Dowladda Soomaaliya oo mar kale taageertay Sucuudiga

734900_1015012458545479_4462655764195294111_nDowladda Soomaaliya ayaa mar kale garab istaagtay nidaamka Boqortooyada Sucuudiga iyagoo eedeyn kululna u jeediyey dowladda Iran oo ay sucuudiga khilaaf xoogani soo kala dhexgalay.

War Saxaafadeed- ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa u qornaa sidaan.

Jamhuuriyadda federaalka ah ee SOomaaliya waxa ay dhaleeceynaysaa falka weerarka ah ee lagu qaaday Safaarada Boqortooyadda Sacuudiga ee Magalada Tehran iyo Qunsuliyaddda ay ku Leedahay Magalada Mashaad ee dalka Iran.

Waxay Soomaaliya u aragtaa arrintaas in ay tahay ku tumasho Heshiisyada iyo dhaqanka Caalamiga ah ee Heshiiskii Dublamaasiyada ee Vienna.

Sidoo kale Soomaaliya waxay cadeynaysaa in ay ku garab taagan tahay Walaalahooda Boqotooyada Sacuudiga Tallaabooyinka ay qaadatay ee ah kuwa lagula dagaalamayo argagixisada laguna sugayo Ammaanka gudaha wadanka.

 

Hore ayaa dowladda Soomaaliya ugu garab istaagtay dowladda Sucuudiga weerarka ka dhanka ah kooxda Xuuthiga ee dalka Yemen. Dad badan oo Soomaaliya ayaa ku doodaya in Wasaaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya looga arrimiyo Sucuudiga halka tan arrimaha gudaha looga taliyo dalka Itoobiya.

 

Sirqarsoon@Gmail.com

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s