Yaa Dilay Bayloodka ???

11698388_1432727360387138_533317114473817529_nAllah ha u naxariiste waxaa magaalada Qardho lagu dilay galabnimadii 7 Bishan December Baylood ahna aqoonyahan sare Faarax Axmed Maxamed Nuux  oo loo yaqaanay ”Faarax Dalxiis”, ninka dilay marxuumka ayaa la sheegay inuu bastoolada ugu soo dhiibay Cabdiqaadir Yasiin Xanaf oo ah ninka ugu sarreeya ururka Alictisaam magaalada Qardho dhinaca dhaqaalaha iyo digdigta.

Cabdiqaadir Xanaf ayaa la sheegay inuu ka xanaaqay qoraalo u bayloodku ku qori jiray Facebook iyo weliba hadalo kulul oo u goobaha fadhi ku dirirka kaga wareerari jiray urur diimeedka Alictisaam.

Ninka dilay aqoonyahanka ayaa ka soo jeeda isla beesha u ka dhashay Cabdiqaadir Xanaf ee Cismaan Maxamuud oo iyadu ka mid ah beelaha ugu awooda badan magaalada halka baylood Faarax dalxiis u ka soo jeedo beesha Cabdiraxiim Ibraahim.

 

Baylood Faarax Dalxiis aya aha duuliye sare todobaatanaadkii, sidoo kale wuxuu aha aqoonyahan arday badan aflixiyey.

 

Magaalada Qardho ayaa ah goob aan lagula hadli karin nin ka soo jeeda Beesha Cismaan maxamuud ficil kasta oo gurrucan oo u geysto, taasina waa sababta illaa hadda cadaaladu u arki la’dahay arxan laawaha dilay aqoonyahan sare Faarax Dalxiis.

Advertisements

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s