Afhayeenka guurtida Somaliland oo u hanjabay maamulka Puntland
Afhayeenka cusub ee golaha guurtida Somaliland Xildhibaan Cabdiqaadir
Maxamed Indho-Indho oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa hanjabad culus u diray maamul goboleedka Puntland
Xildhibaan Indho-Indho ayaa yidhi “Ciidanka qaranku (Somaliland) wuxuu awoodaa inuu saacad ku qabsado saddexda magaallo ee Puntland ugu waweyn (Bosaso, Garoowe & Gaalkacayo)….”
Dhanka kale waxaa uki eedeyey Afhayeenku dowladda Somalia iyo waddamo gaalo oo uusan sheegin in ay gadaal ka riixayan Puntland, wuxuuna yidhi “Waxaanan qabaa inay cid kale dabada ka soo wodo, taasina Puntland way la xumqan doontaa… sidoo kale Xil. Indho-Indho wuxuu yidhi “Somaliland waxay ilaalisa Puntland, sababto ah wax badan oo iyaga dhexdooda ka dhici laha ayaa baqdin iyaga lagaga baqayo aan dhicin…”
Hadalka Afhayeenka cusub ee Guurtida Somaliland ayaa ku soo aadaya iyadoo warar hoose sheegin in Puntland dooneyso in ay isaga baxdo tuulada Tuka-raq oo ah saldhiga keliya ee ay ka joogan deegaanada gobolka Sool.
Sirqarsoon@gmail.com