Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland ma dastuur ayuu ku hadlay mise dadka aragtidooda??

hadalSiciid Xassan shire oo ah guddoomiyaha baarlamaanka Puntland ayaa sheegay in tallaabada baarlamaanka Soomaaliya qaaday ay tahay mid sharci darro ah oo aan dastuurka dadku qabin sidaa u hadalka u yiri, waxaa u sheegay in aysan lahayn mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya awood ay kalsoonida ugala laabtaan Baarlamaan dawlad goboleed oo ay dhisteen dadkii iska lahaa isagoon marna xuskan wax dastuur ah ayuuna hadalkan ka yiri shir jaraa’id oo u qabtay

Isagoo hadlaya wuxuu yiri ””Waxaan u sheegaynaa dadka Soomaaliyeed in sharci darro ay ahaayeen wixii meeshaasi ka dhacay, dadka qaarba noo soo sheegayaa inay arrintu ahayd mid sharci daro ah”

”15 Jun ayaa waxaa noo furmaya Kalfadhigeenii, waxaana kulankaas ajandayaashiisa qayb ka ah in Baarlamanka dawladda Puntland ay go’aan ka qaataan habka wax u socdaan ee burburinta ah, waxaana ka xun nahay in umada Soomaaliyeed la niyad jabiy” Sidaasi waxaa yiri siciid xassan shire oo ah guddoomiyaha baarlamaanka Puntland

 

Waxan is weydiiyey hadalka siciid ee ah ”dadka qaar ayaa noo soo sheegay in arrintu ahayd mid sharci darro ah” waa su’aale siciid ma waxa u dhegeysta dadku waxay dhaheen mise wuxuu ku hadlin wax dastuuri ah oo sharci ah ??? 

In kasta oo siciid yahay nin aqoon badan aan u laheyn sharciyada, dhowaana waxbarashada billaabay hadana waxaa u xilka ku qabsaday ama ku helay qaab qabiil taas oo ka dhigeysa shaqsi ka madhan ama aan kala aqoon sharci iyo sharci darro, keliyana u hadlin afkeygu furan. 

 

Yusuf Ali Adan 

Yusufcali@outlook.com 

 

Advertisements

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s