaco haddii ciidamadiisa la soo weeraro laakiin aannu qaadin wax hawlgal ah.

Habeenimo bishu aheyd 6 bishii April sanadkii 1994-tii diyaarad sidey Madaxweynihii Rwanda Juvénal Habyarimana uunna wehliyey madaxweynihii Burundi Cyprien Ntaryamira oo isaggu xilka madaxweynenimada hayey laba bilood oo kaliya ayaa lagu qarxiyey duleedka garoonka diyaaradaha ee magaalada Kigali ee caasimada Rwanda, weerarkaasi markii uu dhacay subaxnimadii xigtey Raadiyaha RTLM wuxuu ku eedeeyey burburka diyaarada Jabahada RPF, inkastoo ilaa iyo hadda ay beeniyaan in ay ku lug lahaayeen burburka diyaaradaasi.

Cid kasta oo qarxinta diyaaradaasi oo ay ku dhinteen labadii madaxweyne iyo dad kale ka dambeysa waxaa arinkaasi ka faa’ideystey kooxihii mayalka adkaa ee Huutuga oo ka biyo diidanaa heshiiskii Madaxweyne Habyarimana la gaaray Jabhadii RPF waxaana halkaasi ka bilowdey 100 maalmood oo xasuuq ah oo lagu dilay 800 kun oo Tutsi ah.

Alice Mukarurinda waxay ka mid tahay dadkii ay tiiraanyadu ka soo gaartey xasuuqdii Rwanda, waxay ku wayday xubno ka mid ah qoyskeeda oo ay ka mid tahay gabar 9 bil jir ah oo ay dhashay, intaasi oo kaliya kuma koobnee waxaa soo gaaray dhaawac halis ah aynna ku wayday qayb ka mid ah gacanteeda midig, iyadoo looga tagey oo kaliya inay dhimatey.

Alice qofka dhibkaasi u geystey ee gabadheedii 9 bilka jirtay dilay iyadana baangad ama masaar gacanta ugga gooyey waa Emmanuel Ndayisaba oo ay haatan saaxiib yihiin wada-shaqeeyaan aynna cafis u fidisay dhibkii cuslaa ee uu u geystey.

Waxay ka wada shaqeeyaan urur ay ku mideysan yihiin dadkii la gumaaday iyo kuwii gumaaday oo u kala dhashay qowmiyadaha Huutuuga & Tutsiga, Alice waa Khasnajiga ururka halka Emmanuel uu ka yahay madaxweyne kuxigeen, waxay wada degan yihiin isku xaafad aad ayeynna guryahoodu isagu dhaw yihiin waxaana ay ka wada adeegtaan hal dukaan.

20 sano ka dib inkastoo 1 milyan oo qof ay naftoodii ku wayeen waliba si fool xun xasuuqii Rwanda wali waxaa lagu eedeeyaa xukuumada haatan jirta inay wali ku dhaqmayso nidaam adag oo bir ah laakiin madaxweyne Paul Kagame oo qaxootinimo & Jabhadnimo duurka ugu soo jiray mudo sanooyin ah waxaa la siiyaan wax uun sharaf ah sida uu lugaha isaggu duway xaalada Rwanda uunna dadkii is necbaa ka dhexabuuray in colaada ay ka wanaagsan tahay nabadda iyo in cuqdada, nacaybka ay ka haboon tahay iscafis iyo wanaag, taasi oo aheyd laba qarni ka hor mid aan macquul ka aheyn Rwanda.

“Mar kasta oo aan eego gacanteyda waxaan soo xusuustaa wixii ugu dhacay” ayay tiri Alice oo ah hooyo shan caruur ah oo ay uu ka ifiyo dhaawacii gacanteeda midig xubinta hore uu baangad kaga gooyaye Emmanuel, iyadoo aan cuqdad iyo nacayb u qabin ayay isla fadhiyaan hal fadhi waxaana Emmanuel uu doc fadhiyaa Alice-tii uu gacan la’aanta dhigay waliba isagoo mar mar taabanaya gacantii cadowtinimada qabiil uu u waxyeelay.

Xasuuqdii dhacay 20 sano ka hor wuxuu galaaftey nolasha 80% dadkii qawmiyada Tutsiga, laakiin maanta waxaa taasi badalay wanaag iyo nabad ay ku wada nool yihiin 12-ka milyan ee reer Rwanda.

Sanadkii 1992-dii Alice qoyskooda waxay u galeen magangalyo Kaniisad laakiin xaaladu waxay xumaatey markii hogaamiyeyaashii Huutuga ay bilaabeen in ay u jeediyaan dadkooda hadalo ay ku dhiirigalinayaan in ay laayaan Tutsiga aynna gubaan guryahooda, gawaaridooda iyo wax kasta oo hanti ah.

Markii uu bilwoday xasuuqu 1994-kii hogaamiya Huutu ah ayaa u sheegay Emmanuel oo xiligaasi 23 sano jir ahaa in uu u hayo shaqo, wuxuu geeyey guri ay deganaayeen qoys Tutsi waxaana uu ku amray in uu baangad ku laayo dhamaantood.

Emmanuel oo maalintaasi ka hor aan dil gaysan wuxuu si naxariis daro ah baangad madaxa iyo jirka meel kasta kaga garaacay 14 qof oo wada dhintey, maalintii xigtey wuxuu arkay dhakhtar Tutsi ah oo ku dhuumanaya meel isagoo madaxa ka jaray, waxaan uu ku sii daray laba haween ah iyo ilmo yar.

“Qoyskii ugu horeeyey ee aan dilay waxaan dareemay waxoogaa murugo ah, laakiin markii dambe way ii macaanatey inaan dadka surka ka guro, waayo waxaa naloo sheegay in Tutsigu yihiin Sheydaan, markii aan ka soo jeestey dilka qoyskii koowaad waxaanba u haystey inaan cadow leynayo” ayuu yiri Emmanuel.

Is-cafis & samir ayay Rwanda kaga soo kabatay xasuuqii iyo mahadhadii dhacday.

Qaybtii 4-aad

Alice iyo qoyskooda iyo boqolaal kale oo dad ah oo gabaad ka dhigtey Kaniisad loogama harin ee waxaa bambooyin ku soo tuuray oo dab qabadsiiyey kaniisadii manaxayaashii Huutuuga.

Laakiin Tutsi badan oo ay magangalyo siiyeen Muslimiinta Rwanda oo galay Madaajidyada way badbaadeen, iyadoo maleeshiyaadka Huutugu xushmeeyeen Muslimiinta goobaha ay ku cibaadaystaa.

Bal dib u qooraanso dalkeenna imisaa qof masjid lagu dhexdilay amase la laayey kuwa ka soo baxay Salaad ama u socday.

Dadkii ka soo cararay dabka ee banaanka u soo baxay kaniisadihii la gubay waxaa baangado iyo mindiyo ku laayey maleeshiyaadkii iyadoo ku dhawaad 5 kun oo qof ay kaniisad gabaad u galeen, Alice waxay ku wayday dhacdadaasi kaniisada ka dhacdey 26 qof oo qoyskeeda ka mid ahaa.

Alice, oo xiligaasi aheyd 25 sano jir waxay ula soo baxsatey dhul keymo ah gabar ay dhashay oo 9 bilood jir aheyd iyo gabar kale oo 9 sano jirtay oo ay eede u aheyd, waxayna hadba ku dhuumanaysay keymaha baadiyaha ilaa markii dambe ay heleen maleeshiyo Huutu ah oo magaalada Kigali laga soo saarey ka dib markii ay soo galeen mucaaradkii Tutsiga ee RPF.

“Meel kasta waxaa daadsanaa meydadka, Huutuugu marka ay soo kacaan subixii waxay baadi goobi jireen inay dilaan dadka Tutsiga” ayay tiri Alice.

29-kii April 1994-kii Emmanuel wuxuu ku biiray ciidamada Hutuuga ee dhulka baadiyaha ka baadi goobayey Tutsiga waxaana mar kasta oo ay helaan Tutsi meel ku dhuumanay ay yeerin jireen firimbi, inta badan gumaadku wuxuu bilaaban jiray 10-ka subaxino isagoo socon jiray ilaa 3-da galabnimo.

Emmanuel oo ugaarsigii Tutsiga ku jira ayaa subixii dambe ka mid noqdey kooxdii heshay Alice iyo labadii gabdhood ee ay la dhuumanaysay, markii uggu horeysay ee uu arko wuxuu xusuustey in ay isku iskool ahaan jireen balse aanu soo qaban karin magaceeda wuxuuna isla markiiba ku bilaabay baangadii uu kaga gooyey gacanta qaybta hore isagoo ka dibana labadii ilmood madaxa ka gooyey, dhawr mar oo kalena wuxuu Alice u celiyey baangad iyadoo dhiig badan uu ka socda oo ay uga tageen geeri ama inay dhimatay Emmanuel iyo kooxdii arxanka darneyd ee la socotey.

Iyadoo dhiig ba’an ka baxayo, cabsina ka muuqato ayay ogaatey in ay gacan go’an tahay waxay dareentay xanuun, waxay xaqiiqsatay in labadii gabdhood ee yar yaraa dhinteen, dhiigii ka baxay awgiis Alice way miyir beeshay, waxay halkaas tiil sadex maalmood ugu dambayn waxaa goobtii ay tiil ka helay oo ka soo qaaday dad kale oo gumaadka ka soo badbaaday.

Waa socotaa……La soco qaybta shanaad ee sheekada oo xiiso gaar leh gaar ahaan sidii uu ku dambeeyey Emmanuel, sidii ay isku arkeen dhibanaha iyo qofkii dhibaateeye siday ku heshiiyeen iskuna cafiyeen iyo arimo kale oo dheeraad ah.

La soco qaybta 5-aad Arbacada 4-ta galabnimo waqtiga Soomaaliya (Insha ALLAAH).

Is-cafis & samir ayay Rwanda kaga soo kabatay xasuuqii iyo mahadhadii dhacday.

Qaybtii 5-aad

Markii Alice laga soo qaaday goobtii ay tiil sadexda maalmood waxaa loo qaaday goob caafimaad oo lagu dabiibo halkaasi oo loogu fidyey daaweyn mudo qaadatay, markii ay bogsatey waxay baadi goob u gashay dadkeedii balse waxa ay ogaatey in in-ka badan 30 qof oo qoyskeeda ahaa oo ay ka mid tahay gabadheedii 9-ka bil jirtay inay ku dhinteen colaadii iyada iyo dhawr qof oo kalena ay ka soo hareen.

Mudo markii laga soo wareegay colaadii oo la bilaabay in la baadi goobo intii la heli karay dadkii dambiyada culus gaystey, wadankiinna uu ka soo kabanayo colaada ayuu Emmanuel iyo koox kale oo ka mid ahayd dadkii bahalnimada ku kacay waxay isku soo dhiibeen dawlada.

1996-kii Alice waxay ogaatey in qofkii dhibkaasi culus u gaystey uu isku soo dhiibay dawlada laakiin ma jirin wax tilaabo ah oo ay qaadi kartay maadama uu ku jiray isaga iyo kumanaan kale oo xasuuqayaal ahaa gacanta hay’adaha cadaalada.

Sanadkii 1997-kii ayaa Emmanuel xukun xabsi lagu riday wuxuuna ku jiray ilaa 2003-dii, xilligaas oo Madaxweyne Kagame uu cafis u fidiyey dilayaashii Huutuuga ee qirtay inay dambiyo geysteen, isla markaana ay jecel yihiin inay dambiyadaasi dadkii ay ka gaysteen cafis waydiistaan.

Markii xabsiga laga soo daayey Emmanuel wuxuu bilaabay in uu qoys-qoys u raadiyo dadkii uu ehelkoodii xasuuqay si uu uga dalbado cafis, wuxuu ku biiray urur ay ku mideysan yihiin dadkii xasuuqa ka dambeeyey iyo kuwii xasuuqay geystey oo lagu magacaabo Ukurrkuganze ururkaasi oo ilaa iyo hadda todobaad kasta kulan isugu yimaada, halkaasi waxaa meesha ay Alie kula kulantey arxan laawihii gacanta midig qaybta hore baangada kagga gooyey ee qudha ka jaray gabadheedii 9-ka bil jirtey.

Emmanuel markii uu arkay Alice uuna garowsaday inay tahay qof ka mid ah dadkii uu ibtilada u gaystey wuxuu isagoo jilbaha dhulka dhigatay ka codsadey cafis, laakiin isla markii Alice uma noqon umana cuntamin inay cafiso ninkii meyd ahaanta uga tagay.

Laba todobaad oo ay Alice ku jirtey wadatashi uu qayb weyn ku lahaa ninkeeda waxay ugu dambeyn cafis u fidisay bahalkii arxan darada u gaystey, iyagoo markii dambe ka wada mid noqday ururkii suurtagalka ka dhigay inay kulmaan.

Josephine Munyeli oo ah agaasimaha barnaamijka nabada iyo dib u heshiisiinta Rwanda ee hay’adda World Vision ee saldhigeedu yahay Mareykanka oo iyadu qudheeda ka mid ah dadkii xasuuqa ka badbaaday waxay ka hadashay arimaha dib u heshiisiinta iyo iscafiska ee ay ku dhaqaaqeen dadka Rwanda.

“Dad badan oo xasuuq gaystey iyo kuwa kale oo dhibanayaal ah waxay jeclaan lahaayeen in ay heshiiyaan laakiin kuwa badan ma garanayaan dadkii ay weerareen iyo halkii ay ka gaysteen falkaasi, in la iscafiyaa waa macquul, halkan (Rwanda) waxay ka tahay waadix, marka mid uu xaqiiqsado sida ay u culustahay wuxuu uu gaystey, waxa ugu horeeya ee uu sameeyo waa inuu bixiyaa raali galin”.

20 sano ka dib xasuuqdii Rwanda Emmanuel waxaa maskaxdiisa ka go’i karin waxyeeladii qaracanka huwanayd ee uu gaystey, balse wuxuu ku faraxsan yahay in uu helay cafis ay sabab u noqday in mid ka mid ah dadkii uu halakada (dhibaatada) u gaystey.

“Mar kasta waxaa la i su’aalaa sababta aan u sameeynayo doqonimada, laakiin dhag uma dhigo hadaladooda waayo wali waxaa jira dad aan ku qanacsananyn inaan cafis waydiisto dadkii aan dhibaatada u gaystey, dadkaasi waxay u badan yihiin Huutuga mayalka adag oo badankoodu dibad jog ah oo aargudasho iyo xumaan qalbiga ku haya, waa dadkii gumaadka dhiirigaliyey oo inkiraya in uu dhacay gumaad” ayuu ku dooday Emmanuel .

“Dadkaasi waxay diidan yihiin oo kale inaan runta sheegay, qaarkood iyagoo ka qayb qaatay xasuudii ayey inkirayaan oo ay diidan yihiin inay qirtaan wixii ay gaysteen” ayuu yiri Emmanuel oo si niyad ah uga hadlay in laga daawoobo mushkaladii qabsatey Rwanda.

Xasuuqdii Rwanda oo socday 100 maalmood waxaa lagu dilay 1 milyan oo qof, wuxuuna ka mid noqday xasuuqyada ugu xawaaradaha dheereeyey dunida, wuxuu joogsaday markii xoogagii mucaaradka ee RPF ee uu hogaaminayey Madaxweyne Paul Kigame ay qabsadeen magaalada caasimada ah ee Kigali, balse xiligaasi waxaa la laayey 70% Tutisgii laga tirada badnaa oo dadka wadankaasi ka dhigan 20%.

Xasuuqa kaliya kuma koobneen qabiilka Tutsiga waxaa kale oo mindada la daray oo la laayey Huutigii qunyar socodka ahaa shacab ama siyaasi ha isugu jireen oo ka biyo diidanaa hab dhaqankii ciidamadii dawlada iyo kooxihii maleeshiyaadka ah ee Huutuga ee xasuuqa waday.

Madaxweyne Kigame inkastoo lagu eedeeyo xadgudubyo xaquuqda biniaadamka ka dhan ah hadana wuxuu Rwanda ka hirgaliyey hanaan ay isku cafiyeen dadkii is-laayey, wuxuu sidoo kale ka dhaadhiciyey qabiilkiisa Tutsiga ee la gumaaday 70% in ay nabad ku badashaan dhibkii loo gaystey oo ay cafiyaan Huutuga aysanna ka aargudan.

Rwanda waxay maanta ka mid tahay wadamada ugu koboca dhaqaalaha badan qaarad Afrika, waxaa ka socday dib u dhis, ganacsi baaxad leh, maalgashi iyo horumar, dadku waxay ilaawaan dagaaladii oo waxaa loo jeestay tacab iyo wax soo saar.

Rwanda waa wadanka ugu nadiifsan qaarada Afrika, sidoo kale wuxuu ka mid yahay wadamada ugu amaanka wanaagsan Afrika.

Waxyaabaha ugu yaabka badan ee iscafintu sababtay waxaa ka mid ah in ay gabar guursatay oo ay caruur isku dhaleen wiilka ninkii aabaheed dilay, sida uu baahiyey barnaamij laga siidaayey Tv-ga Al-Jazeera oo ku aadanaa sida dadka Rwanda uga soo kabteen foolxumadii colaada ayna ka door bideen inay qaataan nabad, iscafis iyo dib u heshiisiin.

Ugu dambeyntii waxaan shaki ku jirin in tilaabooyinkaasi wanaaga iyo nabada ku saleysan ee ka dhacay Rwanda ay horseed u noqdeen hogaamiyeyaal ka doortey colaad iyo khilaaf in nabad lagu wada noolaado oo dadkooda ay horumar u horseedaan.

DHAMAAD.

Ujeedo: Ujeedada qormadan waqtiga badan aan u galiyey waa inaan ku dhiirigaliyo dadkeenna Soomaaliyeed in aan ka heshiin karnno, iska cafin karnno, kana kabsan karnno uurku-taalada, utunta colaadeed, mashaqada dagaal ee qabyaaladu innagu xambaartay ee dalkeenna jilbaha u dhigtay, hubanti waxaa ah siyaasad, faragalin shisheeye iyo shirar macno daro ah inaanay xal u noqon karin mushkilada gaamuurtay ee dalkeenna la degtay balse looga bixi karo tanaasul, is-cafis iyo samir aan dib ugu taagi karno cagihiisa dalkeenna kuna midoobi karno.

Mahadsanidiin:

W/D: Mowliid Xaaji Cabdi.

Advertisements

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s