Muungaab Oo weeraray Faroole ”Marxuumintii ayaa qabiil loo kala saaray”

Muungaab farooleGen. Maxamed Xuseen Muungaab oo ah duqa caasimadda Muqdisho iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa si kulul u weeraray madaxweynahii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo isagu dhowaan sheegay in siyaasiyiinta beesha Majeerteen lagu ugaarsan magaalada Muqdisho, Muungaab ayaa yiri ”Waxan doraad maqlayay nin siyaasi ah oo meelahas qaxooti ku eh, annigu inaan hebel dhaho ma doonayo balse waxan filayaa in la wada garanayo, oo dhahaya xamar ha laga soo baxo, dadka gobol hebel u dhashay dadka tuulo hebel ka yimid xamar ha ka soo baxaano maxaa yeelay hotelkii makka almukarama dadkii lagu qarxiyey dadkii tuuladeena ka soo jeeday keliya ayaa la dilay inta kale waa la dhaafay, war illaahan kugu dhaarshe qabyaalad meeshay ka gaareen siyaasiyiintaasi (Puntland)qabyaalad iyo kala qobqob soomaaiyeed marxuumintii ayaa la kala qeybin…Marxuumintii ayaa qabiil loo kala saaray, Hotel makka almukarama Soomaali oo dhan ayaa ku dhimmatay, waxan rumeysan nahay masuuliyiin in ay ku baaba-een Waxan rumeysan nahay dad aqoonyahan ah oo soomaalida wax weyn u ah in ay ku baba’een , waxan ka warqabna gabar soomaaliyeed oo Professorad ah iyo hooyadeed in la iskula dilay, waxan ka war qabna in safiir soomaaliyeed meesha ku geeriyooday, dhammaantood anaga waxan rumeysan nahay hadan nahay siyaasiyiinta muqdisho ku nool in soomaali ahayeen soomaalina ay ka dhinteen, ummada soomaaliyeed oo dhana ay ka geeriyoodeen. tacsina inaan ka wada diro ay tahay… Aana u duceyno in illaahay janno siiyo, lakiin in la yiraahdo hebela annaga tuuladeena ka soo jeeday kuwa kale ma carro (Ciid) ayay ahayeen, Binu Aadam ma aheyn miyaa? Soomaali ma aheyn miyaa?? adiga kama dhiman miyaa? Yacni anagana waxan ku baaqayna war xamar kaalaya Soomaaliyeey kaalaya, war xamar iskugu soo laabta adiguna waxad leedahay xamar ha laga soo baxo oo tuuloyiinka ha loo soo laabto………. War Xamar waa caasimadii Soomaaliya ee kaalay aan ku leenahee adigu qobqobka iyo qabyaalada dadka ka da’ iyo aflagaadada magaalada, dadka ka soo laabta xamar aad leedahay anagana kaalay aan leenahay……… Kaalay iyo ka soo bax isku meel ma gasho ee ma kaalay ayaa sax ah mise ka soo bax ayaa sax ah ayuu yiri duqa magaalada Muqdisho ahna guddoomiyaha gobolka banaadir 

Ninka raba inu kala saaro dadka argagaxisada laysay ee dhaho hebela tuuladeeda ka yimid intaa kalena ima quseynin siyaasi soomaaliyeedna sheeganaya bal ka warrama ??? ayuu is weydiiyey Gen Xasan Maxamed Xuseen Muungaab

MuungaabMuungaab ayaa muddo sanad aha duqa magaalada Muqdisho isagoo lagu tilmaamo nin aan runta ka xishoon, xaqiiqdana  mar weliba u sheega dadka Soomaaliyeed, hadalkiisa ayaa dad adan ku tilmaameen mid jawaab munaasib u ah hadalkii foosha xuma ee ka soo baxay siyaasi Cabdiraxmaan faroole oo hore u aha madaxweynaha Puntland ka hor intaa aan looga guuleysan doorashadii sanadkii tegey. 

Yusuf@Sirqarsoon.com 

Advertisements

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s