Dagaalka gobolada dhexe iyo danta Itoobiya

11091321_662648330505739_6318745088624477597_nMagaalo madaxda gobolka galguduud ee bartamaha Soomaaliya waxaa maanta dib ulaa wareegay ciidamo ka tirsan ururka Ahlusunna waljameeca, iyagoo halkaasi ka qabsaday ciidankii dowladda Soomaaliya ee ku sugna magaalada 

Ahlu sunna waxay sheegtay in dagaal aysan ku qabsan magaalada oo si nabad ah kula wareegtay, halkaa warar kale leeyahiin ciidanka dowladda waxa looga saaray magaalada dagaal

Xiisadaha dagaalka ayaa aha kuwa ka jiray gobolada dhexe ee Soomaaliya muddadan, iyagoo huwan magacyo kala duwan, Dowlad, Itoobiya, Ahlu Sunna, qabiilo Iwm… Waxana warar hoose sheegin in dagaalka looga gol=leeyahay sidii ahlu sunna isku muujin lahayd awoodeeda si doorashada maamulka gobolada dhexe u ugu guuleysto shaqsiga ay taageersan yahiin oo ah Axmed Cabdisalaan safiirka Soomaaliya ee dalka Itoobiya, horena u aha raggii ururkan hirgeliyey

Ahlu Sunna ayaa doonaya in Axmed Cabdisalaan loo doorto Madaxweynaha gobolada dhexe, taasi si ay u hirgasho waa in deegaano badan ururku la wareega iyadoo dowladda Itoobiya dhinac ka riixeyso madama ay dooneyso in shaqsi iyada daacad u ah uu deegaanka Madaxweyne ka noqdo

Waxa jira mugdi soo kala dhexgalay Itoobiya iyo dowladda Soomaaliya tan iyo markii Axmed Cabdisalaan u isku soo taagay murashaxnimada madaxweynaha maamulka gobolada dhexe, Itoobiya ayaana la sheegin in axmed ay saaxiib dhow la tahay, Halka u Madaxweyna Soomaaliya xilka madaxtinimo la doonayay Cabdikariim xuseen guuleed, hadii laga guuleysatana taasi waxay ku noqon doonta madaxweynaha dhabarjab

Hardanka labada dhinac ayaa ah mid shacabka deegaanada dhibaato weyn ku keeni doona, in kasta oo marna aan laga fekereyn shacabka

Warar hoose oo Sirqarsoon.com heshay ayaa sheegaya in ciidanka Liyuu booliska ee deegaanka Soomaalida Itoobiya qeyb ka yahiin kooxda Ahlu sunna, dhinaca kale labada dhinac ayaa laga filayaa inu dhexmaro dagaal hor leh madama Ahlu sunna doonayan in dhul hor-leh qabsadan

Sirqarsoon@gmail.com

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s