BAYAAN AY SOO SAAREEN BEESHA CALI XAJIIJLE OO LAGU CAMBAAREEYNAYO AWOOD QEYBSIGA DOWLADDA PUNTLAND

Gaas-VS-Camay (1)Beesha Cali Xijiijle ayaa soo saartay Bayaan ka dhan ah Maamulka Puntland, iyadoo Sirqarsoon heshay Nuqul ka mid ah Bayaanka oo u qorna sidaan :-

Ku: Baarlamaanka Puntland

Ku; Madaxda Sare ee Dowladda Puntland

Og: Isimadda iyo Dhaqanka Punttland.

Ujeeddo: Bayaan lid ku ah Awood qeybsiga Siyaasadeed ee Dowladda Puntland

                                                                                   DATE 18/06/2015

 

Beesha Cali Xajiijle, Isimadeeda, waxgaradkeeda iyo aqoonyahankeeda markii ay dal iyo dibad muddo badan ka tashanayeen arrimaha siyaasadeed ee Dowladda Puntland ku dhaqaaqday hab qeybsiga qaloocan ee awoodda siyaasadeed ee Puntland Beelaheeda loogu sameyn cadaalad buuxda,

 

Waxay beesha Cali Xajiijle garwaaqsatay in ay naqdido oo weliba si buuxda u redido ISKUSHANDHEYNTA Xukuumadda Puntland ee golaha wasiirada lagu sameeyey.

Beeshu waxay si cad u cambareynaysaa talaabadda uu qaaday Madaxwenaha

Puntland oo ah mid aan sax aheyn marka awoodada siyaasadeed ee Puntland la eegana baalmarsan cadaalada habka uu Beelaha qaar ugu sad,buriyey qaarna kuwo aan jirin uga soo qaaday.

 

Beeshu waxay kalsoonidii kala noqonaysaa aqoonsigii iyo madaxnimadii wadanka ay u aragtay inay matesho dowladda, taasoo dib loogu baahan doono in looga arrinsado wax beeluhu ku qanacsan yihiin oo ay wadagaan maamul loo siman yahay oo cadaalad ku dhisana loo heli lahaa Sidaa darteed Beeshu Awalba waa Ku dulmaneyd Awood qeysiga Dowladda Puntland Haddana Waa lagu Dulmiyey Marka Beeshu warnaba ma aqbalidoonto in markasta la dulmiyo awwod qeybsiga Dowladnimo waxayna ka qaadaneysaa Go’aan cad oo arintaa ku aadan .

 

Beeshu waxay cadeynaysaa una soo bandhigaysaa Dhaqanka iyo waxgaradka Puntland inaanu ku qanacsaneyn golaha wasiirada ee sida gaarka loo qabyaladeyey,

Waxaana u soo jeedinaynaa Beelaha Gobolka Bari iyo kuwa kale ee ku dulman Awooda siyaasadeed ee Puntland in ay isbahaystaan oo u midoobaan danahooda iyagoo aan cidna marti uga noqonayn.

 

 

 

WABILAAHI TOWFIIQ

 

 

 

 

 

 

Bayaankan Magacyada Iyo Waxgaradka Soo Saaray

Waa GUURTIDA BEESHA CALI XAJIIJLE

 

  1. Ugaas Kaynaan Ugaas Xaji Cabdi Buurte
  2. Jamac Ugaas Xaji Cabdi Buurte
  3. Khadar Ugaas Xaji Cabdi Buurte
  4. Mursal Ugaas Xaji Cabdi Buurte
  5. Macalin Axmed Yusuf Axmed
  6. C/Rashiid Tuke
  7. Caaqil Cabdi huruuse
  8. Nabadoon C/laahi Siciid Ismaaciil
  9. Caaqil Cumar Aden cawl
  10. Nabadoon Axmed Siciid tarabi
  11. Aden Maxamuud Cali (Gamaame)
  12. Nabadoon Faarax Jaamac Aden
  13. C/nuur macalin Cali Faarax
  14. Nabadoon C/Naasir Ibraahim Farax
  15. Cali Maxamud Tarabi
  16. Sheekh Xasan Aden Farax
  17. Yaasiin Ismaciil Ibraahim Jaamac
  18. Caaqil Maxamed siciid Ismaaciil
  19. Muxiyadiin Ugaas Xaji Cabdi Buurte
  20. Cali Nuur Ugaas Xaji Cabdi Buurte
  21. C/laahi Ugaas Xaji Cabdi Buurte
  22. Anwer Ugaas Xaji Cabdi Buurte
  23. Caaqil Said Ismaciil Cali Dooni
  24. Nabadoon Maxamed Ismacil Cali Dooni
  25. Eng Maxamud Shire Maxamud
  26. Ganacsade Said Jamac Aden
  27. Ganacsade Xaji C/qaadir Ciyow
  28. Nuur Jamac Aden (Zarqaawi )
  29. Axmed Shire Maxamud
  30. Ganacsade Xaaji Cumar Yusuf Axmed
  31. Macalin C/Qaadir Ahmed Da’uud
  32. Cabdi Maxamed Aden
  33. Bashiir ismaciil cali Dooni
  34. Maxamed Axmed Aden (Yariisow )
  35. Maxamuud Axmed Aden (Qardhigiye )
  36. Xuseen Said Aden
  37. Xasan Said Aden

 

Faafin – Sirqarsoon.com

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s