Indonesia oo ka carootay xukun dil oo SaudiArabia fulisay

ddDowladda Indonesia, ayaa waxay ka carootay xukun dil ah oo Dowladda Sacuudiga ay ku fulisay haweeney jaariyad ahayd oo dalkaasi u dhalatay, markii lagu eedeeyay dil ay geysatay muddo 15 sano ka badan laga jooggo.

Siti Zainab Duhri, ayaa waxaa Talaadadii shalay lagu daldalay xabsi ku yaala Magaalada Madina, xilli ay Dowladda Sacuudigu sheegtay in haweeneydaasi ay toorey ku dishay haweeney kale oo Sacuudiga u dhalatay, sanadkii 1999-kii.

Sacuudiga, ayaa sugga inta ay ka soo barbaarayan caruurta yar yar ee waalidiintooda lagu dilo dalkaasi, si loogala tashado wixii laga yeeli lahaa qofka waalidkood dilay, haddii loo dili lahaa, magdhow looga qaadi lahaa amaba haddii leeska cafin lahaa.

Dowladda Indonesia, ayaa waxay sheegtay inaanay wax digniin ah oo dilka Siti Zainab Duhri ku saabsan ka helin Boqortooyada Sacuudi Carabiya, ayna ka yaabisay markii Warbaahinta uun ay dilkeeda ka maqleen.

Siti Zainab

Haweeneyda la dilay

Xukuumadda Jakarta, ayaa waxay si deg deg ah ay ugu yeertay Safiirka Sacuudiga u joogga Magaalada Jakarta Mustafa Ibrahim al-Mubarak, si ay wax kaga weydiiso tallaabada lagu dilay jaariyadda reer Indonesia.

Indonesia, ayaa waxay  Danjiraha u joogga Magaalada Riyadh, Gatot Abdullah Mansyur ku wargelisay in uu ka dhiidhiyo dilka ka dhanka ah Zainab.

Haweenka u shaqeeya qoysaska u dhashay dalka Sacuudiga, ayaa kala kulma dhibaato joogto ah sida jirdil, kufsi iyo in loo diido gunadii ay xaqa u lahaayen

Dhacdo.com 

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s