Jawaari “Puntland waa dowlad gobolleedka kaliya ee ka jirta Soomaaliya. Inta kale waa Maamul gobolleedyo.

wpid-fb_img_1441130955725.jpgGuddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay inaysan dalka ka jirin wax Dowlad-goboleedyo la yiraah laakiinse ay yihiin Maamul-goboleedyo, isagoo sheegay in Maamul-goboleedyadii Dhawaan la sameeyay ay ahaayeen kuwo go’aan siyaasi ah oo aan sharci ahayn lagu dhisay.

Jawaari ayaa arrintan ku sheegay su’aalo shalay lagu weydiiyay shirka dib loogu eegayo dastuurkad dalka ee ka furmay Muqdisho, isagoo xusay in in wax badan la isku qaldo oo ah dowlad-goboleed iyo maamul-goboleed, taasna aanay wax sax ah ahayn.

“Waxaan jeclahay in hal arrin si fiican oo fahmo; waxaa jira raadiyayaasha iyo Siyaasiyiinta inay wax badan Qaldayaan, Annaga Arrimahan waxaa ku fiirinnaa indhaha Dastuurka iyo indhaha sharciga qofna ma doonayno inaan ka careysiino, qofna ma doonayno inaan ka qosolsiino, wax la yiraahdo Dowlad-goboleed ma jiraan,” ayuu yiri Jawaari.

Wuxuu intaas ku daray guddoomiye Jawaari “Puntland waa dowlad gobolleedka kaliya ee ka jirta Soomaaliya. Inta kale waa Maamul gobolleedyo.”

Ugu dabmeyn, Guddoomiye Jawaari ayaa hadalkiisa kusoo beegay iyadoo inta badan ay xukuuumadda Soomaaliya ugu yeerto maamul-goboleedyada dalka kajira inay yihiin dowlad-goboleedyo.

Sirqarsoon@gmail.com

Advertisements

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s