15 qof oo ku dhimatay qaraxii Jazeera Hotel

11224007_415373685313100_6349351979225282080_nWaxaa soo baxaya warar dheeraad ah oo ku saabsan qaraxii lagu qaaday Hotel Jazeera.Sarkaal ka tirsan sirdoonka Soomaaliya ayaa BBC u sheegay in ay ogaadeen qaraxa inuu ka danbeeyay Somaali ka yimid magaalada Bonn ee dalka Jarmalka.

Baaritaanka ayaa wali socda, waxaana caawinaya dowladda dad ajnabi oo qibrad leh. Dhimashada qaraxa Hotel Jazeera ayaa korortay oo gaartay shan iyo toban, halka dhaawacana uu gaaray konton. Dadka dhintay waxaa ku jiray dimlomaasi Shiino ah, oo kamid ah shaqaalaha safaarada Shiinaha oo qolol ku lahaa Hotelka. Waxaa kaloo xafiisyo ku lahaa Hotelka, safaaradaha Qadar, Masar iyo diplomaasiyiin reer Kenya. Qaar kamid ah dhaawaca oo dhaawacoodu fududaa waa laga saaray cisbitaalka, halka kuwii cuslaa oo waliba qaarkood koomo ay ku jiraan ay cisbitaalada yaalaan. Waxaana dhaawaca ugu badan la dhigay Cisbitaalka Madiina. Dadka ku dhintay qaraxa waxaa ka mid ah Maxamed Cabdikarim Macalin iyo Cabdixakiin Maxamed Cumar. Hada waxaa socda nadiifin burburkii dhacay.   Xigasho – BBCSomali

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s