“Aqoontu waa Ilo dhaqaaloon gudhayn adhaxda jiilaal” Qalinkii: Naciima Abwaan Ahmed Colaad Digaale” Qorane”

NaciimoUmmadaha  horumaray,horumarkoodu wuxuu ku dhisan yahay heerkooda aqooneed inta uu gaadhsiisan yahay,  sidaa daraadeed baa waxaa la yidhaahdaa aqoontu waa waxa ay ummadi filkeed kaga sarrayso. Aqoontu waa waxa u suurto galiyay inay reer galbeedku kor u guuraan dayaxa agtiisa aqalo ka binaystaan. Aqoontu waa waxa keena inay bulsho noolaato iyadoo deggan oo xasiloon. Waa waxa keena ummadi inay noqoto dad  la tixgaliyo oo dunida inteeda kale ay hiigsato.

Aqoontu waa quwad ka mid ah quwadaha nooluhu ku inti qaalo ama uu  filkii kaga adkaato. Waa iftiinka aadamaha haga, waa aalad lagu xoogsado oo lagu adeegto, waa ilo dhaqaale oo aan gudhin adaxda jiilaal, waa albaabka farxadda bina aadamka, waa saxiibka nololeed ee kuu sahla in aanad ka habaabin dawga saxda ah. Nafta bina aadamku siday ugu baahan tahay biyaha iyo raashinka ayay noloshuna ugu baahan tahay in lagu quudiyo cilmiga si ay u hesho jawaabta sirta ka qarsoon, ulana  jaan qaado nolosha casriga ah.

Bulshada fakhriga ahi maaha kuwaan haysan waxay cunnaan, waxay xidhaan iyo meel ay u hoydaan’e waa kuwa fakhriga ka ah aqoonta – kuwaas oo  lagu tilmaamo dunida saddexaad oo micnaheedu yahay inay laba jeer ka dambeeyaan dunida horumartay. Aqoontu waxay dadka ka saartaa jahliga, waxayna ka dhigtaa mid aragti durugsan oo xog-ogaal u ah waxa daafaha dunida ka dhacaaya.  Aqoontu waxay qofka ka dhigtaa mid ka aragti dheer bulshada uu  la nool yahay.

Jarmalka oo lagu tilmaamo inuu ka mid yahay dalalka horumarka ka sameeyay  cilmiga, kana mid ah waddamada lagu tillmaamo (six world power) lixdii waddan ee ugu cududda roonaa dagaalkii labaad ee aduunka (WW2) ee socday intii u dhaxaysay1938-1945 waa lagaga guulaystay, waxaana lagu xasuuqay maaliyiin, waxaa gabi ahaan dhulka lala simay dhismayaashii ugu mihiim sanaa sida: iskuullo, jaamacado, maxaddadii cilmi baadhista, maktabadihii waawaynaa ee cilmigu ku kaydsanaa iyo waliba goobihii lagu ururin jiray waxyaabaha taariikhiga ah. Hay’adihii gurmadka u tagay waxyaabihii ugu horreeyay ee ay ka codsadeen waxaa ka mid ahaa in dhismayaasha bur-buray hoostooda laagasoo saaro buuggaagta iyo wax yaaba taariikhiga ah ee kaga jira dhismayaasha bur buray hoostooda, waxayna u arkayeen aqoonta iyo akhriskuba inuu yahay tan kaliya ee ka caawin karta inay dib usoo kabtaan.

Sidaa daraadeed baa waxaynu odhan karnaa, bani aadamku nolol wuxuu buuxiyaa markuu aqoon hanto, aqoontuna waxay siisaa habkii uu u noolaan lahaa, noloshuna waxay u yeelataa micne ama dhanan iyo ujeedo gaar ah. Fahamka aqooneed ayaa keena inuu qofku is waydiiyo su’aalo una hanqal taago baadi doon ka baxsan heerkiisa aqooneed inta uu joogo is wayddiinta su’aalo badan ood is waydiiso isla markaana aanad jawaab u haynin ayaa keenta ugudubka tijaabooyin guul iyo guul darraba leh illaa uu helo qofku natiijo saxa oo tusaysa inuu guul ka gaadhay geedi socodkiisii wax aqooneed. Aqoontu kaliya in lagu shaqaysto oo wax lagula soo baxo uun faa’iidadeedu maaha, balse aqoontu waxay wax ka badashaa habdhaqanka bina aadamka, waxay kobcisaa caqliga bina aadamka, waxay aadamaha dhaxal siisaa waayo aragnimo iyo inaanay dadka u ehelka ahi marnaba dawga saxda ah ka lumin.

Aqoontu waxay kuu suurto galinaysaa waagii baryaba inaad cilmi baadhis samayso oo aad ogaato waxaanu ogahayn aadamaha kiisii jahliga ku baaqiga noqday. Aqoontu waxay kuu suurto galinaysaa inaad wax soosaar la timaado  adigoon cidna daba fadhiyin, Aqoontu waxay kuu suurto galinaysaa inaad nolosha ka yeelato barmaamuj cilmiyaysan ood ku maamusho geeddi socod kaaga nololeed. Aqoontu waxay kuu sahlaysaa heerkasta ood nolosha jeceshay inaad ka gaadho inaad gaadhi karto kuna guulaysan karto adigoo dadaal dheeriya la imaanaaya Ilaahayna talo saaranaya. Aqoontu adduunyada oo kaliya kuma anfacaysee,  haddii aynu nahay ummad muslimiin ah aakhirana wayna anfacaysaa.

Tusaale,  Shaacirkii waaya araga ahaaa ee Abwaan Ahmed Colaad Digaale“Qorane” waa tii uu lahaa:

 

Ardayahay cilmigu waa iftiin aadamaa haga’e

Marna waa awood aad filkaa kaga adkaataaye

Waa sida aroor iyo shamsiyo,oogta waabariye

Ambad kiyo wuxuu kaa jiraa inaad asqawdaaye

 

Marna waa arsaaq iyo waxaad dib ugu aydaaye

Omos iyo abaar iyo adoo bacad ku aynfaaday

waa guri uggbaadood gadaal ku ilsamaataaye

 

Marna waa asbaabaha nafluhu ku intiqaalaaye

Waa aalad lagu xoogsadoo lagu adeegtaaaye

Marna waa ilaysoo xaqaa lagu ogaadaaye

 

Waa ramad irmaanood markaha abid ku maashaaye

Markay dunidu wada iilantee sabigu ooyaaayo

Waa ilo dhaqaalo ma gudho adhaxda jiilaale

 

Ummi hadii aad tahay talada waad ka anfariirtaaye

Halka nolosha laga soo unkee laga abaaraayo

Isagaa indhaha kuu furoo kuu agaasima’e

 

Ilaalada hawada loo diriyo uumiyaha guuray

Xiddigaha aggtoodiyo dayaxa lama abbaareene

Waa agabka lagu gaadhayaa meel aan la aqoon.

Hadii aan intaa kaga soo gudbo gogol dhiga qormadayda oo aan u soo gundo dego dulucda qormada, waxaynu manta ku  noolnahay qaarad dhibaatada ugu balaadhan ee  ka jirta uu ugu waynyahay jahligu. hadii aynu nahay dadka ku dhaqan qaaradan afrika waxaynu wali fahmi la’nahay in jahligu yahay aabbaha colaadaha,isnaca iyo fakhriga aqalka inoo yaal, waxaynu nahay ummad aan fahmin qiimaha aqoonta iyo faa’iidada ay cilmi barashadu u leedahay ibna aadamka.waxaynu ilaa hada fahmi la’ nahay qiimaha aqoonta oo ay reer galbeedku fahmeen isla markaana u suurto galisay inay dunida inteedii kale ay iyagu u taliyaan.

Tusaale,adiibkii suugan yahanka ahaa Abwaan Ahmed Colaad Digaale “Qorane”waatii uu lahaa

In mudo ah aduun yada qolyahan u ololaynaayay

Ee sida maroodiga arbaha adhaxdu waynaatay

Aqoon iyo is maqal bay laxaad adag ku yeesheene

 

Jahligu waa alhuumee markii udubka loo saaray

afrikada madaw baa fadhida iilkii geerida’e

Aanada qabiil kiyodilkiyo eelkan bixi waayay

Isagaa u aabo ah fakhriga aqalka noo yaal.

 

Tusaale,in muddo ah adduunyada qolyahan u ololaynaayay, “haa” aan idhaahdeen reer galbeedka, halka ay maanta taagan yihiin waxay ku gaadheen aqoon iyo dadaal dheeraada, taas oo aynu odhan karno waata kaliya ee ay ummadihii kale kaga tageen. Waa dowlado xoog iyo quwadba isbiday.”haa” aan idhaahdee, aqoontu waata usuurto galisay inay ummadihii kale oo dhan ka sareeyaan, Aqoontu waata usuurto galisay inay hawada sare xeryo ka ootaan. Aqoontu waata usuurto galisay inay  nugliyeer (Nuclear Power) samaystaan.waxay fahmeen in aanay aqoon la’aanteed taayir rogi karin, waxay fahmeen inayna noloshoodu suurtagal ahayn mustaqbalka fog hadaanu qalin ku dheehnayn.

Tusaale.shaacirkii da’da yaraa ee  Abwaan Cabdiwaaxid Cali Gamadiid waatii uu lahaa

Aduunyada tacliin iyo cilmaa lagu tanaadaaye

Kuwa samada tagay waa aqoon waxay ku tookhaane

Tartan bay ku gaadheen halkaa kuna tisqaadeene

 

Tubta noloshu way durugsan tahay waana tahan dheere

Tuuryo gaadhi maysiyo dhawaaq laysla tooxaaye

Halkay taalla wabiyaala waa laga talaabaaye

 

Marna waa cirkaa tiigso iyo toban kunoo baace

Marna tulud liq baa kaaga filan qaab haday tahaye

Tagoogaha ninkii aan ka jabin taabi kari waaye

 

Hadii aan tusaalaha sifudud kuugu soo tabiyo

Toojada hadaan meel banaan heedhe lagu tiirin

Walee inaan hadhuubbkoo tamilan laga tifsiinayne

 

Tacabkiyo waxaad taran sataa taabbud kaa dhiga’e

Tagoogaha ninkii laabtayee taxarriga u diiday

Asaagiisa inuu tuuggsadaa waatu la hubaaye

 

Hallkay maanta gaaladu taggtaa tacajabaysaaye

Samash lay ku marayaan dayaxa tahana dhaafeene

Talaadahana qaar baa dagoo tu’iyay artiiye

Sahankoodu wuxuu taagan yahay tan iyo niibtoone

Dhul tigaadle bay reer fureen oo tuskii helay.

Dunidan aynu joogno oo lagu tiriyo dunidii cilmiga ayaa waxaa lagu baratamayaa hindise-cilmiyeed ku dhisan caqli iyo Aqoon. Waxaynu markasta ku aragnaa mareeg-wadareedyada iyo masraxyada caalamka wax caqliga bina aadamku la yaabo, taas oo ay hinidiseen shaqsi ama koox cilmiga u saxiiba. Waxaad waagii baryaba maqlaysaa cudur cusub oo dunida kusoo biiray isla markaana ay u dhintaan malaayiin dadii walina aan dawo loo haynin mid lagula tacaalo dadka uu cudurkani asiibay iyo mid lagaga hor tago si aanu u faafin,hadana inyar kadib waxaad maqlaysaa in lagu guulaystay dawadiisii,iyadoo ay ku guulaysteen koox Cilmiga u hela, taas iyadoo aynu wada ogsoonnaha inay aqoontu u saamaxday iyo dadaal koodii oo ay laban-laabeen ayaynu haddana kow ka nahay ummahaddaha jahliga ku baaqiga noqday.

Marka laga hadlaayo qiimaha aqoonta iyo iyo doorka nolosha bina aadamka ay ka ciyaarto ayaa waxaa la yidhaahdaa aqoontu waa bar-baariyaha maskaxda bina aadamka,waayo waxa aad ka dheehan kartaa sida ay bina aadamka kiisii aqoonta bartay iyo ka jahliga ku sugnaa ay nolosha ugu kala tageeen. Sidaa daraadeedbaa waxaa la yidhaahdaa qofka bina aadamka ahi caqligiisa iyo aragtidiisu waxay jirtaa hadba inta heerkiisa aqooneed taagan yahay.

Ummaddan kor u guurtay iyo noloshan waagii baryaba wax cusub ood la tacajabayso ay kusoo siyaadayso,dhamaantood waxaa  saldhig u ah aqoonta oo kor loo qaaday iyo dadaal dheeraad ah oo lala yimi.sidaa daraaddeed ayaa waxaynu wada ogsoonahay,aqoonta oo kor loo qaado iyo dadaal dheeraad ah oo lala yimaada waxay dhashaa hindise bilow fiican u noqon kara jiilka maanta iyo kuwa dambe labadaba si ay wax ugu siyaadiyaan noloshan casriga ah,una helaan meel ay wax ka bilaabi karaan  waxaanay qofka bina aadamka ah siinysaa yididiilo fiican iyo inuu mustaqbalka qofku noqon karo mid wax soo kordhiya,jiilkiisa iyo jiilasha kalena ay wax uga aayaan

Ciwaanka aan hordhaca ugaa dhigay qormadaydan oo ah “Aqoontu waa Ilo dhaqaaloon gudhayn adhaxda jiilaal” ayaa xambaarsan micne balaadhan oo ku qotoma aragti durugsan,taas oo micniheedu yahay aqoontu”inay tahay laf-dhabarta nolosha aadamaha.Tankale   wuxuu bixinayaa sawir ah ummadii jahli ku baaqi noqotaa inay la mid tahay xoolaha oo ay ka lunto dawga saxda ah,ayna hurran tahay gacan ku hayn shisheeye iyo gumaysi. Tusaale Gabayaagii waynaa Abwaan Ahmed Colaad Digaale “Qorane”isagoo la hadlaaya wiil yaruu dhalay isla markaana hoga tusaalaynaaya qiimaha cilmiga waa tii uu lahaa:-

 

dharqashada cilmigu waa halkuu rag isku dhaafaaye

dhalan-dhoolka jiilaal adoo dhama san oo liita

waa dhool hilaaciyo xareed dhaanka loo rara’e

 

baddan dhumucda wayn iyo bariga dhayda laga maalo

agow dhahabkan laga soo dhuriyo dheemantiyo luulka

dhaayuhu makoobeen hadaan qalin ku dheehnayne

 

gantaala dhuyaalee dhacmeed dhamacda moodayso

iyo bahalkan dheeraynayee dhaaxoo lala yaabo

dhaayuhu ma koobeen hadaan qalin ku dheehnayne

 

dhakhtarada wadnaha kala dhilee dhiiga kala shiila

iyo agabkan lala dhaygagee dhoorku nagu dhaalay

ee dunidii goob qudha ka dhigay  dhalan wanageeda

dhaayuhu ma koobeen hadaan qalin ku dheeh nayne

 

waa waxa dhaqalaha unkee dhaaba aadmiga’e

dhulka oo abaar saday hadaad dharag kasoo waydo

dhabadiyo wuxuu kuu sahlaa dhoofka debedaaye

 

dheel dheel wakhtiga kaaga tagay dhiilo kugu reebye

cishadii ku dhaaftaaba waa dhaawac kugu yaale

aaboow wakhtiga hayska dhumin yaanad dheeliyine

Aan in yar dul istaaqo horumarka uu cilmigu u leeyahay bulshada iyo dib u dhaca uu keeno jahliga. Cilmi barashadu waa waajib cid kasta saaran, waxaana loo baahan yahay in dadaal dheeraad ah lala yimaado si aqoon loo helo. Waxaa waajib ah in cilmiga loo raadsado meel kasta oo fog, In loo adkaysto dhibkiisa iyo daalkiisaba. Qofka u adkaysan waaya dhibka cilmiga wuxuu waligii kunoolaadaa jahli iyo aqoon daro. Cilmigu waa asaaska nolosha aadamaha,Cilmigu waa awood lagaga adkaado duruufaha nolosha lagala kulmo,Cilmigu waa naas irmaan oon gudhayn oo dadka u ehelka ahi marwalba u aayaan, Cilmigu waa wax lagu shaqaysto oo wax soo saar iyo nolol lagu kasbado.

Cilmigu waa iftiin aadamaha haga oo ka leexiya booraamaha jahliga.Cilmigu wuxuu ku tusaa xaqaaga iyo xaqa aadamaha kale kugu leeyahay si looga fogaado isku dhac iyo loollan aan macno ku dhisnayn oo lagu hirdamo.Cilmigu wuxuu baajiyaa colaadaha iyo daadinta dhiigga aadamaha wuxuuna horseedaa nabad,xasillooni iyo barwaaqo.Cilmigu wuxuu innna baraa waajibaadka aadamaha ka saaran ilaalinta noolaha kale ee degaanka illaahay innoogu abuuray inaynu si asluub leh oon xadgudub lahayn ugu intifaacno.Cilmigu wuxuu ina baraa xaqa ilaahay inagu leeyahay iyo xaqa bina aadmigu inagu leeyahay.

Waxaad dunida guud keeda ka dheehan kartaa,sida aadamihii aqooonta bartay iyo kii jahliga ku jiray ay nolosha ugu kala tageen.Waxaynu ogsoonahay in jahligu yahay mugdi iyo indho la’aan,in jahligu yahay aabbaha fakhriga,xanuunnada,colaadaha,qabyaaladda,isnaca,gaajada iyo ka ambashada dawga saxda ah ee nolosha.

Ummada jahli ku baaqi noqotaa waxa abaal keedu yahay inay mar walba ummadaha ka hoosayso xaga dhaqaalaha,tirada,tayada,cafimaadka iyo fikirka waxaanay hurran tahay gumaysi iyo gacan ku hayn shisheeye.

 

 

 

Aqoon maxaaa lagu kasban karaa?

*in goobaha waxbarashada dawladuhu bilaash ka dhigaan si dadka kii dan yar ahaa iyo kii wax haystayba ugu sinnaadaan

*in wax kasta laga horraysiiyo barashada aqoonta

*in dadaal dheeraad ah lala yimaado si jahligaa looga baxo

*in dhibka iyo daalka loo maraayo cilmi barashada loo adkaysto

*inay bulshadu wax akhriska caadaysato

*in cilmi baadhis la sameeyo si loo helo aqoon dheeriya

*in iskuulaadka iyo gooba maktabadaha kor loo qaado

Gunaanad

Guntii iyo gabogabadii waxaan qormadaydan kusoo gunaanadayaa tuducyo ka mid ah gabaygii la magac baxay “iftiin” ee uu tiriyay abwaan Axmed Colaad Digaale “Qorane” isagoo dhalin yarada ku dhiirri galinaaya inay aqoonta ku dadaalaan baa wuxu yidhi:-

Innamiyo gabdhaba waxaad tihiin uud dhawaan baxaye

Nin abqaalay beertiisu wuu ku intifaacaaaye

Ogow qalinka ummad jaahilii ma arad beelaane

 

Ogow galinka ummad jaahilii abid ma raystaane

 

Qalinkii: Naciima Abwaan Ahmed Colaad  Digaale” Qorane”

Email:nacimaqorane@gmail.com

Advertisements

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s