Muxuu Hooyadiis u dilay Wiilka Faroole ???

farooleWaxaa maanta magaalada garoowe wiilkeedu ku dilay marwadii madaxweynahii hore ee Puntland Cabdiraxmaan faroole, Aamina Abiib ayaa ku dhimatay gacanta wiilkeeda Cumar Cabdiraxmaan oo xabad ku dhuftay

Cumar iyo qoyska reer Faroole ayaa xiriirkoodu aha mid aad u xun tan iyo waqti dheer, waxaa jiray in Cumar hooyadiis ka cayrisay gurriga iyadoo sidoo kale si khasab ah kaga furtay xaaskiisi Muno Xuseen Gacayte, oo saddex wiil u dhashay, iyadoo horena Cumar hooyadiis uga soo furtay naag Ustaareliyaan ah oo u qabay oo iyaduna saddex wiil u dhashay

Marwada geeriyootay ee Faroole ayaa sidoo kale wiilkeeda la sheegay in ay hanti uga dhaaratay oo weliba xayirad ka saartay lacago badan oo u isagu shaqeystay, iyadoo Cumar xiriirka kala dhaxeeya waalidkiisa u aha mid liita ayaa sidoo kale walaalahiisu waxay ahayeen kuwa ay dagaal culus leeyahiin sidaa Maxamed Cabdiraxmaan oo aysan cumar is arki karin 

Shaqsiyadiisa gaarka ah Cumar waa mid aad u neceb wixii ka baxsan qoyskiisa wuxuuna dagaal culus kula jiray qoyska hooyadiis oo u aad u necba, isagoo gurriga ka cayriyay xaaska walaalkiis Xamse iyo weliba xaas walaalkiis kale oo lagu magacaabo Siciid Faroole 

In muddo ah waxaa la sheegayay in u Cumar waalna, waxaa jiray inu xaaskiisa Soomaalida ahayd ee Muna gacayte ka dalbaday ilmahiisa isagoo ku tilmaamay dhiilo, waxa kale oo jirtay in Cumar dhowr jeer ku hanjabay inu dili doono aabahiisa oo u sheegay inu sabab u yahay dhibaatada heysata oo ahayd inu nolosha ka dhacsana 

xaaskiisa

Ugu dambeyn Cumar waxa maanta gacantiisa sababsatay hooyadiisa Aamino Abiib, waalida cumar ayaa lagu sababay in ay hooyadiis masuul ka ahayd in kasta oo wax kasta yahiin kuwa qoran. Allah ha u naxariisto Aamino Samir iyo imaana allah ha ka siiyo qoyskeeda. 

Qoyska Faroole ayaa in badan lagu eedeyey waqtigii ay xukunka heysteen in ay dad badan si xaqdarro ah u dileen, dad badan ayaana leh tani waa cibro iyo muujin qof weliba oo dulmi suubiya in dulmigaasi maalin ka soo ifbaxayo. 

Yusuf@Sirqarsoon.com 

One thought on “Muxuu Hooyadiis u dilay Wiilka Faroole ???

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s