Indhaguran oo xisaabiye u magacaabay Tvga Puntland iyo Sirta ka dambeysa.

ddWasiirka warfaafinta Puntland Cabdiweli Indhaguran ayaa u magacaabay Tvga maamul goboleedka Puntland Xisaabiye lagu magacaabo Burhaan oo ka soo jeeda beesha reer Biciidyahan ee u wasiir indhagurun ka dhashay

Sirqarsoon.com ayaa oogatay in cabdiweli Indhaguran u taasi ka leeyahay ujeedo ah inu dhaco lacagta yaree kirada iyo adeegyada tvga loo bixiyo taas oo damac weyn uga jiray tan iyo markii hay’adda warbaahinta oo hore u ahayd mid madax banaan la hoos keenay wasaaraddiisa

burahaanBurhaan waa shaqsi dhowr jeer oo hore lagu eedeyey boob hanti isaga oo la jira wasiirkan oo ay wada qaraabtan, Sidoo kale Indhaguran ayaa isagana Hay’adda UNDP ku eedeysay inu lacago ka dhacay 

Hay’adda UNDP ayaa hore u sheegtay in Cabdiweli Indhaguran u ka dhacay lacag dhan 300kun oo dollar oo ay ugu tala galeen dhalinyarada isboortiga gobolka Mudug waqtigu aha wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada

In kasta oo dhaca iyo boobka hantida dadweynaha iyo mushaharadka shaqaalahu caadi ka yahay Puntland hadana waxay tani u muuqata mid burburin doonta shaqada hay’adda Warbaahinta Puntland. 

Yusuf@Sirqarsoon.com