Ciidamada Puntland Habeenkii waa Alshabaab, maalintiina waa askarta mamulka
Ciidamada puntland ayaa habeenkii u shaqeya kooxda alshabaab halka maalintii ay yahiin ciidamo dowladda deegaanka ka jirta u adeega, arrintan ayaa dad badan ku noqotay dhibaato weyn
Mushahar la’aan iyo imaan la’aan ayaa la sheegay in ay sabab u tahay in ciidanka iyo sarakiisha dowlad deegaanka Puntland ku dhaqman ficilada gurrucan ee argagaxa leh, iyadoo dad badan welwel ka muujin arrintan
Sirqarsoon ayaa oogatay in ciidanka magaalada bosaso yahiin kuwa maalinta u adeega danaha dowlad goboleedka Puntland, halka habeenkii ay isku bedelan kooxaha argagaxisada Alshabaab, iyadoo taasi cabsi gelin ku tahay dadka magaalada ku nool gaar ahan hantileyda iyo weliba dadka dowladda ku jira qaarkood
Dad Bosaso ku nool ayaa xaqiijiyey in ay indhahooda sarreen ciidamo habeenkii wejigu u duuban yahay oo xiran tuutaha dowladda kuwaas oo dilaya ama dhacaya dadka iyagoo ah Alshabaab, halka maalintii ay kaga hormarin saldhigyada booliska oo iyagu fadhiyaan
Dadweynaha magaalada Bosaso keliya ma aha kuwa arrintan heysato ee waxa sidoo kale ciidanka labo wejiilaha ah ku sugan yahay magaalada Gaalkacayo oo sidaan oo kale ciidanka iyo alshabaab u wada qaraabtan, dad badana ku dileen halkaasi sida magaalada Bosaso oo kale
Welwelka laga muujin arrintan ayaa si kordhaya magaaloyinka, waxana dad badan leeyahiin hadii arrintu sidaan ku si socoto waxay Puntland Isku bedeli doonta goob argagaxisada Hooyo u noqota
Tan iyo markii u Cabdiweli Gaas xilka la wareegay waxa la soo sheegin in awooda iyo tayada ciidamada Puntland hoos u dhicin iyadoo taas sabab loga dhigayo mushahar la’aan ciidanka iyo askarta qaar oo mushaharkooda wasiirka Amniga iyo taliyeyaasha ciidanku dhexda ku qeybsadan, iyadoo alshabaab mushahar ka wanaagsan kan Puntland ciidamada u siiso iyadoo isticmaalin lacagta mobilada la iskugu diro ee shirkada Golis.
Yusuf@Sirqarsoon.com