Waraysiga Zakariye warbaa wali iigu laaban

tyALSHABAABNIMADU ma ahan oo kali ah QARXINTA, QIXINTA,QAARIJINTA, MIINADA, DILKA, NAFTIHALLIGNIMADA, GAAJEYTA IWM, ee waa haaneedinta iyo hirgalinta aragtida SHABAABNIMADA, ee ay salka iyo unugga u tahay ITIXAADNIMADU, dibna ka noqotay ICTISAAMNIMO.

Sida Shabaab loo dhibsado, loogu arko dhimaal, kuwan sare looguma maleeyo, haddana, iyagaa SHABAAB dhalay, ababiyey, koriyey, kana dhigay dhaqan loogu dhawaado Eebbe, oo JANNADA lagu muto.

Isweydii, bulsho ahaan; imisa ayaa shabaab naga ah? Ha ku fiirin aragtida, inta gafuurku u duuban yahay, ee aan laba arag ama duurgalka ah, ee ku fiiri inta bulshada ka dhexmuuqata, haddana, aragtidooda aysan waxba dhaamin ta shabaab, inay shalay ka tirsanaayeen, wax ka dhiseen waxna ka ukneen ama iyaguba gardaadshay oo garabgaalay.

Inta kuwaa darajo, dallacsiin iyo ay helayaan duubid, ha ka yaabin in SHABAABNIMADU dhimato, le’ato ama dabargo’do, maxaa yeelay, haddaan Maska madaxa laga dilin ma dhinto, sidaa oo kale, haddaan kuwii shabaab dhalay, wax ka dhisay ama ku dhaqmay indhaha bulshada laga qarin, nabee inaan lagu/laga guulaysan. Ugama jeedo in la dilo ama la gumaado, ee waxaan uga jeedaa in aan bulshada loogu soo bandhigin BADBAADIYEYAAL, BARBAARIYEYAAL ama BAARRIYAAL oo kale.

U fiirso, shabaab qofkii laga soo qabto ama isa soo dhiiba, haddii uu yahay sagaal sare waa la soo dhaweeyaa, darajana la siiyaa, ama lagu maamuusaa guri iyo deegaan uusan qarashkeeda bixin, haddiise uu yahay askari ama ciidan, waxaa la geeyaa tiirka, oo toogasho bah dilaad ah lagu oogaa! Bulsho dilaaga weyn qiimeysa, kan yarna qaarijisa, anaga unbaa ka jirna.

Tusaalooyinku waa badan yihiin, eekan udambeeyey, oo qormadu ku socoto aan kuu tusmeeyo. Zakariye IsmaaciilXersi, wuxuu ahaa madaxa Sirdoonka Alshabaab laba bilka hor, in kasta oo uu inkiray. Micnaha madaxa qaarijinta, dilalka qorshaysan iyo gaadmada ah, ee Shabaab fulin jireen xilligaa ka hor. Zakariye, asagoo baxsad ah, oo ka cararaya isla Shabaab, –Labadii LAQDABO ku heshiisa, LILLAAHI ayey ku diriraan!-ayuu isu dhiibay maamulka Gedo, oo reerkoodu deggan yihiin. Iska dhiibidda uu Gedo iska dhiibay waxaa lagu macneeyey laba arrin oo kala ah:

– Maadaama uu ahaa xubin culus iyo madax sare, soo qabashadiisana magac iyo maamuus lagu mudan karo, ayuu jeclaystay in tolkiisa uusan dhaafin, si wixii nacfi iyo naruura ah iyagu ku helaan. “Tolkaaga iyo kabtaadaba dhexdaa looga jiraa!”

– In haddii uu meel iska dhiibo ama lagu qabto, uu mudan karo dil degdeg ah, taas oo uu uga badbaadi karay oo kali ah, inuu tolkiisa dhexjoogo xilliga is dhiibidda, oo ka badbaadin karta in la maago.

Isdhiibiddiisa ka dib, waxaa ii xigtay asoo shaar buluug qafiif ah gashan, inaan si kadis ah uga daawaday TVga dawladda, oo run ahaantii igu eheed filan iyo qaadan waa! Ma ninkii maalmo ka hor dadka wax ku oolka ah, ee leh; siyaasi, aqoonyahan, oday dhaqameed, dhaqaatiir, wariye, IQK dilkooda maleegi jiray ama wax ka goynjiray, waxna ka ogaa qarax walba oo ay Shabaab fuliso, ayaa isla TVga qaranka laga sii deynayaa, waliba isagoo sharfan? Yaab.

Taas anoo la yaabban ayaa waxaa ii xigtay waraysi uu siiyey Idaacadda Codka Amerika, oo runtii aan la dhihi karin waraysi, ee lagu tilmaami karo gabar la sheekaysanaysay wiil ay isku xaafad ahaayeen, balse, aysan fool ka fool isu aqoon oo kale. Malaha, maadaama uu Idaacadda Maraykanka ku hormarshay waraysiga, waxay ka dhigan tahay, in si uun xiriir ugala dhexeeyey, ama ugu yaraan ay iskudan ahaayeen, haddii kale, muxuusan Idaacadda dawladda, oo uu martida u yahay u siin ama idaacadaha gudaha?.

Weydiimaha iskood u imaanayaa waxaa ka mida; sidee loogu oggolaaday inuu waraysi bixiyo?Sidee loogu oggolaaday in waraysi laga qaado?Yaa u fasaxay? Sidee looga qaaday, mise la koontoroolay waxa uu sheegayey ama sheegayba?.

Waxaa cad, sida ay qabaan dad badan oo aqoon u leh fekradaha iyo saamayntoodu, in aysan sahlanayn in Shabaabnimada haba laga bexee, raadkeedku si fudud ku go’i karin, sida aragtiyada kale, iyadu maba ku sii jirto, oo waaba diimaysan tahay, Janno, Ajar iyo Aakhiro ayaaba lagu doonaa!

Zakariye, waraysiga wuxuu ku sii indha adkaa aragtidii SHABAABNIMADA, ee uu dad iyo duunyo ku halaagay.Maxaa yeelay, Zakariye Shabaab hore ayuu ahaa, madaama uu ka yimid xeryihii Gedo ay ITIXAADKU ku lahaayeen, kuna soo hanaqaaday deegaankaa.

Sida aan wada ognahay, gobolka Gedo, sanadihii 96-97dii, waxaa ka hana qaaday dhaqdhaaq diimeed xooggan, oo dadkii deegaanka cunaha ka qabtay, heer markii dambe Xabasho la magansaday, oo waa meesha uu naga soo raacay Gen. Gabre, oo wuxuu hoggaaminayey ciidankii ITIXAAD kula dagaalay Gedo, heer maanta uu siyaasadda iyo maamullada Soomaalida ku milmay.

Sidoo kale, Maxamad Idiriska Maraykanka dacwadda sharci kala noqoshadu uga socoto ee leh: “Somalia shame on you!” wuxuu ku jiraymadaxda ITIXAAD,oo ay ku go’een dhallin badan, haddaba, inta uusan Soomaali afka ku taagin, isagu ha is ceebsado!

Markii ITIXAAD gobolka Gedo ku soo kala carareen ka dib, saa waligoodba Xabashi uma babac dhigaane, oo Soomaalida kaliya ayey Libaax iyo Atoor u yihiin, Zakariye wuxuu u soo wareegay magaalada Muqdisho,oo 2000 uga baxay Iskoolka sare ee Marwazi, oo ay gacanta ku hayaan wadaaddo la baxay SALAFIYIHIIN, oo ITIXAADKA aragtida rabshadda iyo dagaalka xukun doonka ah uga duwan, balse, inta kale kala mid ah.

Zakariye Shabab wuxuu si rasmi ah ugu biiray 2003dii, balse, waraysiga wuxuu ku sheegay inuu ku biiray 2006dii.Halkaa waa meesha aan ku lahaa waraysi ma ahayn, ee sheeko ayuu ahaa.Lama hubo inuu markaa tabbar ciidan qaatay, balse, dad badan waxay qabaan inuu xitaa maray layliskaa.

Ka dib Zakariye, wuxuu waxbarasho u aaday dalka Pakistan, oo uu Jaamacad ka dhiganayey, uuna xiriir fiican kula yeeshay Alqaacidda. Markii uu dhammaystay waxbarashada, wuxuu u soo laabtay Soomaaliya, oo halkii uu shaqadiisa ka sii watay.

Markii ciidanka Xabashidu dalka qabsadeen, ee wadaaddadu ku jireen firxadka, ayuu Zakariye damcay inuu ku laabto Pakistan, balse, wuxuu ka war helay in lagu dabajoogo, oo ay raadinayaan Sirdoonka Pakistan, sidaana ugu qasbanaaday inuu dalka jooga, ooba xil sare iyo qabtay jago culus (MADAXA SIRDOONKA ALSHABAAB) Alla wuxuu dil iyo qarax badan wax ka ogaa! MAGAN.

Qaraxii Hotel Shaamow 03/12/2009kii, ee ay ku qurbexeen aqoonyahanno iyo siyaasiyiin u badan isla wadaaddadii MAXKAMADAHA, ayaa waxaa la isla dhexmarayey in Col. Cabdisamad oo abti u ah Zakariye, gabar uu dhalay aysan ka soo qaybgalin xafladdaa, maadaama uu Zakariye ku wargliyey inaysan halkaa tagin maalintaa. Horaa loo yiri;“Fiqi tolkii kama Janno tago!”.

Isla sanadkii 2009kii, mar la isku dayey in wada hadal lala furo Shabaab, wafdigii ka socday Culimada Muslinka(gaar ahaan Ikhwaanka Qadar), waxa la sheegay in wafdiga Shabaab wada hadalka uu u matalyey isla Zakariye, dadkiina uu u kala saaray dhawr qaybood, oo ay ugu muhimsandeed:

– In wafdiii baarlamanka Kuweyt ka socday lagu yiri idinka siyaasiyiin baad tihiin ee dhan u baxa.

– Halka Umal iyo raggii kale ee la socday (Soomaalidii) lagu yiri; idinka waxaa la idin siinayaa siminaar ku saabsan diinta Islaamka, maadaama ay ka yimaadeen dhulgaalo (Kenya).

Haddaba, ninka sidaa ahaa, walina ah, sidee inta uu isu soo dhiibay, loogu oggolaaday inuu siduu doono u hadlo?Saw ma ahayn in indhaha dadka laga qariyo, maadaama uu CABSI, DHIIGiyo ka samaysan yahay GEERI? Xasuuso, inta qof, ee Shabaab dileen, ma is leedahay Zakariye wax kama ogayn? Hadduu ka ogaa, haddaba, miyuusan DHIMASHOka samaysnayn?Nabadda uu maanta baahinayo, muxuusan u qaadan maalintaa ay ka dhaweed? GABLAN!

Halka uu noo sharrayo xiriirka Alqaacidda iyo Shabaab, saw kama muhim sanayn inuu nooga sheekeeyo, dadka ay dileen, waxa ay ku dileen, qaabka ay u diljireen, sida ay u xulan jireen iwm? Isagu meeqa ayuu wax ka ogaa ama amarkeeda baxshay? Anaga hadda yuusan isaga keen dhigin MALAGE, shalay wuxuu ahaa, ha nooga sheekeeyo fadlan.

Waxaa la yaab leh Zakariye marka uu yiri, shisheeyaha ka garabdagaallama shabaab ee dalka jooga, kama badnaan karaan laba boqol! Yuu riwaayaddaa u dhigayaa?Midda kale ku lahaa; “waa filaa” inuu yareey ka sokow, wuxuuba malo sii galiyey tiro ahaanba, oo gabadha waraysiga ka qaadday, aysanba ku baraarugin. Mise waa ku baraarugtee, waxaa lagu yiri weydii weydiimo xaddidan?.

Waxaan la yaabaa, waxaan aqrinayey in dib xabsiga loogu taxaabay wariyeyaal ka tirsan Idaacadda Shabeelle, albaabbadana la isugu dhuftay, oo lagu haysto inay siidaayeen codka Cali Dheere, afhayeenka Alshabaab, weerarkii Jaamacadda Gaarisa ka dib. Ogoow, Cali hadduu hadda isa soo dhiibo ama la qabto, wiilashan oo wali xiran, waxaa loola dhaqmayaa, sida hoggaamiye ama boqor oo kale!

Is qabadsii, Sirdoonkii Shabaab Zakariye, ayaan waraysi u oggolaanayaa, anoo wali gacanta ku haya, wariye shaqadiisa gudanayana-haba ku jiro gaabise-, waan xiriyaa, idaacaddana waan xirayaa. Ani run ahaan Cali Dheere, Zakariye ayaa igala daran, oo aad baalka ku haysataan, ee fadlan bulshada Soomaaliyeed la wadaaga wixii xumaa, ee uu Zakariye samayn jiray.

Cali Dheere, waa cod baahiye ama cajal, hadba wixii loo sheego ama lagu duubo ayuu tebshaa, oo shaqo afhayeen oo dhan ayaa sidaa ah, balse, ninka go’aan ka gaari jiray dilka dadka, kaas ayaa mudan inaan codkiisa la maqal, araggiisana aan la arag, oo bulshada laga qariyo!

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

www.bilediraac.wordpress.com

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s