Warshadaha hargaha iyo cudurrada maqaarka

10937546_793652644035990_1505368503_nDeegaanka gobolka Bari ee maamul goboleedka Puntland waxaa ku soo badan dadka qaba cudurrada maqaarka kuwaas oo ka qaaday xanuunkan intooda badani warshadaha hargaha, oo la sheegay in ay isticmaalan sun dilaa ah oo lagu magacaabo Chromium

Ma aha keliya dadka ee suntan waxay dhibaato sidoo kale u geysan deegaanka iyo duunyada ku nool, iyadoo dadkuna ka qaadin xanuuno kala duwan, waxay Suntaasi qaadsiin kartaa bini;aadanka  xanuunda kala ah (Kansarka maqaarka, kansarka dhiiga, kansarka sambabada, Leukemia, kelyo xanuun, indho xanuun iyo marinka neefsashada oo ay ku dhacaan xanuuno badan oo kala duwan…’’

Sunta halista ah ayaa dadka warshada ka shaqeeya iyo kuwa kale ee deegaanka ku noolba waxay u gelin siyaabo kala duwan sidaa Cunada, Neefta hawada Ama qofka oo caba dareere suntu la jirto Iwm

Intaa qof ee deegaanada Puntland ama dhulka kale ee Soomaalida ku nool ee u dhimatay cudurada ka dhasha sunta ay isticmaalin warshadaha hargaha maanta ma jirto cid tiro koobkooda heysa, balse shaqsiyan tiro aad u badan oo dad cudurkaasi haleelay ah ayaan kula kulmay shaqsiyan dalalka Ethiopia iyo Yemen kuwaas oo caafimaad raadin halka u yimid, qaar badana maanta dhinteen kuwa kalena weli la tacaalin xanuunka

Tusaale Magaalada Bosaso ee gobolka bari waxaa ku yaala dhowr warshadood oo kuwa midginta hargaha ah, mid ka mid ah ayaa xeebta magaalada Bosaso ku shubta qashinka sunta iyadoo dhowaan xeebta magaalada lagu arkay kalluun aad u tiro badan oo banaanka u soo baxay, Sidoo kale warshadaha qaar ayaa qashinka ka soo baxa ku daadiya deegaanada magaalad baxsan sidaa beeraha iyo dhulka miyiga iwm taas oo laftigeedu sababta dhibaato weyn

Waxaa la sheegay in shaqaalaha warshadaha midginta ama hoodhiya hargaha intooda badan ku dhacaan xanuunada maqaarkaa iyo kuwa kale ee jirka ee aan soo sheegnay, iyadoo shaqaalaha aysan lahayn xaquuq iyo cid u dooda, ninka warshada iska lehna u shaqada ka joojiyo maalinta qofka xanuun eebbe u keeno

 

Maamulka deegaanada Puntland iyo maamulada kale ee dalku waa in arrintan taxadar weyn ka yeeshan, waana in dadkeena laga badbaadiya cudurada halista ah madama masuuliyad ka saaran tahay raga iyo haweenka madaxda ah dadka iyo duunyada

 

Halkaan ka Akhriso warbixin u 2012 ka qoray arrintan oo kale  Dr Cabdiraxmaan Fidhinle

 

– Yusufcali@outlook.com Sirqarsoon@gmail.com

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s