Muslimiin tahriibayaal ah oo la xiray

tyBooliska Taliyaaniga ayaa xiray 15 qof oo muslimiin tahriibayaal ah , kuwaas oo lagu eedeeyay inay doomaha ka tureen dad masiixiyiin ah, intii ay ku dhex jireen badda.

Waxaa loo xiray eedo la xiriira dil xamaasadeysan oo ku saabsan diin nacayb.

Waxaa la qabtay islamarkii ay gaareen xeebta Sicily.

Laba iyo toban masiixiyiin ah oo loo maleynaayo inay ka imaadeen Ghana iyo Nigeria ayaa laga cabsi qabaa in badda lagu tuuray.

Ilaalada xeebaha ee Taliyaaniga ayaa sheegay in la badbaadiyay ku dhowaad 10 kun oo qof isbuucaan oo keli ah, kuwaas oo doomo ka raacay dalka liibya.

Shalay oo keli ah waxaa la badbaadiyay 900 oo qof.

BBCsomali