Maxaad ka Taqana Guddoomiye ku Xigeenka Gobolka Bari

cirroGuddoomiye ku xigeenka gobolka Bari Axmed Cali Cabdullaahi (Cirro) waxaa dhowaan u Cabdiweli Gaas u magcaabay xilkaasi oo muddo dheer u soo hayay Yusuf Muumin Bidde Allah ha u naxariiste oo geeriyooday.

Cirro wuxuu ka soo jeeda beesha Cismaan Maxamuud oo ah qoyska xaaska Cabdiweli Gaas, Hodan Hoggama-laroor

Gayigena puntland

guulo uu mar gaadhuu

filanaayey abidkii

geeribaa u kow tidhi

markuu gaas inoo yimi

gudunbuu sitaayoo

ku gamuumay noloshii

goodbaa dadkii cunay

gabibay ka dhacayaan

hadaan gaas dadkiisiyo

xulafadiisa laga qaban

Dad badan ayaa aad ulaa yaabay magcaabista Cirro ee ku xigeenka guddoomiyaha gobolka Bari waxayna ku tilmaameen wax laga argagaxo madama u Axmed Cirro kamid aha burcad badeeda waweyn ee Soomaaliya

Ninka loo magacaabay Guddoomiye ku xigeenka ayaa ka mid ah raggii afduubtay markab laga laha dalka Iran 2011, waxana u halkaasi kahelay lacago aad u tiro badan, dad badan ayaa leh marakiib kale ayuu qeyb ka aha afduubkooda madama u aha maalgeliye burcadbadeed.

Maamulka Puntland ayaa xilligan ku dhisan mid abaalmarinaya mid kasta oo deegaanka dembiyo kala duwan ka geystay balse halkii laga ciqaabi laha lagu ammaangelin qabiil iyo xigsimo.

 

Sirqarsoon@gmail.com