Cabdiwali Gaas Iyo Xiisadda Boosaaso ka taagan

boosaasoHorjoogaha Puntland ayaa gacanta ka taagay heshiis laga gaaro xiisadda magaalada Boosaaso ka taagan taas oo u dhaxeeysa beelaha gobolka Bari iyo maamulka u horjoogaha ka yahay Cabdiwali Gaas.

Magaalada Boosaaso ayaa waxaa ku sugan ciidamo aad u kala duwan kuwaas oo ka kala amarqaata kooxaha iska soo horjeeda. Guddoomiyahii hore ee gobolka Bari Cabdisamad galan iyo maleeshiyad u hoggaamin ayaa ku sugan agagaarka Masaajidka Faadumo, Sidoo kale isla xaafada waxaa ku sugan maleeshiyo u madax u yahay madaxii hore ee laanta Canshuuraha beriga gobolka Bari Ibraahim Jigane.

Sidoo kale ciidamo beeleedyo kala duwan ayaa ku sugan iyaguna xaafadaha Biyokulule iyo Ridwaan ee magaalada Boosaaso.

Gaas ayaa doonaya in ciidamada magaalada laga saaro, halkaa ciidamada kala duwan iyagu qabaan aragti ah in gobolka Bari loo madax banaaneeyo dadka deegaanka oo xaquuqdooda waayay.

 

Dadka magaalada Boosaaso ayaa ka cabsi qaba dagaal dhexmara labada dhinac oo mid kasta dooneyn heshiis laga gaaro magaalada xaaladeeda murugsan.

 

Sirqarsoon@gmail.com