Nigeria – boqollaal nin oo u tartamay guurka gabar dhallinyaro ah!

naagBoqolaal mucaashiqiin ah ayaa hareeyay xarun raadiye oo ku yaal waqooyiga Nigeria kaddib markii gabar deegaanka ah ay sheegtay inay guri iyo gaari siineyso ninkii guursada.

Zainab Abdulmalik oo 23 jir ah ayaa sheegtay in khibrad xun ay kala kulantay jaceylkeedi hore, taasina ay ku kaliftay inay nin ku hesho habkan aan caadiga aheyn.

Gabadhani oo ganacsiga horumar ka gaartay ayaa sheegtay inay ku bixisay labo kun iyo shan boqol oo doolar saaxiibkeedi hore, kaddibna uu ka tagay.

Talaadadii ayey tagtay raadiye lagu magacaabo Freedom Radio oo ku yaal Kano, waxayna dalbatay ninkii la wadaagi lahaa mustaqbalka iyadoo ka sheegtay in ninka ay dooneyso ay da’diisu noqoto inta u dhexeysa 17 ilaa 25, uuna yimaado maalinta xigta. Waxayna ballan qaaday ninkii ay doorato inuu guri iyo gaari heli doono.

Maanta ayey boqolaal dhalinyaro oo aad u labisan isugu yimaadaan xarunta raadiyaha. Wariyaha raadiyaha ee wareysanayay, Nasiru Zango, ayaa ku tilmaamay jawiga mid qasan markii ay mucaashiqiintu yimaadeen. Zainab waqti badan iskama qasaarin, waxayna safka dheer ka dooratay nin.

Lamana oga faahfaahinta ninka nasiibka leh. Kaddib markii ay heshay ninkii ay dooneysay Zainab ayey goobta ka tagay iyadoo teleefonkeedu uu dansan yahay ilaa markaas.

 

Xigasho: BBC 

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s