Gabar Soomaaliya oo la kufsaday dalka Kuwait

cunaaGabar Soomaaliyeed oo 24 jir ah ayaa la sheegay iney afduubteen ka dibna kufsadeen kooxo aan la garaneyn wadanka Kuwait. Wargeyska Kuwait Times ayaa qoray in nin Soomaali ah uu Booliska ku soo wargeliyey iney ugu yaraan 5 nin afduubteen, kadibna kufsadeen gabar uu adeer u yahay oo ay dhashay Xaaskiisa.

Saraakiishaa Booliska Kuwait ayaa baadi-goobaya 3 nin oo aan haybtooda la aqoonin, kuwaasoo fara-xumeeyey gabadha Soomaalida.

Raggan ayaa la sheegay iney gabadha xoog kaga qafaasheen iyadoo lugeynaysa waddo ku taalla degmadda Kheytaan ee duleedka caasimadda dalkaasi ee Kuwait City, waxaana la sheegay inay gabadhan ku kaxaysteen gaari yar oo ay wateen.

Hadal ka soo baxay Booliska ayaa lagu sheegay inuu soo gaaray Kiiskaasi, kuna raad-joogaan Dembiilayaasha dhibaateeyey Gabadha Soomaaliyeed si sharciga loo mariyo.

 

Sirqarsoon@gmail.com

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s