Faallo: Yemen iyo Habeenkii Xalay ahaa ee afka waynaa

axmedHorumarkan Ciidan ee deg-dega ah ayaa shaki galiyay wadamada Khaliijka oo aaminay in ay Marin-biyoodka Baabul Mandab  Xouthigu rabaan in ay wax walba ku xaqiijistaan qoriga caaradiisa.

Si miiska wada’hadalka loo keeno Houthiga oo in badan ka biyo diidsanaa ayaa sababta ugu weyn ee garaaca loo fasiranayaa.

Qoraa Ahmed Abdi

Sanca, Waa abaare hal saac iyo wax la jira habeenimo Khamiis ah, mar kaliya waxa cirka iyo dhulka is qabsaday guuxa diyaarado dagaal oo jabiyay jawi daganaa oo naacow roobabow lahaa.

Diyaaradahan oo kor u dhaafaya 60 sida la wariyay ayaa la la xidhiidhinaya in laga leeyahay wada’mada Khaliijka Carabta sida Bahrain, Kuwait, Qadar , Imaaraadka iyo Sacuudi Carabiya [iyo dalal badan oo kale oo la filayo in ay ku soo biiraan iyada oo Maraykanku dhanka farsamada iyo sirdoonka ka caawinayo.

Maraykanku waxa uu ka walaacqabaa arga’gixisada AQAP; waxa uuna saldhig weyn ku leeyahay dalka Jabuuti.

Haddii fiidnimadii hore la seexday cirka oo roob da’ayay, waxa uu qof kasta oo jiifay ku soo baraa’rugay diryaan iyo cirka oo dhinbiilo ka da’ayaan; mana aha qarow iyo riyo habeeneed ee waa xaqiiq.

Qofkasta waxa uu daaqada ama guri dushii ka daawanayaa hola’ca hadheeyay samada Sanca, waxa uu maqli karaa is la markaasna arki karaa dhug-dhugta hawada ka yeedhi iyo biligta ay bixinayaan qoryaha lidka diyaaradaha ee cirka is ku shareeraya, iyo diryaanka ay waheliso holac cirka ka soo hoobanaya sida hanqadh rooba’baabeed oo ay soo liishaamayaan diyaaradaha khaliijku.

Sidoo kale, Qofkasta oo TV u daarnaa ama daaran karay, waxa uu ka war helay, shir saxaafadeed, shirsaxaafadeedkaas oo uu qabtay Safiirka u fadhiya Sacuudiga Arliga Mareykanka, Cadil Al-Jubeyri, daqiiqado yar ka dib hawlaha , waxa uu ku sheegay shirsaxaafadeedkiisa Al-Jubeyri, ” in duulaan- xulafo oo ka dhan ah Xuuthiyiinta Dalka Yemen uu hor kacayo Dalkiisu”.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay uga danleeyihiin sidii ay u caawin lahaayeen Dowlada Yemen ee taagta-daran balse taageerada caalamiga ah haysata ee uu madaxa ka yahay M/weyne Cabdi Rabow Al-Mansuur.

Waxa sidoo kale, war murtiyeed ka soo baxay wada’dama khaliijka Carabta ee qaniga ku ah shidaalka lagu sheegay, “in ayna joojin doonin ilaa danta laga leeyahay laga gaadho hawl-galkan”.

U jeedooyinka Gura’can ee ka danbeeya Hawl-galkan In kasta oo uu yahay Dagaalku mid soo jiitamayay tan iyo horaantii Sanadkan markii ay Caasimada Sanca ee Yemen ay si la ma filaan ah ay gacanta ugu gashay Xoogaga’a Xuuthiyiinta ee gacan saarka la leh Dalka Iran, 22-kii bisha Febraayo, Sacuudigu is la markiiba waxa uu joojiyay dhaqaalihii uu ugu yaboohijiray dowlada Yemen; hadana cabsida iyo arga’gaxa ugu weyn waxa uu yimid markii ay Baarlamaanka oo ay ku mideysnaayeen Ururo badan ay ka la direen Xuuthiyiintu madaxtooyadiina ay jiq galiyeen iyaga oo la taliyaha Cabdi Robowna afduubtay, taas oo Cabdi-Rabow is casilaad deg-deg ah ku dhawaaqay, balse dib uga noqday markii uu
Cadan u cara’ray.

Sidoo kale, waxa jira cabsi aad u weyn oo soo food-saartay Dalalka Saliida qaniga ku ah ee Khaliijka, ka dib markii ay u ruqaansadeen Dhaq-dhaqaaqa Xuuthiga dhankaas iyo Koonfurta oo u xaqiijin karta haddii ay la wareegaan dhaq-dhaqaaqu in ay hantiyaan marin biyoodka, irida badweynta Hindiya iyo Bada’cas is ku xidha ee Baabul Mandab- afkana u saaran gacanka Suweys oo 4 bilyan sanadkii ku siiyaan Khaliijku Masar iyada oo Iran ay horay faraha ugu haysay Haramuus oo ah
gacanka Cumaan.

Waxa aan horay u la soconay in Suuriya, Iraaq, Lubnaan iyo Baxreyn oo ugu danbeyn iyadu fool adkaatay in ay Iran hantido, ka dib markii ay xooga’ga khaliijka ee Darca ay fara’galin militari ku sameeyeen dalkaas ka sakow, waxa ay Iran is ku xeertay dalalka Khaliijka oo jiri’taankoodu noqonayso waxba’yahay ama
bari’kumataal haddii Baabul-mandab laga hantiyo.

Markii ay Magaalada 3-aad dhanka weyniga ee Ta’iz iyo xero ga’gida cirka oo ku taala gobalka Koonfureed ee Laxjah una jirta magaalada Cadan labasaac u socosho gaadhi ka fog uun ,waxa is ka cadaatay in ay Cadana qaban karaan xiligii ay doonaan iyada oo xoogag M/weynihii hore ee la riday Cali Cabdalla Saalax
ka amarqaata ay ba galeen ga’gida diyaaradaha ee Cadan in kasta oo ugu danbeyn ayna u suuragalin qabashadeeda.

Waxa jira warar sheegaya dagaal goos-goos ah in uu ka socdo.

Horumarkan Ciidan ee deg-dega ah ayaa shaki galiyay wadamada Khaliijka oo aaminay in ay Xouthigu rabaan in ay wax walba ku xaqiijistaan qoriga caaradiisa.

Si miiska wada’hadalka loo keeno Houthiga oo in badan ka biyo diidsanaa ayaa sababta ugu weyn ee garaaca loo fasiranayaa.

Xuuthiga oo sidoo kale loo yaqaan Ansaarul’Allaah, waxa uu ku doodayaa in aan marnaba loo ogo’laan in la siiyo saaxad siyaasadeed oo u qalanta dhiigii ay u soo hureen dhowrkii sano ee ugu danbeeyay waxa uuna maciin biday Cabdi Malik Al-Xuuthi, hogaanka ruuxiga ah ee dhaq-dhaqaaqu qoriga caaradiisa.

Waxa xusid mudan muda’dii ay gacanta ku hayeen Sanca in tuug iyo dhaba’galkaba ay ka sufeeyeen. Xuuthigu xidhiidh rasmi ah oo uu la yeeshay dalka Iran ayuu iclaamiyay si uu taageero aad u weyn uga helo .

Usbuucyadii ugu danbeeyay,waxa ga’gida caalamiga eeDiyaaradaha Sanca si talan-taali ah uga soo daga’yay diyaarado laga leeyahay wadanka Iran.

Maxaa iman kara haddii ay ka gows-qabsadaan Xuuthiyiintu wada’hadalka Wadahadalada ay gadhwadeenka ka ahaayeen khaliijka iyo Midowga Quruumaha ka dhexeeya ergaygeeda ee Binu Cumar ee lagu doonayay in lagu jaan-gooyo danaha siyaasadeed ee is garbinaya,  ayaa haddii laga maaro’waayo waxa iman kara in ay soo baxaan Ururo xag jir ah oo aan fulin qaraxyo la mid ah kuwii masaajidyada Sanca ka dhacay jimcadii la soo dhaafey oo ay ku dhinteen 150 qof in ka badan 300 oo kalena ay ku dhaawacmeen oo kaliyee laga yaabaa in ay la soo baxaan murug ay is tabayaan oo ay la gabanayeen xag-jirku.

Ururadaas waxa ay noqon karaan kuwo horay u sii jiray iyo kuwo dhiiga’daadanaya ka dhasha.

Waxa sidoo kale iman karta in ay dhacdo kala qeybsanaanta madaahibta diiniga oo u horseeda mashaqo cusub dalka oo la mid ah, mida ka aloosan Ciraaq, Suuriya iyo Liibiya iyo suurta’gal nimada dagaal sokeeye oo la mid ah kii ay Soomaaliya ku soo jirtay 23-kii sano ee la soo dhaafay. Is ka ba daaye ay ka sii darnaan doonto, maadaama ay u hubeysan yihiin qabaa’ilku maxaa kaa galay.

Soomaalida dhibka soo waja’haya Soomaalida dhibka soo wajahaya waxaa ka mid
ah marka laga yimaado halista ay leedahay dukhaymaha cirka ee culeyskaas leh waa xaalad bini’aadaminimo oo soo wajahaysa.

Xaaladahaas bini’aadaminimo oo ay ka mid yihiin in ay macaluul iyo gaajo marti isugu noqdaan boqolaal qoys oo Soomaali ah oo u badan carruur iyo haween horay u la daalaa dhacayay nolosha Yemen ee isu qabanla’ayd waligeedna aan dhaafin af iyo gacan is bar.

Arinku wuu ka simo’weyn yahay sida la moodayo oo maanta ma joogto in aad dhahdo balaayooy buulkeyga kaa galayeey! Waxa la waaya’yaa oo meesha ka baxaysa sidii horay u dhacday meel wax la isu soo mariyo , xawaaladaha ayaa xidhmaya. Haddii ay raashin la helona waxa la waaya’yaa shooladaha naqaska sidii horay u dhacday kacdoonkii 2011-kii.

Duqeymahan cirka ayaa ku soo aadaya wakhti la filayay in la helo mushaarooyinkii awalba naf ku sa’sabka ahaa ee ay qaadan jireen gabdhaha Soomaaliyeed ee shaaqaalaha ka ahaa guryaha Yemen-ta oo qoys walba oo ay gabadh Soomaaliyeed ugu shaqeyn jirtay bishii inta u dhaxeysa 150 ilaa 200 oo lacagta maraykanka ah ay suurtagal tahay in ay is ka ceshadaan bixintooda.

Marka laga yimaado Soomaalida ku dhaqan Dalka Yemen oo ay inta badan ku iman karaan dumarka oo u jilicsan colaadaha is la markaasna carruuro kolba dhinac u jiidaya carrurahaas oo ragii dhalay aan la ogeyn jaan iyo cidhib halka ay dhigeen, marka laga yimaado kuwo Sacuudiga iyo Mahra oo laga jilaabto kaluunka ee Yemen ugu xamaal tagay iyo kuwa Yurub tahriibta ku galay.

Waxa jira sidoo kale, kuwo jeelasha Itoobiya ay kaga jiraan ragoodii ama laga dilay.

Dumarka waxa ay halis u yihiin giraanlaha raba in uu xayto oo uu xoog wax kaga qaato isaga oo aan dan iyo muraad ka laheyn dhibka uga iman kara dumarka, dhibkaas oo uu ka mid yahay garcin ama cuduro kale oo falkood la waayay.

Waxa aan meesha ka madhnaan karin marnaba in la arko dad Yemen u dhashay oo u qaxa dhankaas iyo Jabuuti. Yemen-tu waa dalka kaliya ee Carbeed ee magan galiyo iyo qaxootinimo siiyay Soomaalida , halka Sacuudigu u la dhaqmo Soomaalida si la mid ah, sidii ay Qureysh u la dhaqantay Bilaal (Alle haka raali noqdee) sabankii jaalihiyada.

Si kastaba ha ahaatee, waxa is weydiin leh siyaasiga Soomaaliyeed intee in le’eg ayuu markan u muujin karaa dareen Soomaalinimo oo uu ku bad-baadinayo kuma’naan muwaadiniin Soomaaliyeed oo u baahan codkooda iyo taakuleyntooda si ay u muujiyaan in ay matalaan umada oo ay bari ka yihiin mida lagu xanto; xaashaali’laahiye qof masuul ah xamasho waa u ceeb eh,”dhuuni qaatayaal bes ah” ?!!

Axmed Cabdi ,

Qoraa madax banaan:
halgan85@yahoo.com

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s