Nolosha ‪‎Puntland‬ iyo Aragtida ‪‎YusufAliAdan‬

YusufPuntland xaalkeedu waa ‘Habartii xaabada la kiciwayday se, waxa ay tiri ii kordhiya’ iyadoo dulmi, eex qabiil salka ku heysa iyo sinaan la’aan ku dhex jirta ayaa qaar ka mid ah mas’uuliyiinta xukunkeedu meelo kale ku heystan maxaad sidaa u suubin weydeeniyo maxaad saas u suubiseen iwm, dhanka maamulka ma helin hoggaamiyahii ay ku haraad beeli lahayd sidaan aaminsan ahay, ma heli doonto sidoo kale intaa xukunku yahay “qabiil igu doorta aan qaxweyne”, shacabku waa kuwa horumarka iyo nabadgelyada deegaanka u heelan xili kasta balse ma heystan ayaan dhihi kara shaqsigii hoggaan toosan u noqon laha dhegeysan laha dhibkooda si sinaan iyo cadaalad ku jirtana wax ugu qeybin laha isagoo ka dheeran qoys jacayl iyo shillin u joogista xafiis

Ciidanka Puntland ilaa hada oo deegaanku maamul leeyahay 17sano in ka badan ma aha ciidan mideysan la ogyahay tiro ama xiita ma aha ciidamo tababaro ku filan heysata 95% waa maleeshiyad qabiil, shaqsi weliba beeshiisa ayuu tobanka ugu mooryaansan ka qorta si ilmo adeernimo iyo tola,ayay ah, ma jiro shaqsi keliya oo ciidan ilaalo dowladeed oo rasmiya waardiye u yahiin, Madaxtooyada hadba saddexda qoys ee xukunka isku bedelin beeshii kan jooga xilligaasi ka dhashay ayaa ciidankeedu fadhiya, waxaad kale oo arkeysa maalinba qoys mucaarada saddexda xisbi qabiileed, shalay Cismaan iyo Cumar, Maanta Ciise Iyo Cismaan, Beri Cumar iyo Ciise, ma jirto siyaasad dhaafsisan aan wax cuno, qof aan wax qabano dhihi arki meysid, dadku waa kuwa qabiilka u jidbeysan oo mid kasta shaqsi ayuu qabiil ku difaacaya macquul kan u difaacaya weligii ma arag oo xiita adigu kaga hiilin inu kula ceesh cuna macquula….

Odayaasha deegaanku ma aha dad aqoon dhaafsisan Dhowr Jiz ama Suurat oo qur;aan ah loox ku bartay leh, keliya waxay ka hadli karaan kuna wacan yahiin aaminkeyga xalinta iyo ilaalinta dhaqankii hore ee ma aha kuwa siyaasada arrimaheeda hawl ku leh madama aysan siyaasada iyo nidaamka maamulku ka duwan yahay labo qoys oo daaqsin ku diriray iyo beel nin laga dilay iwm oo ah shaqadooda beeshu u igmatay, in kastoo xilligan odayaasha dhaqanka qaar oo magacooda aan qori aqoon yahiinba siyaasiyiin talo la weydiiyo, beelaha PL oo hore Ugaas, Suldaan Ama Beeldaajahooda xoolaha noloshiisa siin jirana waxaa u bedelay siyaasi u quudiya caruurta iyo xaaska danahiisana ku gaara iyo shillimo laaluush ah oo ay ka qaatan hadba qofkay xil ama xafiis fariisin

Nin weliba oo xafiiska Madaxtinimada Puntland la wareega wuxu fura shir lagu magacaabo wadatashi, Dib u eegis ama gogol nabadeed iwm, dabcaan waa gadaal u celin micno aan lahayn halkii u hoggaamiyahu hore u socon laha waxa u ku soo laabta wax aan micno u lahayn bulshada iyo deegaanka midna oo keliya ah dib u dhac khasaaro la dhihi karo, dadkan sow ma aha kuwa aad leedahiin 1998 ayaa la heshiiyey oo maamulkan la isku afgartay waxa xilligan laga heshiin ma laga wada hadlo sidee doorasho inogu qabsoonta inagoo ka gudbin nidaamkan qabiilka ? Sidee deegaanada aan weli la tegin loo booqan laha iyadoo mashariic horumar ama kuwa dhisme waddooyin iwm loogu suubin dhulkan lama gaaranka ah??, dadku ma waxay doonin shillin micno la;aan kaga baxa mise mid wax loogu qabto???

Canshuurta Puntland halka ugu mugweyn waa Bosaso‬, dabcaan gobolka ‪‎Bari‬deegaano badan iyagana waa laga qaada, ‪‎Nugaal‬ & qeybo ka mid ah ‪#‎Mudug‬ku darso, Sool‬, ‪‎Cayn‬ & ‪‎Sanaag‬ oo iyaga Puntland sheegato, siyaasiyiinta lacagta ugu badan ee masakiinta laga qaada ku baxdana laluush ama aflaan kale ha ku qaatane weligood dhulkooda shillin lagama helin, Dabcaan annigu waxan ugu magac darray Haylan‬ waa qabri u ku aasan yahay Duq ‪‎Daarood‬oo sanad weliba boqolaal neef ayaa lagu gowraco aana wax laga fa;iideyn, ma lihi Daarood maxaa loogu duceyn balse duco waa qalbiga ee xoolo la khasaariyo iyo hanti la burburiyo ma aha ….!!!

Waxan aaminsan ahay deegaan aanba wax laga heleyn maxay noqon sababta hantida la iskaga khasaarin? Sababta siyaasigoodu shaqo u helin isagoonba dhulkiisa awood xiita u lahayn inu booqdo?? Waa arrimaha caja;iibka ah ee la arkay laguna qanacsan yahay

Dhalinyarada oo ah furaha iyo aasaska dambe ee dhulkani waa kuwa masiibada iyo halaaga ugu weyn heysta, wiilka dhalinyarada ah hadii u dugsiga sarre ka baxa waa inu tahriiba ama jaamacad wadan kale raadiya xiita taas kuwa ku hamiya waa yar yahiin kolkay ku guuleystan arrimaha qaarna shaqo ma aha kuwa helin hadii aan jaahil kaabo qabiil ah gadaal ka riixeyn, isaguna iska faham xaqiisu doonin beri waana masiibada ugu weyn ee horusocodka diidan, nin dhalinyaro ah oo jaamacadda ka baxay sanadkii hore ayaa igu yidhi ilaa hada shaqo ayaan baadi-goob ugu jira kolkan idhi kuwan jaraa;idka ama idaacadaha laga sheegin ma isku tuurto wuxuu igu yidhi intuu qoslay “Shaqo la ogyahay qofka qaban maxaad waqti iskaga lumin” oo hadii la ogyahay maxay jaraa;id ama idaacad uga sheegin?? Bal adiguba is weydii….. micnaha waa lugooyo Soomaali.

Arrimaha caja;iibka ah ee kale waa garsoorka, taliska ciidanka heer gobol ilaa heer maamulka sarrre dhammaan waa kuwa u xidhan hal qoys, waa su’aale qoysaska kale ee deegaanku ciidan, garyaqaano ama xiita maamulayaal ma leh miyaa?? Tan ugu darran waa gobolka Bari degmada bosaso ragga taliyeyaasha ciidanka ama garsoorka deegaanka heysta ma aha kuwa u dhashay gobolka yaqaana dadka deegaanka xiita ragga qaar ma garanayan qaba;iilku sida u kala degan yahiin, magaalada hadii qaarkood iyagoo keli ah lagu fasaxana waaba ku lumin, haddaba dad nooca ah sidee ammaan ama garsoor loogu aaminin? amni miyuu sugi kara qof aanba aqoon magaalada iyo jawigeeda nololeed? Miyuu garan nacaybka ka dhex jira xiita qaba;iilka qaar?? Garsoorahu wuxu kala xukumi xiita dhul ama beero u aqoon qofkii laha iyo mid kale… arrimaha qaar dilal iyo shirqoolo ayaa ka dhasha iyadoo lagu eedeyn kooxo aan la aqoon kolkii wax dhacaan hawlaha qaarna dadka deegaanka dhexdoodu isku fuliyeen

Lacagta isticmaalka Madaxweynaha, Guddoonka Baarlamaanka Ama xiita Wasiirada qaar ma aha kuwa xisaab leh ma jirto hay;add kula xisaabtanta, sidoo kale baaris laguma suubin karo beri ka maalin hadii loo baahdo….

Dilalka qabiileedka, kuwa hay;addaha ajnabiga ama kuwa alshabaab ka fuliso deegaanka ma jiro daba-gal ama baaris mugweyn, kiiska waa la baaraya iyadoo la leeyahay ayaa ugu war dambeysa xiita qof hadii loo soo qabto waa miskiin aan wax galabsan iyo ruux aanba hawlaha ku jirin iwm … Dabcaan ciidan denbi baaris ma jiro oo aqoon u leh hawlaha shaqadooda keliya sidaan hore idiinku sheegay waa cunug saaqiday askarigu ama mid hayb qabiil ku yimid oo baarasho iyo dhac hawshiisu tahay.

Tan ugu xun waa ma jiro qof waddani ah oo ay ku jirto Puntland-nimo ee keliya waa damac la jirayaal dhammaan siyaasiyiinta, tusaale cad waxaa kugu filan Cabdiweli ‪‎Gaas‬ shalay wuxuu olole ugu jiray maamul gobolada dhexe oo beeshiisu qeyb weyn ku leedahay isagoo maanta markii u xafiiska Puntland qabtay geed dheer iyo mid gaaban u fulin in maamulka u fashiliyo, dhanka kale Wasiirkii hore Maaliyadda Gaab-gaab ayaa maamulka gobolada dhexe murashax madaxweyne ku xigeen ka ah, hadii u waayo dib ayuu Puntland ugu soo laaban ma jiro cid kula xisaabtami karta sababta iyo hindisaha halkaasi geeyey—-!! Siyaasiyiinta Sool iyo Sanaag tiro 5 jeer midkii ayuu labada maamul ‪‎Somaliland‬ama Puntland marba mid ku biiray cabsi la,aan

……..Qeyb kale

 

Yusufcali@outlook.com

Advertisements

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s