Cabdiweli Gaas Ma Doonayaa inuu Saddex kun oo Ciidamadiisa ah ku Biiriyo Dawladda Dhexe mise waa Mushahar-doon?

ghaasWar-murtiyeed ka soo baxay wada-xaajoodkii magaalada Garoowe ku dhex maray Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliyeed, waxaa lagu sheegay in Puntland saddex kun oo ciidamo ah loogu daro ciidamada qaranka si ciidamada la isugu dhafo. Marka la eego Puntland, maamulka Cabdiweli Gaas waxaa haysta caqabado badan oo ay ka mid yihiin la dagaalanka Al-shabaabta buuraha Galgala, iska-difaacidda haddii weerar uga yimaado Somaliland iyo la tacaalidda ammaanka gudaha oo ay adag tahay in la hanto maaddaama dadku wada hubaysan yahay. Sidoo kale, waxaa dadka qaar walaac ka qabaan in magaalada Boosaaso oo kale ay khatar ugu jirto inay soo galaan kooxda Al-shabaab ee argagaxisada ah.

Maamulka Cabdiweli Gaas oo xilliyadii ugu danbeeyey ay soo waajahday maamul-xumo baahsan iyo in uu xitaa Garoowe hanan kari waayo, ayaa haatan ku tiirsan maleeshiyo gaar ah oo ay isku hayb yihiin, isagoo dhowaanna beelaha gobolka Bari ka codsaday ciidan iyo dhaqaale si la isaga difaaco khatar la filan karo oo Puntland ku iman karta xilli kasta. Waxa iyana xusid mudan, haddii la doonayo ciidan dadka Soomaaliyeed oo dhan wada metela oo saraakiisha iyo dablayaashiisu ay ku wada jiraan dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalka ama beelahaba, waxaa dadka qaar is weydiin karaan war horta ciidanka Puntland ma yahay mid loo dhan yahay oo dadka degaanka oo dhan ay ku wada jiraan marka la eego saraakiishiisa iyo xitaa dablayaasha hoose? Jawaabta inay bixiyaan waxaa laga rabaa dadka deggan dhulkaasi.

Maamulka Cabdiweli Gaas diyaar ma u yahay in uu saddex kun oo ciidamadiisa ah u diro Xamar ama kuwo hor leh u qoro Dawladda Dhexe? Ma oggolaan karaa in hoggaanka ciidamada Puntland la hoos geeyo Wasaaradda Gaashaandhiga ee Dawladda Federaalka? Haddi Ciidanka Puntland la hoos geeyo Taliska Dhexe ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxay ku shaqayn doonaan awaamiirta Dawladda Dhexe oo xilli kasta ciidamadaasi isku beddeli karta ama ugu yaraan ciidamo ka yimi gobolada dhexe ama kuwa koonfureed u soo beddeli karta Puntland. Sidoo kale Puntland diyaar ma u tahay in ay hubka ay samaysatay ku wareejiso Dawladda Dhexe?

Aniga waxay ila tahay qodobkan waxa uu niyad-dhis u yahay Dawladda Federaalka oo u muuqata in ay awoodo dastuuri ah oo badan oo ay leedahay ka tanaasulayso oo u oggolaanayso Dawlad Goboleedyada. Tusaale ahaan, Dawladda Dhexe waxay ka tanaasulaysaa siyaasadda arrimaha dibadda iyo xiriirka caalamiga ah, socdaalka, ciidamada militariga, maamulidda dakhliga iyo lacagta dalka. In Puntland xaquuq ku yeelato Dawladda Dhexe oo ay ka mid tahay sida  deeqaha caalamiga ah iyo kuwo kale oo badan oo dhinaca horumarka ah ma aha arrin la diidi karo, ee waxaa meesha yaalla waa anigoo waxayga haysta waxaaga iyo wax kale  ha la iigu daro.

Wax shaki ah igagama jiro in maamulka Cabdiweli Gaas oo ku fashilmay arrimaha Puntland oo bixin kari waayey mushaharaadka Ciidamada Daraawiishta iyo shaqaalaha rayidka ah uu doonayo in arrintaasi uu xal u helo oo Dawladda Dhexe ay dhaqaale ay Muqdisho ka qaadday siiso ciidamadiisa. Waxaa jirta in Bangiga Adduunka uu Puntland ka saacidi doono bixinta mushaharaadka shaqaalaha rayid ah si la mid ah Dawladda Federaalka, laakiin maamulkaasi waxa uu u caal la’ yahay bixinta mushahaardka ciidamada militariga ee loo yaqaan Daraawiishta. Ogow, ciidamada nabadsugidda ee Puntland waxaa mushahar siiya Maraykanka, halka kuwa baddana ay mushaharka ka helaan Dawladda Imaaraadka, kolkaa Cabdiweli Gaas waxa uu u baahan yahay in Saddex kun oo Daraawiish ah uu mushahar uga helo Muqdisho.

Xilligan waxa uu Cabdiweli Gaas ku mashquulsan yahay in uu urursado dhaqaale badan oo uu doonayo in uu mar kale ugu tartamo Madaxtinimada Soomaaliya oo uu ku guuldarraystay sannadkii 2012-kii. Tan iyo markii uu awoodda wareejiyey Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole, Puntland oo ahayd go’doon waxay ka maqnayd saaxadda siyaasadda ee Soomaaliya, waxana maamulkan talada haya uu doonayaa inuu saaxadda dib ugu soo laabto, maaddaama ay caddaatay in Puntland keligeed aanay waxba qabsan karin, kaddib markii ay go’doon ku soo rogtay kooxda Damul Jadiid ee haysata awoodda Soomaaliya oo iyadu awoodda giijisanaysay sanooyinkii ugu danbeeyey.

Waxaan filayaa in qodobada is-afgaradka ah ee Garoowe lagu gaaray, aanay wax badan ka hirgeli doonin, maaddaama labada dhinac uu mid walba masaalix gaar ah eeganayo ee aan laga wada shaqaynayn maslaxadda qaran ee dalka Soomaaliya. U malayn maayo in amuuraha qaar waqtigoodii la joogo, waxana ay u baahan yihiin is-aaminaad, kalsooni bulshada iyo hoggaanada siyaasadda ee Dawladda Dhexe iyo Dawlad Goboleedyada ah iyo weliba in la helo daacadnimo iyo Soomaalinimo dhab ah oo laga tago danaha gaarka ah ee shakhsiga, kooxaha iyo reeraha ku dhisan.

Cabdirashiid Muuse Siciid

Qoraa, lafa-gure siyaasadeed iyo saxafi Soomaaliyeed oo madax bannaan

Email: abrashidmuse@gmail.com

Twitter: @Gobanimodoon

Facebook: Abdirashid Muse

Advertisements

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s