Afar Soomaaliya oo ku dhimatay weerarka Sanca

ssAfar qof oo Soomaali ah ayaa ka mid noqoday dadka ku dhintay weerarka duqeynta cirka ah ee ku socota caasimadda dalka Yemen ee Sanca

Xaafad lagu magacaabo Jebel casar ayaa la sheegay in dadkaasi ku dhinteen habeenimadii  xalay kaddib markii xero ciidan oo halkaasi ku taalay la duqeeyey

Dadka ku dhintay weerarka kala aha saddex wiil iyo gabadh

Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Caasimadda ee Sanca iyo deegaanada kale ee dalka Yemen ayaa waxaa la soo deristay xaalad khatar  badan, iyadoo dowladda Soomaaliyana taageertay hawlgalka Sucuudigu hoggaamin ee ka dhanka ah kooxda Ansaru-llah iyo ciidankii hore ee dowladda

Dalka Yemen ayaa waxaa ku nool qaxooti aad u tiro badan oo Soomaaliyeed, qaarkoodna wadanka degan yahiin muddo dheer.

sariirDhanka kale Qunsulka Soomaaliya ee dalka Yemen Md. Cismaan Axmed Maxamed ayaa waraysi u siiyey laanta af soomaaliga ee BBC wuxuu ugu sheegay Jaaliyadda Soomaalida in ay la soo xiriiran Safaaradda Soomaaliya, Sidoo kalena wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay iyaduna wax la qaban doonto shacabkeeda ku dhibaateysan wadankaasi.

http://www.bbc.co.uk/…/m…/2013/12/000010_idaacadda_subaxnimo

Yusuf@Sirqarsoon.com  Ama Yusufcali@outlook.com

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s