Alshabab iyo lacagaha ganacsatada laga qaado

alshababWarsidaha Sirqarsoon ayaa oogaday in ganacsatada magaalada bosaso lacag baad ah siiyan ururka alshabaab, ganacsatada lacagtaasi bixiya qaar ka mid ah oo codsaday inaan magacooda la sheegin ayaa inoo xaqiijiyey in lacagtaasi baada ah looga qaado goobahooda ganacsi, waxay sheegen in alshabaab ugu hanjabtay dil hadii aysan bixin lacag 

”Waxaa lacagta looga qaada hadba sidaa ay u bixin karan, ma jirto lacag shuruud ah balse hadii dukanka ama meherada ganacsigu tahay meel dhaqdhaqaaq xoogan u ka socdo qofka waxaa bisha laga qaada intaa u dhaxeysa Kun dollar-ilaa 3Kun oo dollar” ayuu yidhi ganacsade magaciisa codsaday inaan la shaacin
Waxan weydiiyey hadii ay dowladda deegaanka ka jirta arrinta u sheegan in xaaladu isbedelin iyo in kale, balse wuxuu ii sheegay in dowladda ay laftigeedu canshuur ka qaado aysana awood u laheyn in ay ilaaliso ammaankooda 
Ganacsatada lacagta baada ah laga qaado ayaa waxaa weeye kuwa hantida badan ku leh magaalada bosaso, iyadoo ganacsatada dan’yarta ah aysan intaa badan alshabaab hunguri ka gelin 
Alshabaab-ta Puntland ayaa ah kuwa awood badan ku leh magaalada qof kasta oo dan iyo hawli ka gashana si dhib yar u ugaarsan kara 
Dhowaan ayay ahayd markii meel baabuurta lagu dhaqo oo lagu magacaabo Xalwo Hubaal shaqaalaheedii dhammaan lagu eedeyey argagaxisanimo, shaqaalaha ayaa la sheegay in gawaarida kolka ay dhaqaan ku xiri jireen Bom- ama walxaha qarxa 
Alshabaab iyo Maamul goboleedka Puntland ayaa ku dagaalamayay tan iyo sanadkii 2010 buuraleyda tuulada galgala oo wax yar u jirta magaalo xeebeedka bosaso 
Yusuf@sirqarsoon.com
Advertisements

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s