Puntland Iyo dulmiga ku duugan (Qeybtii Kowaad)

YusufBal dib aan ugu celino maankeena oo jaleecno burburkii dowladdi Soomaaliyeed iyo waxaa sababta u aha ?, Dawladii dhexe ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ee u hoggaamin jiray Jaalle Maxamed Siyaad Barre, waxaa jiray dad Soomaali ahaa oo ka shaqayn jiray lugooyadeeda iyo duminteeda dawlada si ay u gaaraan danaha ay leeyiin, markii ay duntay dawladii waxaa ay waxyeeladii u horaysay soo gaartay dadkii dhibka waday, waxaad ogaataan hadii aad ka shaqayso xuman waxaad si degdeg ah u helaysaa xumaan ka wayn mida aad samaysay, ujeedada qoraalkayga ayaa ah inaan waxyar ka  ifiyo  xaqdarada iyo dulmiga  ka jira deegaanada Puntland iyo siraha ku duugan halkaasi, marka hore ka  waxaan hadlaynaa hanaanka maamul ee ka jira dhulka puntland, Aasaskii in kasta oo beelaha qaar shaki ka qabeen maamulkan hadana kuwa suubistay iyagu waa u riyaaqsanayeen iyadoo u hor-boode uga aha hawsha Islaankii la odhan jiray Islaan Maxamed Islaan muuse iyo Cabdullahi Yey oo isagu aha hoggaamiyaha SSDF, dabcaan SSDF waa horseedayaashii burburka dowladnimada soomaaliya balse waxay xilliga deegaanada Puntland ka ahayeen halyeeyo.
 
Dulmiga kowaad wuxuu billowday kolkii la kala xirtay golaha sarre ee maamulka in kasta oo laftigiisu kala awood badan yahay, Waxaa madaxweynaha isku koobay beesha Maxamuud Saleebaan ee Majeerteen, halkaa guddoomiyaha baarlamaanka lagu koobay beesha Warsengeli ee Harti, Madaxweyne ku xigeenka waa Dhulbahante oo ilaa hada xilka ku xigeenka Madaxweynaha iyo madaxweynahu hal qoys weli kama degin, Wasiirka maaliyada waqtigaasi socod baradka la aha waxaa loo doortay Beesha Dishiishe oo iyaduna ka mid ah golaha Harti, waxaa igu qosol badna waraaqaha cashuuraha ee Puntland waqtigawaxaa ku sawira Afar-buurood oo kala weyn, Buurta ugu weyn ee Majeerteen, tan labaad waa dhulbahante, tan saddexaad waa Warsengeli tan ugu yar oo afaraad waa dishiishe taasina waa cadaalada xilligaasi deeqday dadka
 
 
Beelaha qaar kuma bararugsaneen qorshaha ka dhalan doona arrintan balse waxay xilligaasi  qaateen fikirkii aha ”Nabadgelyo aan ka wada shaqeyno, hoggaan sami waa la gaari doona..” 
 
 
Shacabka Puntland guud ahan xiita kuwa dulmiga suubin annigu waxan dhihi kara raali kama aha waxaa socda balse waa aragtaye maxaad qaban?? xaalkooduna waa mid faraha ugu jira dad ay iyagu u heystan kuwa awood balse aan weli la tijaabin
 
 
Dhinac kasta Puntland dadkeedu waxan dhihi kara waa kuwa la deris ah cabbudhin, xadhig, dil, dhac iyo wax kasta oo xaquuqda aadamaha ka hor imanaya, hadii ay wax yar madaxa la soo qaadan, taasina waxaa u sabab ah intaa badan ayaan odhan kara waa dad nabada jecel oo dhibaatada neceb, waana kuwa xaqdhowra ehelnimada iyo qabiileysiga bahdilka ah
 
Dastuurka magac u yaalka ah ee aan lagu dhaqmin balse ku qoran sharciga Puntland waxaa ka mid ah arrimaha ku qoran ”Muwadiin weliba wuxuu xaq u leeyahay inu wax doorto isagana la doorto” sidoo kale waxaa ku jira ”Qof weliba oo Soomaaliyeed wuxuu xaq u leeyahay inu ku noolado cadaalad iyo xorrnimo” sidoo kale waxaa ku jira waa in qofku 24 saac ka badan ku jiri karin xabsi, iyadoo sidaas tahay anigu waxan ku xira Puntland 6 bilood ku dhowaad iyadoon xiita hal maalin maxkamad ama garsoor la isoo hor-istaajin, intaasi waxan la kulmayay cagajugleyn iyo jir-dil, arrimaha aan sheegay iyo kuwa igu dhacay ama aan la kulmay hadii aan is-barbardhigo waa qawda maqashi waxna ha u qaban.
 
Intaa badan dadka Puntland waxay isweydiiyan Miyaan dastuurka loo sinnayn? miyaan dalkani cadaalad ka hirgeli doonin? balse rajo quus ah waxaa ay timada sanad weliba kolka ilmo adeertu isbedesho sidaa la isku leeyahay maanta ayaa laga bixin musalsalkan aan dhamaadka loo helin
 
Cabdullahi Yusuf Yey, Jamac Cali Jamac, Cadde Muuse, Cabdiraxmaan Faroole, Cabdiweli Gaas oo xilligan ah dhammaan waa Ilmo Adeer? dabcaan igama rumeysaneyso hadii aad deegaanada aad u dhalan!!!
 
Mushkiladda deegaanka ka jirta waxay abuuri karta mudo dhow cadaawad, fitno, dirir beelaha dhexdooda ah iyo dagaal aan dhamaad laheyn waa hadii ay sidaani si jirto
 
 
Si socodka dulmiga ka jira Puntland waxa horumuud u ah Oday Qabiil, Kuwaasi ayaa ah horseedka dulmiga ee aan la ogeyn intaa badana Odayaashu waa kuwa bud-dhiga u ah maamulka deegaanka ka jira, iyaga ayaa la dhihi kara waa doortayaasha Hoggaamiyaha waayo waxay diyaariyan Baarlamaanka qabiilka ku dhisan ee qabiilkana wax ku doorta iyaga ayaa ah saxiixayaasha kowaad
 
 
Islaan Bashiir Islaan Cabdulle, Islaan Ciise Islaan Muuse Iyo Burhaan Boqor Muuse Saddexda Issim waa kuwa ugu awooda badan issimada dhammaana waxay ka soo jeedan qoyska xukunka isku koobay, Keliya iyaga ayaa ah odayaasha dhaqan ee wax laga weydiiyo Puntland halka kuwa kale yahiin kuwa ku daba-lamaan, Hadii kuwaas la mucaarado mid kasta oo mucaarada waxa gadaashisa laga dhalin mid kale oo ka awood iyo itaal weyn
 
Beelaha Puntland ma jirto beel aan labo issim laheyn, Waa Issin soo jireen ah iyo mid laga daba-abuuray… Tusaalaha ugu dhow aan qaadan karo waa Beesha Cabdi Koombe (Jambeel) Waxay lahayd Hal Suldaan oo isagu loo aqoon jiray Qud-Maxamed Cali Allah ha u naxariiste Sanadkii hore ayuu ku dhintay magaalada Garoowe qaab aan ilaa hada la ogeyn, Waxaa laga hoos abuuray kolkii u ka horyimid siyaasada gurrucan ee beesha xukunka isku koobtay ee Maxamuud Saleebaan Suldaan kale oo la dhaho Xuseen Tabliiq, Dabcaan weliba beesha oo ahayd mid wada jirta weligeed waxaa loo kala qeybiyey Macaawiye oo Suldaan Xuseen tabliiq hoggaamiyo Iyo weliba Habar-Axmed oo u Maxamed Cali Allah ha u naxariiste ka dhashay
 
 
Kolka waxay ku qasban tahay beel weliba intaa aan Issim-keeda soo jireenka aha laga boobin oo mid kale lagu dul magacaabin in ay u hoggaansanto Maamulka meesha ka jira iyo sida Beesha Maxamuud saleebaan wax u doonin la raaco ilaa waa ”Fad ama ha fadin waa lagu fadsiin…”
 
 
Aasasahii Puntland Iyo Jabhadii Maxamuud Saleebaanku u badna ee SSDF Cabdullahi Yusuf Yey ayaa kol u iga waramay mid ka mid ah dadka ka agdhowa oo beelaha dulman ka soo jeeda balse ay saaxiibo yahiin wuxuu igu yidhi ”Nin Qabiili ah ayuu aha..” Wuxu intaas igu si daray ”Maxamuud Saleebanimo waxay la ahayd faral diimeed hagaagsan..” Micnaha wuxu aha nin magacaasi ku dhinta, isagoo ku dardarmay wax kale oo dhan iska dhaafa balse xilkaas Madaxweyne ee Puntland yuusan idiin dhaafin tolkayow…  Micnaha dhimasho ayuu ka xiga qof beesha u dhashay kala hadalka Madaxtinimada wixii kale balse waa laga hadli kara ama laga doodi kara
 
Beelaha ku dulman Puntland ma aha kuwa wasiirada ama xilalka aan ka heysan balse waxaa ka mid ah kuwa xilal ka heysta hadana aan awood u lahayn waxqabad aan deegaanada beesha xukunka isku koobtay leedahay dhaafsisan 
 
Wasiir weliba oo la magacaaba halkii laga sugayay waxqabad guud wuxuu ka bilaabaya hawshiisa Qardho biyo ma leh, Garoowe laami hagaagsan ma leh, Gaalkacayo Abaar ayaa ka dhacday Iwm… Aaway deegaankii kale ???
 
 
Bosaso oo ah halka Shillin-ka ugu badan ka soo gelin Maamulka, Waa magaalada Cashuurta bixisa, waa magaalada lacagta iyo barwaaqada, waana halka laga bixiyo mushaharka Madaxweynaha, Baarlamaanka, Wasiirka Ama Askariga sidaas oo ay tahay waxaa ka muhiimsan Garoowe, Qardho Ama Gaalkacayo waayo waa rugahooda rasmiga ah
 
 
Puntland waxa lagu sheega 9 Gobol, Bari, Karkaar, Gardafuun, Nugaal, Mudug, Sool, Cayn, Sanaag Iyo Weliba Hayland, Balse hadii la xisaabiyo Sharcigii hore iyo goboladii Dowladda Soomaaliyeed ka tagtay intaa aan burburku dhicin waa 5 Gobol, Sanaag, Sool, Nugaal, Bari Iyo Mudug, Hadii xaqiiq aan ka hadalo gobolada intaas ee maamulku sheegan waxa keliya barwaaqadu ku kooban tahay Saddexda qoysaska dadka ka sharaf badan degan yahiin, Karkaar oo Qardho Ah, Nugaal oo Garoowe Ah Iyo Mudug Oo Gaalkacayo Ah
 
 
 
 
W/Q Yusuf Ali Adan
Yusuf@Sirqarsoon
Yusufcali@outlook.com
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Advertisements

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s