Maxaad kala socotaa Taariikh nololeedka Wasiir Soocade?

soocadeMaxamuud Xassan Soocade waa kuma? Dad badan ayaa lagayaaba inaysan ogeyn taariikhda mugdiga ah ee  WasiirkaWarfaafinta maamulka Puntland ninka ku magacaaban.

Sirqarsoon.com ayaa soo heshay Wasiir Soocadde inuu ka tirsanaan jiray Sirdoonkii Soomaaliyeed (SNS) waaxda dabagalka iyo jaajuusida Majeerteenka oo xilliga mucaarad ku aha dowladdii Siyaad Barre, waa laga eryay shaqadii sababo la xiriira Anshaxa, Wuxuu saaxiib la noqday Islaan ka shaqayn jirtay Safaaradda Talyaaniga Ee Muqdisho, oo jirtay 60 sano, asaguna wuxuu ahaa 20 jir waagaas, Wuxuu lacag ka qaatay safaaradaas, si uu kiiskii baadarigii Talyaaniga ahaa ee lagu dilay Muqdisho u fashiliyo, Wuxuuna ku jiray saddex nin oo loo diray dilka baadarigaas. Wasiir Soocadde markii dowladdu bur burtay wuxuu u qaxay Ethiopia, waxaana lacag qaaraan ah u aruuriyay Majeerteenkii loo diray in uu basaaso laftigoodii..

Wuxuu Denmark ku galay lacagtii qaaranka ahayd ee Majeerteenku siiyey isagoo ku dhibaateysan Itoobiya 1999, asagoo ka shaqo bilaabay marfish Qaatka lagu cuno, oo ay lahayd Islaan ay qaraabo yihiin,  waxay is qabteen xaaskiisa wuxuna u guuray dalka Ingiirka isagoo ka cararay Xaaskii iyo 8 caruur ah oo ay dhashay.marku tegey dalka Ingiriiska wuxuu halkiisi kasii bilaabay shaqadiisi wuxuna noqday nin Qaatka ku qaybiya guryaha. 

Markuu dalka dib ugu soo laabtay wuxuu raadiyay Xildhibaan, wuuna ku fashilmay, oo reerka uu ka dhashay (Bah-hararsame-Dhulbahante) waxay ku eedeeyeen in uu Taariikh fool xun leeyahay, reerka u badan Puntland ay yihiin Majeerteenkii uu ka shaqo bilaabay basaasidooda, asagoo ka guursaday Jiifada Cumar Maxamuud/Majeerteen si uu xogta Col: Cabdullaahi Yusuf u helo waqtigu basaaska ahaa,

Cabdiwali Cali Gaas ayaa u magcaabay Wasiirka ganacsiga Soocadde, balse muddo yar kaddib markii u shaqada Wasaaradda Ganacsiga billaabay wuxuu durba weeydiistay guddoomiyaha rugta ganacsiga lacag laaluush ah, markuu ka waayana isku dayay in uu buuq ka dhaliyo rugta.  Soocadde wuxuu ku caanbaxay laaluush qaadashada iyo lacag jacaylka.

Hadda oo u Wasiirka Warfaafinta yahay wuxuu ka inkiray mushaharkooda Suxuufiyiinta ka hawlgala Telefeshiinka PLTV Iyo Idaacadda Puntland Radio asagoo u jeedkiisa yahay in uu ka helo lacag uu Ingiriiska ku Aado. Waxaa tuugaysigaas kula jira agaasime Ku-xigeenka PLTV / Radio oo ah nin musuq maasuq ku Caan baxay, reer Puntlandna ay ku eedeeyeen in asaga iyo walaalkiis Siyaasi Shuluco ay biyo ku shubeen Fuustooyinkii Shidaalka Ee lagu shubayay gawaarida dagaaladii Gaalkacayo. Wariyayaasha ka hawl gala PLTV / Radio ayaa Sirqarsoon u soo gudbiyey Cadeymo u Xuseen Xaaji Yuusuf ku leeyahay wasiir Soocade lacagta si farsamaysan ayaan u dhacaynaa.

Agaasime kuxigeenka iyo wasiirka oo lacag kala qeybsan

Waa meel Madaxweynahii Kiniin isticmaalo maxaad ka fileysa wasiir shaqsiga ka noqon. Soocade oo kale oo merfishyada Ingiriiska iyo Denmark caan ka ahaa ayaa maanta masuuliyad umaddeed haya.

Soo Cadde oo ku sugan Addis Ababa. 1997

Soo Cadde oo ku sugan Addis Ababa. 1997

Sirqarsoon@Gmail.com

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s