Maxaad ka ogtahay Cabdikariim guuleed iyo lacagta u doorashada ku gelin

ddMurashax Cabdikariim Xuseen guuleed ayaa u sharaxan xilka madaxtinimada gobolada dhexe (Mudug Iyo Galguduud) isagoo taageero weyn ka heysta Madaxweynaha Soomaaliya sidaa aan hore u sheegnay, Murashaxa ayaa la sheegay inu dhaqaale ka helin dowladda Soomaaliya sidaa warar hoose ay ku heshay Sirqarsoon 
Kooxda Damuljadiid ee u ka tirsan yahay murashaxu ayaa lacagahii bangiga Soomaaliyeed yaalay ee mushaharka ciidanka, shaqaalaha rayidka iyo masuuliyiinta dowladda u qaaday dhanka gobolada dhexe si loogu maalgeliyo ololaha doorasho ee Md. Cabdikariim oo hore u soo noqday Wasiirka arrimaha gudaha iyo Amniga qaranka ee Soomaaliya
Lacagta laalushka loga dhigin Ergyoyinka dooran madaxweynaha gobolada dhexe ee Mudug iyo Galguduud ayaa noqon doonta mida mushaharadka dowladda ee bilaha soo socda 
Madaxweynaha Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cabdikariim guuleed ayaa ah ragg saaxiibo muddo dheerna soo wada shaqeyay, doorashadiisana waxay uga dhigan tahay madaxweyne xasan guul weyn oo u gaaray
Welwel badan ayaa laga muujin arrintan, iyadoo Cabdikariim guuleed kala kulmi doono loolan doorasho oo adag Axmed Fiqi iyo Axmed Cabdisalaan oo isaga Itoobiya gacan saar la leh. 
Maamulka gobolada dhexe ayaa noqon doona mid ahmiyad weyn leh, iyadoo gobolada aysan in muddo ah ka jirin wax maamul awood badan oo shaqeeya iskuna xira, in kasta oo maamulo yar yar sidaa Ximin iyo Xeeb, Galmudug, Mareeg State, Ahlu sunna iwm ka talin jireen qeybo ka mid ah deegaanada gobolada dhexe 

Dadka deegaanada gobolada dhexe ayaa ah kuwa u hamuun qaba maamul deegaanka ka dhasha oo cadaalad iyo sinaan ku dhisan, taasina rajadeedu waa mid aad u yar sidaa dad badan aaminsan yahiin. 

Yusuf@Sirqarsoon.com 

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s