Cameey oo ka welwelsan aqoonsiga maakhir

IMG_6617Sirqarsoon ayaa heshay war sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisul wasaaraha dalku isku afgarteen in maamulka maakhir state la aqoonsado si meesha looga saaro isqabqabsiga u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland ee dhanka xuduuda, sidaas si la mid ahna meesha looga saaro jiritaanka Maamulka banaan seexadka ah ee Khaatumo oo u hoggaamiyo Cali Khaliif Galaydh 

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa la sheegay inu diidan yahay qorshaha isagoo ka welwelsan in dhibaato arrintaasi u keento xilkiisa, waxana la sheegin inu diiday gebi ahaanba ansixinta arrinta halka u Cabdiweli gaas ku wafaaqay Cumar Cabdirashiid iyo Xasan Sheekh Maxamuud qorshaha maamul goboleedka Maakhir state lagu meelmarin 

Dhanka kale waxa jira war sheegaya in arrintamaamulka gobolada Sanaag iyo Sool u gadaal ka riixayo wasiirka dastuurka dowladda Soomaaliya Gen. Cabdullahi Axmed Jaamac oo lagu naaneyso Ilkajiir

Maamulka Puntland iyo dowladda Soomaaliya heshiiskooda maanta kuma jiro qodob ka hadlaya arrinta maamul goboleedka Maakhir ee la doonayo balse fikirka ayaa aha mid ilaa shalay tiro ka dhowr jeer lagu soo hadal qaaday madasha wada hadalka ee labada dhinac

Maakhir http://en.wikipedia.org/wiki/Maakhir ayaa hore u aha fikir keliya ku kooban deegaanka beesha Warsengeli in kasta oo hada dowladda Soomaaliya dooneyso in laga dhigo labo gobol lana balaariyo, Hadii qorshahan u noqdo mid hirgala waxay dhibaato weyn ku noqon doonta arrintani Siyaasiyiin badan oo deegaanada u dhashay kuwaas oo ka kala tirsan maamulada Somaliland iyo Puntland, Dhanka kale waxay meesha ka saari doonta xilalka Puntland ay ka hayaan Gudoomiyaha baarlamaanka iyo madaxweyne ku xigeenka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa doonaya in gobolada waqooyiga iyo bartamaha Soomaaliya la iskugu darro sidaan 

Galguduud+Mudug

Bari+Nugaal

Sool+Sanaag

Waqooyigalbeed, Togdheer + Awdal

Halka gobolada Koonfuurta Soomaaliya la iskugu darin sidaan 

Hiiraan+Shabeellaha dhexe 

Bay, Bakool +Shabeellaha hoose 

Jubada Dhexe, Jubada Hoose +Gedo 

In kasta oo qorshaha la doonin u in badan guuleystay hadana waxa jira qaar badan in loo mari doono dariiq aad u dhib badan taas oo xalkeeda laga sugi doono dowladda Soomaaliya. 

Sirqarsoon@Gmail.com

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s