Gaas Iyo Xasan Sheekh Oo soo dhoweeyey wax ka bedelka Dastuurka Galmudug

cwewli-GaasShalay ayaa kulan u baarlamaanka maamul goboleedka Galmudug ku yeeshay magaalada Cadaado wuxuu isbedel ku sameeyey dastuurka maamul goboleedkaasi oo muran weyn dhaliyey.

Horjoogaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa si diirran u soo dhoweeyey wax ka bedelka dastuurka maamul goboleedka Galmudug ee xuduudka ay la wadaagan Puntland.

Gaas ayaa ku tilmaamay tallaabada mid loo qaaday dhinaca wanaagsan, iyadoo sidoo kalena tallaabadan u Baarlamaanka Galmudug qaaday sidoo kale u si diiran u soo dhoweeyey Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa isaguna go’aanka baarlamaanka Galmudug ku t ilmaamay mid loo baahnaa oo abuuraya jawi is afgarad iyo in nabadda laga wada shaqeeyo.

Baarlamaanka Galmudug ayaa bedelay qodobka labaad ee dastuurka Galmudug farqaddiisa Afraad oo ku saabsana xuduudka Puntland ay la wadaagan inuu ku egyahay Gobolka Nugaal.

Tallaabada Galmudug qaaday ayaa noqon mid horseed u noqon karta wada-hadal iyo dib u soo noqosho xiriirkii labada dhinac, In kasta oo Puntland dhinaceeda weli dastuurka ay ku qoran tahay sheegashada Gobolka Mudug guud ahaantiisa taasi oo aan la aqoon in la bedeli doono iyo in kale.

 

Sirqarsoon@gmail.com

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s