Ahlusunna waljamaaca oo diidday inay ka baxdo magaalada Dhuusamareeb eedeyna u jeedisay dowladda Soomaaliya

mooryaanAhlusunna Waljamaaca oo Axadii aynu soo dhaafnay Dowladda Soomaaliya kala Wareegay Gacanta ku Haynta Magaalada Dhuuso-mareeb ee xurunta Gobolka Galguduud ayaa ku eedeysay dowladda Soomaaliya in ay ka baxday heshiis ay hore ula gashay sidoo kalena waxay kasoo horjeesateen baaqii Ergayga Qaramada Midoobay ee ahaa inay ka baxaan Degmadaasi

Madaxa Siyaasadda Ahlusunna Waljamaaca, Cabdisalaan Aadan Xuseen oo maanta Wareysi siiyay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da isagoo ku sugan magaalada Nayroobi ee dalka kenya ayaa sheegay in Go’aanka Danjire Nicholas Kay aysan ku gelin Dhuuso-mareeb, hadalkiisana aysan uga baxaynin

Masuulka Ahlusunna dhanka siyaasada u qaabilsan ayaa ku eedeyey dowladda Soomaaliya in ay ka baxday heshiiskii Ahlusunna hore ay u wada galeen

”Waxay ahayd in muddo 10-casho ah xal looga gaaro dagaalkii ka dhacay Guriceel, balse laba bilood ayaa la dhaafay, Beesha Caalamka waan u sheegnay in heshiiskaas ay ka baxday dowladda Somalia. Innaguna waxaan naga go’an inaan kuwa dhibaatooyinka geysanaya ka difaacno deegaannadii aan ka talinaynay shacabka ku nool” ayuu yiri Cabdisalaan Aadan

Mar la Weydiiyay inay Aqbalayaan baaqii Danjire Nicholas Kay ee ahaa inay isaga baxaan Dhuuso-mareeb iyo in Kale, ayuu ku Jawaabay ”Ciidamada Ahlusunna Amarka Nicholas Kay kuma gelin Dhuuso-mareeb, baaqiisanaha ugama baxayaan.”

Dhanka kale, Wuxuu Sheegay in Ahlusunna Waljamaaca ay tahay Urur Nabadeed oo aan Xad-gudubna aan ogoleyn, Dowladda Soomaaliyana ay dhowr jeer ku Wargeliyeen in aan Qori wax lagu xallin karin, balse hannaan nabadeed iyo in qof walba xuquuqdiisa la siiyo ay tahay, laakiinse dowladdu baaqyadeennaas way iska dhego-tirtay.

Ugu dambeyn, Su’aal ahayd in ay ka soo Hor-jeedaan Shirka Cadaado ee Maamulka loogu dhisayo gobollada Galguduud iyo Mudug ee haatan ka socda Magaalada Cadaado, ayuu ku jawaabay. ”Innagu waxaan diidnay ma jirto… in la isku yimaado oo shacabka gobolladaas ku nool ay dhistaan Ahlusunna ayaa markii ugu horreysay Go’aamisay”

Sirqarsoon@gmail.com

– See more at: http://hiiraan.com/news/2015/Jun/wararka_maanta10-91812.htm#sthash.MZ7cqIYP.dpuf

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s