Ha is dhiibin, Xalka hel

sssBoqor ayaa ku xukumay laba nin dil, Waxaana loo qabtay in bil kaddib la dilo. Labadoodii midkood ayaa

 niyad jabay, waxaana uu fadhiistay albaabka qolka u ku xidhan yahay isagoo ooyaya. Maxbuuska kale dan sidaasi kama gelin wuu iska deganaa, waxaana u aad 

uga fekerayay sidii uu dilka uga badbaadi lahaa, markii uu aad u fekeray wuxu xasuustay in boqorku jeclaa faraska suuqyada ku mari jiray.

Subaxii ayuu u yeedhay Taliyahii jeelka waxaana uu ka codsaday in boqorka lala kulansiiyo, waxaa u yidhi labadeena maxbuus waxan rabnaa inaan aragno boqorka

Taliyahii markii hore waa ka diiday, laakiin haddana mar danbe ayuu boqorka u geeyey warqada codsigooda Boqorka ayaa ogolaaday la kulankooda

Waxa u weydiiyay boqorkii “Maxaad iga codsanaysaan?” Maxbuuska mufakirka ahaa ayaaa yidhi “Boqor waxaan kuugy nimi, inaan kuu sheego inaan faraska aad suuqa ku marto aan ku bari karo sidii uu u duuli lahaa… sanad gudihii, adiguna aad dilkayaga dib u dhigto….”

Markiiba boqorkii waa ogolaaday oo wuxuu sawirtay isagoo faraska fuushan oo hawada socda.

Ninkii labaad ew maxbuuska aha ayaa arinkan la yaabay oo ku yidhi “War maxaad sidaasi u tidhi, ma adigaa faraska bari kara duulista?”

Maxbuuska caqliga badan ayaa ku jawaabay ” Haa waan ogahay in aanu duulayn, laakiin afar arrimood ayaan ka faa; idaya 1. Waxa laga yaaba sanadkaasi gudahiisa inuu boqorku dhinto 2. Anniguba inaan dhinto, iyadoon la I deldelin 3. Farasku inu dhinto macquul 4. Ama inaan baro duulitaanka

 

FG. Qoraalkani waxa u ka turjumaya sidaa dadka caqliga lihi isagu dhiibin dhibaatada ee ay iskugu dayaan inay xal u helaan.

Sirqarsoon@gmail.com

Advertisements

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s