Xiriirka Puntland Iyo Somaliland

64259-yusufShallay galab Madaxweynahii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole wuxuu la kulmay Madaxweynaha Somaliland ee xilligan Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) sidaa u qoray wargeyska Waaheen ee magaalada Hargeysa ka soo baxa. 
 
July,19,2015 Cabdiraxmaan Faroole ayaa soo gaaray magaalada Hargeysa, booqashada ayaa lagu sheegay mid la xiriirta geeridii xaaskiisi Amiino Abiib oo wiilkeeda Cumar Cabdiraxmaan ku dilay magaalada Garoowe April 9, 2015 
 
Afhayeenka Sulaadiinta Somaliland Suldaan Yusuf Maxamed Xiirey ayaa shir jaraa;id oo u ka hadlay markii u Cabdiraxmaan Faroole yimid 19,July wuxuu yidhi ”Faroole Garoowe ayaan ugu tagnay si wanaagsan ayuuna noogu soo dhoweeyey halkaasi isagoo u Madaxweyne Siilaanyo waqtigaasi noola hadlay naguna ballamiyey…” Ogsoonow Akhriste waqtigaasi u Suldaanku ka sheekeyn Faroole wuxuu aha Madaxweynaha Puntland ninka la hadlay ee ku ballamiyeyna waa Madaxweynaha Somaliland oo tollow markaasi ma xiriir wanaagsan ayay lahayeen labada Madaxweyne, Hadii ay lahayeense maxaa wiilasha Askarta labada dhinac loo lugoyn jiray?? bal adiguba.!! 
 
 
March 28th, 2015 Khudbad sannadeedka Dastuuriga ah ee u Madaxweynaha Somaliland kula hadlo Baarlamaanka wuxuu yidhi ”In dhawayd waxa ka imanayey Maamuul Goboleedka Puntland dacaayado ka dhan ah qarannimada Somaliland. Haddaba, in kastoo dhawaan uu ila soo xidhiidhay Madaxweynaha Puntland oo uu raali-gelin iga siiyay, waan soo dhaweynayaa raaligelintaas, Somaliland waxaa ka go’an nabad kula noolaanshaha waddamada deriska ah iyo in laska kaashado adkaynta Ammaanka”  

 

In kasta oo wasiirkii warfaafinta Puntland ee hore Cabdiweli Xirsi Indhagurun u beeniyey warkaasi Madaxweyne Siilaanyo ka soo yeeray, haddana Cabdiweli Gaas arrinta marna kama hadlin, Dabcan taasi waxay ku cadeyn in Cabdiweli Gaas laftigiisu sidaa Faroole xiriirka wanaagsan la leeyahay Madaxweyne Axmed Siilaanyo. 

Sidoo kale waxaa hore u jiray xiriir ka dhaxeeyey Madaxweynahii hore ee Puntland Gen. Cadde Muuse Iyo maamulkii hore ee Somaliland, warar hoose ayaaba leh Gen. Cadde wuxuu hore heshiis Somaliland ugula galay inu magaalada Laascanood ku wareejiyo marka u xukunka qabsado taasina waaba dhacday 

Cadde Muuse ayaa xilligu aha guddoomiyaha GBB wuxuu ku sugna magaalooyinka Hargeysa iyo Ceel-Afweyn. in kasta oo markii dambe Boqor Buurmadow heshiis dhex-dhigay isaga iyo Col. Cabdullahi Yusuf Axmed oo xilligaasi aha Madaxweynaha Puntland ka hor intaa uusan noqon Madaxweynaha Soomaaliya. 

Iyadoo la iska war’hayo ayaa haddana dadweynaha midba af-gooniya kula hadli. Taasi waaba Nolosha iyo riwaayadda Soomaaliya guud ahaan taalla. 

 
 
Yusuf Ali Adan

Yusufcali@hotmail.com

Advertisements

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s