Gaas oo ogoladay maamulka gobolada dhexe

11139371_893474784032581_9052341795411030008_nMadaxweynaha Puntland ayaa dowladda itoobiya ka ogoladay in gobolkaMudug qeybta Puntland sheegato lagu darro maamulka gobolada dhexe madama u Madaxweynaha Soomaaliya marnaba diiday in gobolka Mudug la kala qeybiyo iyadoo dastuurka dalka u yaalan uusan ogoleyn gobol iyo bar maamul laga dhigo sidaa Sirqarsoon ka heshay masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland

Puntland ayaa hore tiro ka dhowr jeer ka soo horjeesatay maamulka gobolada dhexe iyadoo ku tilmaamtay inu yahay mid sharci darro ah isla markana ka hor imanaya jiritaanka Puntland  

Beesha gaas ayaa ka heli doonta maamulka labo wasiir iyo saddex wasiir ku xigeen, sidoo kale waxay heli doonan xubno baarlamaanka ah

Madaxweynaha gobolada dhexe ayaa noqon doona nin ka soo jeeda beesha habargidir, halka ku xigeen heli doonan beesha Mareexaan, sidoo kale wasiirada iyo xubnaha baarlamaanka ayaa noqon doona kuwa lagu qeybsado degmooyinka gobolada ka kooban yahiin 

dhanka kale  Puntland ayaa iskugu soo biya shuban doonta gobolada Nugaal iyo Bari, madama aysan gacan ugu jirin gobolada Sool iyo Sanaag, Halka Mudug u aqbalay gaas in lagu darro gobolada dhexe 

Itoobiya ayaa ah saaxiibka Puntland, iyada ayaana abaabulka ugu weyn ugu jirta dhismaha maamulka gobolada dhexe iyadoo goboladaasi noqdeen kuwa Jabhadda ONLF laga taageero intaa badan oo Hub iyo ciidan halkaasi ka helan waxayna Itoobiya dooneysa in gobolkaasi noqdo mid leh maamul la mid ah kan Puntland.

Yusuf@sirqarsoon.com

Advertisements

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s