Cabdiweli gaas marku Siilaanyo wacay sidee aha xaalkiisu???

SiilaanyoMadaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas habeenkii u Telefoonka ka raaligeliyey Muj. Axmed Maxamed Maxamuud Madaxweynaha Somaliland iyo Shacabka deegaanada waa u xanuunsana

Madaxweyne Siilaanyo ayaa dhowaan ka sheegay golaha shacabka Somaliland in Madaxweyne Gaas u raaligeliyey, ayna ka aqbaleen raaligelintaasi… wuxuu yidhi ”Ina dhoweyd waxaa ka imaanayay maamul goboleedka Puntland dacayado ka dhan ah qaranimada Somaliland, In kasta oo u dhowaan ilaa soo xiriiray Madaxweynaha Puntland oo iga raalisiiyay, waxaan soo dhoweynaya raaligelintaasi..”

Xog hoose oo Warsidaha Sirqarsoon ka helay Madaxtooyada Puntland ayaa xaqiijiyey inu Cabdiweli Gaas Habeenka u wacay Siilaanyo Xanuunsana, Warka ayaa intaas ku darraya in Cabdiweli Maxamed Cali Gaas u tiro 5 jeer wacay Axmed Siilaanyo isagoo ku leh ”Naga raali ahada waan idiinku qaldanay, Waxad tahiin walaalaheena, Soomaali ayaan wada nahay Iwm” Waxaa la sheegay in Siilaanyo ka codsaday xilliga u wacay oo aan munaasib aheyn inu subaxii soo waco balse Gaas ku celceliyey telefoonka ilaa markii dambe lagu demiyey…

”Wuxu yiri waxan wacaya Siilaanyo, waan ka aqbalay waana u wacay ilaa tiro shan jeer ka badan waxana u mar weliba oo u waco ku laha Iga raali ahada, waa u yara xanuunsana oo habeenka dhaqtar ayaan u wacnay xilli dambena naga tegey, daawooyina waa la siiyey Madaxweynaha in kastu xilliga u wax wacayo noola muuqday shaqsi wanaagsan oo miyirkiisu taam yahay” Ayuu yiri mid ka mid ah shaqaalaha Madaxtooyada oo magaciisa ka gaabsaday in saxaafada laga sheego 

”Ma jiro xanuun weyn oo xilligan u qaba Cabdiweli, balse mar mar ayaa lagu kaca” sidaasi waxaa yiri Xabiib faarax oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland mar u igu waramayay Facebook sanadkii tegey

Cabdiweli gaas xanuunkiisa ayaa ah mid dhibaato weyn ku ah siyaasada dowladd goboleedka Puntland madama uusan aheyn shaqsi maskaxdiisu fadhido. 

Intaa badan hadalada Madaxweynaha Puntland ayaa ah kuwa is khilaafsan kolka la dhegeysto. 

Yusuf@Sirqarsoon.com 

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s