Xildhibaanada Maamulka Koonfuur Galbeed ee Soomaaliya oo laga digay in caddaalad darro lagu soo xulo

xildhibaanoWaxgarad iyo Odayaal kasoo jeeda Gobolada baay iyo Bakool ayaa ka digay in Xubnaha Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed lagu soo xulo qaab Caddaaladda hareer marsan, oo aan loo qaybsan sida loo dego Gobolada Baay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose, waxaana hadda Goboladaas ka socota xulista xubnaha baarlamaanka.

Waxgaradku waxaa ay sheegeen inuu jiro gacan bixidaysi mar horeba la dareemayo in lagu soo xulayo baarlamaanka iyadoo bulshada Gobolada Baay iyo Bakool aan laga qaadin cod midaysan oo ku aaddan qofka Xildhibaanka u noqonaya, sida uu warbaahinta maxalliga ah u sheegay Cabdi Maxamed Macalin oo ka mid ah Odayaasha Baydhabo.

“Waxaa jira culeyso ah in dadka aysan si xurnimo ah u hadli karin, dhaqankii gobalada lagu yaqaanay qaarkood waa la hareer maray, talada dadka ka go’da waa iyaga waana in sida ugu muhiimsan loo ogaadaa waxaan raali laga ahayn inaysan soconeyn” ayuu yiri Cabdi Maxamed Macallin.

Hadalkaan ayaa ku soo beegmaya iyadoo dhawaan bulshada Degmooyinka Yeed,Ceelbarde iyo Degmooyin kale ay ku dhawaaqeen inay Maamulka Koonfur Galbeed iskaga baxeen maadaama aysan ku qancin qaabka baarlamaanka loo soo xulayo.

Nabadoon Cabdi Maxamed ugu dambayntii waxaa uu u soo jeediyey Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed inuu Caddaalad dadkiisa wax ugu qaybiyo, oo la qanciyo beelaha Cabanaya.

 

Sirqarsoon gmail.com

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s