Wasiirka arrimaha dibadda Qatar oo Soomaaliya booqday

booqashoWaxaa maanta booqasho aan horey loo sii shaacin Muqdisho ku tagay, wasiirka dibadda ee Qatar, Khaalid Maxammed Al-catiyah, wuxuuna kulamo la qaatay madaxda dawladda federaalka oo ay ka wadahadleen arrimo ay kamid yihiin dib u dhiska Soomaaliya iyo arinta dalka Yeman.

Wasiirka ayaa xarunta Madaxtooyada kulan gaara kula qaatay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid Sharmaarke, isagoo markii danbana kulan kale la galay xubno ka tirsan golaha wasiiradda.

Shir jaraa’id oo wadajira ay xarunta madaxtooyada ugu qabteen labada wasiir arrimo dibadeed ee Soomaaliya iyo Qatar ayuu wasiir Khaalid Maxammed Al-Catiyah ka sheegay in ay kala hadleen madaxda dawladda sidii Qatar gacan uga gaysan lahayd dib usoo noolaynta dhaqaalaha Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta beeraha, kalmuuysiga, caafimaadka iyo dhamaan dhinacyada baahida deg deg ah ay ka jirto.

Wasiirka dibadda ee Soomaaliya Cabdisalaan Hadliye oo isna ka hadlay shirka jaraa’id ayaa sheegay in ay ka wadahadleen wafdiga Qatar arrimo ay kamid yihiin qoxootiga dalka Yeman iyo dagaalka wadankaasi ka socda.

Wasiir Hadliye waxa uu sheegay in labada dawladood ay mowqif mida ka istaageen qadiyadda wadanka Yeman isagoo sheegay in ay taageero buuxda u hayaan dawladda sharciga ah ee wadanka Yeman.

Wasiir Hadliye waxa kale oo uu sheegay in laga wadahadlay sidii labada dawladood ay isaga kaashan lahaayeen dhinaca amniga, wuxuuna amaanay buu yiri wasiirka dibadda ee Qatar guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah ee Soomaaliya.

Booqashada wafdiga Qatar oo qaadatay dhawr saacadood ayaa la soo gabagabeeyay kowdii duhurnimo iyadoo wafdiga wasiirka arrimaha dibadda ee Qatar ay ka dhoofeen garoonka Aden Cadde ee Muqdisho waxana qaaday diyaarad ay leedahay shirka diyaaradaha ee Qatar

Xigaasho- BBCSomali

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s