Sanadka kowaad iyo horjoogayaasha Puntland

cabdiwali-gaasIn kastu Cabdiweli Gaas horjoogaha Puntland u isagu sanadkii kowaad ee xukunkiisa ku fashilmay bixinta mushaharka ciidanka, shaqaalaha dowladda iyo ammaanka deegaanada Puntland oo iyagu xilligan ah kuwa aan habeenkii la isku gudbin, taasina u weliba ku darsaday abuuris ururo cusub iyo soo celin burcad badeedii deegaanada Puntland caanka ugu noqdeen sanadahii dambe haddana sanadkii kowaad ee maamulkiisa waxaa u billaabay mashruuc u ugu magac daray la xisaabtanka Xukuumadda iyo Hay’addaha dowliga ah isagoo horraantii bishii November ugu baaqay golahiisa xukumadda inay u diyaar garoobaan la xisaabtan dhab ah waa siduu hadalka u dhigaye haddana taasi ayaa muuqata Shimbirayahow heesa heesa heesa heesa hees wanagsan heesaa hadhkaan soo fadhistaa kalaya hortaydoo shimbirayahow heesa…..

Horjooge Gaas ayaa sanadkii hore soo fariisiyey Tvga u Horjoogahii ka horreeyey isaga ee Faroole u sameystay indho sarcadinta qurbe-jooga weliba isagoo raxan wasiiro ah la joogan kuna doodin waxqabad aan jirin iyo been cad. balse sanadka ayaa arrintu taas ka duwan tahay madama xaaladdu ku tahay beentii horeba naga badan.

Tan iyo Aasaskii Puntland ee Qowsaarada qabiiladu 1998 ma jirto Hay’ad la xisaabtanta Horjoogayaasha Puntland oo hadba ninka xukunka qabsada ayaa sanduuqa lacagtu u furan yahay hantida umadda masakiinta laga qaadana isaga iyo dhowr qabiil ama shaqo wadaag yihiin ayaa afka u dhigta.

gaaXilligan xaaladda Puntland ayaa u muuqata mid ku dhow burbur madama ay ku furan yihiin dagaalo qabiil oo gobollada Bari Iyo Mudug, kuwa xuduudo iyo qaar kooxaha Xagjirka ee Alshabaab iyo Daacish oo dhowaan ka dilaacday gobolka Nugaal, sidaas oo ay tahana shaqaalaha dowladda qaarkood mushahar ma qaatan oo waxay ku nool yihiin maalin dagaal halka ciidanku dadka jeebkooda la wadaagan xilliyada habeenka kuwa kalena iskaga tageen shaqada askarta.

Keligii-Taliye Cabdiwali Gaas ayaa tan iyo marku xukunka la wareegay Puntland u horseeday dagaalo qabiil, kuwa maamulo nabad Puntland ay ku wada noolayeen waqtiyo dheer, xornimo la’aan iyo xaqrid shacabka iyo weliba mushahar la’aan sicir barar la jiro.

 

Yusuf Cali Aadan

Sirqarsoon@Gmail.com

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s