Go’aanka Jubbaland Iyo hagardamada Puntland

ttMaalinimadii shalay baarlamaanka Soomaaliya wuxuu cod aqlabiyad ah ku diiday baarlamaankacusub ee maamulka Jubbaland, isagoo ku tilmaamay mid sharci darro ah, go’aanka oo daqiiqado kaddib markii u soo ifbaxay maamulka Jubbaland falcelin u ka suubiyey noqotay inu kalsoonida isaguna dhinaciisa kala laabto dowladda Soomaaliya, welibana u deegaankiisa ka cayriyo masuuliyiin dowladda xilal ka haya

Maanta oo ah 7Bisha june, maamul goboleedka kale ee Puntland oo isagu dhowr jeer oo hore kalsoonida kala laabtay dowladda Soomaaliya ayaa ku tilmaamay go;aanka baarlamaanka Soomaaliya mid sharci aan ku dhisneen waxana u canbaarayn dusha uga tuuray xildhibaanada Soomaaliya, isagoo taageeray maamulka Jubbaland iyo baarlamaankiisa

Puntland Warsaxafadeed ay soo saartay ayaa ereyada ku qorna waxa ka mid ah ”Puntland waxay cadaynaysa mar kale in baarlamaanka Soomaaliya uu ka dhintay dareenkii wadaninimo iyo Soomaalinimo isla markana ay dowladnimada Soomaaliya ee bilowga ahayd ee 25sano lasoo dhaafay la yagleelayay ay dib ugu celinayaan fowdo iyo kala yaac siyaasadeed…” Ereyadan ayaa ah kuwa aad u culus miisan ahaan, waana kuwa geed dheer ka laalaya nabada iyo dowladnimada Soomaaliya ee billowga ah

Taageerada Puntland ee maamulka Jubbaland iyadu waa mid iska cad mar welibana labada maamul waa kuwa hoos ka xiriirsan, si kasta ha noqdo xiriirku qabiil ama siyaasad u gooni ahba, lama oga tallaabada baarlamaanka Soomaaliya waxay ka bedeli karto xaaladda xilligan lagu jiro ee horusocodka u muuqatay

Maamulka deegaanka Puntland ayaa isagu ah kan keensaday sheekada federaalka xilligii shirkii Nairobi, ilaa haddana waxa la rumeysan yahay inu yahay mushkiladda keliya ee ku dhex jirta israaca iyo nabadda Soomaaliya balse aan la fahansaneen

Jubbaland iyadu tan iyo markii la aasasay waa markii labaad ee kalsoonida ay kala noqoto dowladda Soomaaliya, in kasta oo heshiis hore jiray haddana waxad mooda in khilaafkoodu weli yahay mid salka ku haya doorashadii hore ee maamulka oo aha mid aan raalligelin dowladda dhexe 

 

Xiriirka ayaan ku jaray, kalsoonida ayaan kala noqday iyo waa sharci darro ayaa noqday ereyo soo noqnoqda ilaa haddana aan xal loo helin, waxana mooda kuwa sii jiri doona intaa nidaamka federaalka aan hagaagsaneen u ka jiro Soomaaliya, hormuudkana aay u tahay Puntland. 

 

Yusuf Ali Adan

Sirqarsoon@gmail.com

Yusufcali@outlook.com 

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s