Xildhibaanada Puntland Madaxtooyada Soomaaliya looma ogola.

xildhibaanoMudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya qaar  ka mid ah looma ogola gelitanka Madaxtooyada Villa Somalia, iyadoo arrintaasi sabab u tahay qabiilada ay ka soo jeedan ama fikradaha ay aaminsan yahiin sidaa Sirqarsoon oogatay

Bishii hore ayay ahayd markii Xildhibaan Maxamed Maxamuud kulalihi loo diiday inu galo madaxtooyada Soomaaliya isagoo taas sabab uga dhigay aheyd deegaanka u ka soo jeedo iyo qabiilkiisa

Dhinac kale Xildhibaan isaguna lagu magacaabo Cabdi Barre Jibriil ayaa isaguna sheegay in lagu jirdilay Madaxtooyada weliba si xun loo bahdilay mar u doonayay inu Madaxweynaha Soomaaliya la kulmo

cabdi-barreCabdi Barre iyo Kulalihi ayaa ka mid ah xildhibaanada ka yimada Puntland ee ku abtirsada Beesha Majeerteen kuwaas oo cadownimo meel xun gaartay kala dhaxeyso madaxweynaha Soomaaliya iyagoo mar weliba eedeyn iyo  hadalo qalafsan saxaafada u mariya Md. Xassan Sheekh Maxamuud

War hoose ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya u diiday inu qaabilo xildhibaanada aan siyaasadiisa taageersaneen taas oo ah arrin xadgudub ku ah aragti kala duwanaanta shaqsiyadeed iyo hanaanka dowladnimo ee Soomaaliya ee xorta ah

IMG_471411

Xildhibaanada Madaxtooyada ka mamnuuca ah oo intaa badan ka soo jeeda deegaanada  Puntland ayaa ah kuwa mucaaradsan siyaasada dowladda madaxweyne Xassan sheekh waana kuwa mar  weliba eedeyn la taagan saxaafada Soomaalida, in kasta oo Cabdiweli gaas markii u tegey magaalada Muqdisho Bishii Feb ee sanadkan u heshiis dhex dhigay madaxweynaha iyo Xildhibaanada beeshiisa hadana weli waxa muuqata kala duwanaan fikir iyo isnacayb labada dhinac ah oo ku qotoma qabiil nacayb. 

Yusuf@Sirqarsoon.com 

Advertisements

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s