Puntland oo xeryo ku xereyn dadka aan u dhalan ee qaxootiga Yemen ka yimid

qaxootiMaamul goboleedka Puntland ayaa qaaday tallaabo dadka aan deegaanka u dhalan ee ka soo cararaya dagaalada dalka Yemen loogu xereyn xeryo xabsiyo ah oo dadka si gaar ah loogu tala galay iyagoo loo diiday in ay safar u galan deegaanadoodii asal ahan ama xiita deganansho magaalada Bosaso 

Mid ka mid ah dadka oo Sirqarsoon la xiriirtay ayaa sheegay in dadka marka doonida laga rogo la weydiin halka ay ka yimadeen asal ahaan hadii u sheegto deegaan ka baxsan deegaanada gobolada Mudug, Nugaal, Iyo Bari waxa khasab noqon in qofka xero xabsi ah la geliyo iyadoo hay;addaha calaamiga ah loga qaadan lacago iyo weliba iyagoo la leeyahay intaas oo qof ayaan heyna oo qaxooti ah uuna  baahan dib u dejin iwm

Muwaadiin Soomaaliyeed oo dib ugu soo laabtay dalkiisa ayaa xaq u laha in  deegaankiisa u ka  helo martigelin iyo weliba soo dhoweyn heer sare, balse arrintan ayaa dad badan ku noqon mid amakaag iyo fajac ah, halkii ay ka filayeen in dalkooda lagusoo dhoweeyana waxa logu bedelay xabsi iyo weliba in iyagoo qaxooti ah irsaaqad lagu sii raadsado

Shaqsi u baahna takuleyn ayaa isaga laga raadin lacag, taasi waxay dad badan ku noqotay  arrin mucjiso ah oo madaxdoodu qaadan waayay… 

Berbera iyo Bosaso ayaa ah magaaloyiinka  ay tegin dadka ka soo qaxaya dagaalada dalka Yemen, intaa badan dadka soo baxaya ayaa u badan kuwa qaxooti ku aha wadan ka iyo kuwa  degana halkaasi ama ganacsi u joogay.  

Yusuf@sirqarsoon.com 

Advertisements

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s