Qofkii ammaan rabow dhimo ama dheerow W/Q Yusuf Ali Adan

64259-yusufMaahmaah soomaaliyeed ayaa oranaysa “Qofkii ammaan rabow dhimo ama dheerow.” In kasta oo aan hadalkaas xikmad u malayn jiray haddana mar dambe ayay iga dhaadhacday inuu salka ku hayo dhaqan xaqiraad iyo xumaan ah oo bulshadeenu dhaxal iskaga heshay, Dhaxal marka aan leeyahay dabcaan Maahmaahdani waa mid baxday waqti hore ee aan ahayn mid cusub sidaas awgeed waa wax bulshadeenu ku beeran sidaan aaminsan ahay oo ilaa qarniyaal soo socday ama jiilal kala duwan soo maray.

 

Waxay taasi muujin inaan nahay dad aan shaqsiga qiimeyn marka u la joogo Balse u qiimo u yeesho maalinta u dhinto qofkaasi ama u inaga dheerado oo meel fog u dhaqaaqo.

Shalay waxaa magaalada Garoowe si diirran loogu soo dhoweeyey madaxweynahii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo tan iyo markii u xilka wareejiyey ka maqna deegaanka, Waxaa dadweynahu ku qaylinayeen ”Ciiltire soo dhowoow” Halyeey Iyo Rugcadagii Soo rogaal celi Iwm. Waxaa si weyn u soo dhoweeyey saaxiibadiisi hore ee siyaasadda iyo weliba dad hore uga soo horjeedi jiray balse shalay ay uga muuqatay cadaalad iyo iftiin weyn oo hore aysan ugu qirsaneen.

Intaa la wada-joogo bal aan Eegno sidaa xaaladdu tahay.

Cabdullahi Yusuf Axmed Madaxweynahii hore ee Puntland waxay doorashadiisa ahayd 1998 mid la soo dhoweeyey, ka hor intaa aan la dooran dad badan ayaa jiray oo Siyaasadda Cabdullahi ka soo horjeeday kuwaas oo u arkay shaqsi dhibaato weyn u geystay dadka deegaanka hadii ay noqoto waqtigu aha mucaaradka dowladdii Soomaaliya ama xiita waqtiyadii dagaalka kooxaha Islaamiyiinta iyo isaga ku dhexmaray deegaanada Waqooyi Bari.

Soo dhoweynta doorashadiisa kaddib waxaa xigay in Cabdullahi u kala kulmo deegaanka Mucaaradad joogto ah, waxan xasuusta magaalada Qardho oo dameeraha lagu qori jiray ”NO YEY”; Sidoo kale Cabdullahi waxaa loo bixiyey magacyo kala duwan oo lagu cayayo ama la is leeyahay waa kuwa wax u dhimayaa ”Afguduud, Beerlaawe” IWM

Markii Jaamac Cali Jaamac loodoortay Madaxweynaha xilkana laga qaaday Cabdullahi Yusuf intaa uusan si xoog ah dib ugu soo laaban waxaa Eedeyn loo jeedinayay Madaxweyne Jaamac iyadoo dadku odhan jireen ”Kii Hore (Cabdullahi Yusuf Axmed) ayaa dhaamay” Balse adigu meel u raac, Waa Cabdullahigii Mucaaradka lagu ahaa kan la leeyahay waa u dhaama, Waxaa loo bixiyey Jaamac Cali magacyo kala duwan waxana ka soo qaadan karna ”Jaamac Jaranjaro/Fuley” IWM.

Gen. Cadde Muuse ayaa loo doortay Madaxweynaha Puntland 2005 iyadoo dadweynaha Puntland ka hor intaa aan la dooran odhan jireen ”Cadde ma Cadda ee Warkiisa cad” Micnaha waaa nin hawlkar ah oo qiimo weyn ayaa halkaasi kaga soo bixin, magaca Cadde Oo qof cad Soomaalidu intaa badan u isticmaashana waxaa loogu bixiyey ayaa la leeyahay Waa hadal cadaantiisa.

Kaddib doorashadiisi Cadde Muuse si weyn ayaa loo Eedeyey, Waxana dadka badan ku odhanayeen ninkani xiita labo qof ma kala garsoori karo, waxaana loo bixiyey magacyo kala duwan sidaa ”Ajakis” magacan Ajakis waa nin Aflaanta Soomaalida Turjuma oo majaajileyste ah ama dadka ka qosliyaa Iyo qaar kale oo badan.

Intaa aan la dooran Cabdiraxmaan Faroole dad badan ayaa ammaan kala dul-dhacayay iyagoo xiita qaarkood ooga inu yahay ninka isagoo Wasiir ah markii xilka laga qaaday weeraray Baarlamaanka Puntland haddana taasi marna uma muuqan oo waxay lahayeen Faroole hadii xilka loo dhiibo waxay noqon guul weyn iyo horumar Puntland gaartay.

Doorashadiisa kaddib Cabdiraxmaan Faroole waxaa lagu Eedeyey waxqabad la’aan maamul jilicsan oo ammaanka deegaanka waxba ka qaban waayay madama la dilay dad kor u dhaafaya 500 oo qof oo dadkii deegaanka ugu mudna ah intuu xilka hayay kuwaaas oo dilalkooda ilaa hadda qaar badan aan la aqoon cidii dishay iyo sababta loodilay.

Faroole wuxuu la kulmay Eedeymo badan sidaa inu Burcad badeed la shaqeysto, inuu yahay nin qeyb ka ah dhibaatada socota deegaanka oo xilligiisi aha mid gudahiisa kula jiray dagaal iyo hardan culus.

Magacyo kala duwan ayaa loo bixiyey isaga iyo maamulkiisa, Waxaa kamid aha ‘AaranJaan, Naas iyo Nikaax’ halka isagana loo bixiyey ‘Afwaliinjo’ Iyo qaar kale oo badan.

Cabdiweli Maxamed Cali ”Gaas” iyadoo la ogyahay inu aha ra’iisul wasaaraha dowladdii KMG ee Soomaaliya u Madaxweynaha ka aha Shariif Sheekh Axmed oo aan waxba lagu xasuusan u deegaanka Puntland u qabtay intuu xafiiska fadhiyay haddana markii u yidhi ”Waxan ahay murashax Madaxweynaha Puntland” si weyn ayaa loosoo dhoweeyey, waxaa dad badan ku doodi jireen inu yahay dhaqaale yahan deegaanka wax badan u qaban ka qaban doona dhaqaalahiisa hooseya iyo nolosha dadka deegaanka oo aan 17sano oo maamulkaasi jiray weli halkeedi dhaafin shalay.

Balse maalintii la doortay durba waxaa billowday mucaaradad maamulkiisa iyo shaqsiyan isaga oo eedeymo badan la kulmay, waxaa ka mid aha in maamulkiisa lagu eedeyey fadhiid, shaqo gab, burbur dhaqaale, tahriib dhalinyaradii deegaanka, iyo weliba madaxtooyadiisa oo la sheegay in ay noqotay Club/Baar habeenkii lagu caaweysimo.

Isaga Cabdiweli ahaan waxaa la tilmaamay inuu yahay nin waallan oo Kiniini ku shaqeeya, nin sawiradda jecel iyo inuu qof weliba sawir la galo, shaqsi isticmaala Maandooriye ama mukhaadarad Iwm. Dhammaan dhaliila’haasina waxay uga imanaayan kuwii shalay u sacaba tumaayay.

Aan dib ugu laabto Maahmaahda QOraalka Ee Dhimo Ama Dheerow

Allah ha u naxariiste Cabdullahi Yusuf Maalintu xilka wareejiyey ilaa xilligu dhintay waxay kugu dhihi kuwii dhaliili jiray shalay wuxuu aha ”Halyeey” Puntland isaga kama dambeeyn Iwm.

Jaamac Cali Jaamac sidoo kale markii xilka laga tuuray ilaa maanta dad badan waxay kugu odhan wuxuu aha nin daacad ah oo deegaanka la doonayay nabad iyo horumar, oo maxay ahayd dhaliisha hore ?

Sidoo kale Gen Cadde Muuse ilaa hadda dadka reer Puntland hadii aad ka waraysato waxay kugu odhan keliya Nin ”Boqor” oo nabadoon ah ayuu aha, waana shaqsiga keliya ee wax la taaban karo deegaanka uga tegey ayay kugu odhan oo waa ninka billaabay dhismaha garoonka Bosaso oo ilaa xilligan dhismahiisu socdo.

Cabdiraxmaan Faroole oo isagu ugu dambeeyey Madaxda xilka Puntland soo qabatay shalay waan ogeyn soo dhoweynta loogu sameeyey Garoowe iyo sidaa dadka reer Puntland ilaa hadda ugu qushuucsan yahiin hanaankiisi Maamul.

Keliya dadka shacbigu dhaqanka ma leh ee xiita Siyaasiyiinta ayaa leh in qofka maalintu joogo la dhaliilo, maalintau xilka baneeyana ammaanlagala dul-dhaco, Cabdiraxmaan Faroole intaa aan xilka Madaxweynaha loo dooran Cabdiweli Gaas oo xilligaasi aha Murashax madaxweynaha wuxuu khudbadiisi Murashaxnimo ee Baarlamaanka Puntland uka jeediyey dhaliilay hanaanka Maamul ee Faroole isagoo ku tilmaamay mid guul daraystay, maamul dadkiisa iyo deegaankiisa aan u naxariisan, Balse maalintii la doortay Cabdiweli Gaas uuna Xafiiska ku wareejinayay Madaxweynaha hore wuxuu ammaan kala dul-dhacay Faroole isagoo ku tilmaamay hoggaamiye dhisay wax badana u qabtay deegaanka Puntland. Oo hadii aadba ogtahay sidaasi maxaad shalay ugu dhaliileysay horumar la’aan iyo wax u qabad xumo dadka iyo deegaanka Puntland???!

Annigoo si raacaya dabeecada dadka iyo xiita Cabdiweli Gaas laftigiisa waxaan beri odhan doona Ninka aan maanta dhaliileyno wuxuu aha Halyeey, deegaankana wax badan u qabtay, hada waxaa macquul ah inuusan ”Hal Tillaabo oo horumar ah suubin” balse ammaanta iyo jacaylka qofku wuxuu inagu soo maaxda maalinta u kursiga inooga tago.

Dhammaad -kii

Ugu Dambeyn sidaasi si’ ma aha. bulsho dhan oo dulqaad la’aan ah haddii aynu noqono wada noolaan mayno, Waa inaan bedelna qaabka iyo fekerkan ku dhisan xaqiraada Iyo xumaanta keliya, waa in qofka libintiisa u qirna maalinta ujoogo iyo maalinta u baxo wixii dhaliil ahna halkiisa ha u taallo oo kan ka dambeeya ha iska saxo balse hadii aan sidaan ku jirno horumar bulsho ha sugin.

Waayo dad u taagan qof tegey ammaan kan joogana dhaliil taasi waa murugo weyn, balse hadii mid kasta runta iyo si daacadnimo ah wax looga sheego waa is-sixid iyo guul, qofkuna waa binu aadam oo waa mid qaldamin uunabaahan in la saxo.  laakiin hadii xaalkeenu joogo Qofkii dhinta ama dheerada waan ammaanaya, kan joogana waan dhaleecayn ma nasiib darro ka weyn ayaa jirta?

Siyaasiga ama ninka xilka doonaya isaguna intuu ku jiro ka riixo midka ku fadhiya xilka adigoo fadqalalo sameeynaya isaguna guul beri ma gaarayo, Adigoon dhibaato abuurin la imow jadwal ka wanaagsan kan xilligaasi aad joogto meesha fadhiya taas ka wanaagsan guulna lagu heli karaa.

Yusuf Ali Adan
Yusufcali@Hotmail.com

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s