Xasuuqii Xeebta LIIDO (Muuqaalo)

Kooxda Argagaxisada ee Alshabaab xalay waxay weerar ku qaaday xeebta Liido, halkaas oo ay ku dishay dad ka badan 25 qof halka ay ku dhaawacday tiro intaasi ka badan. dadka ay dishay waxaa ka mid aha haween iyo carruur.

Argagaxisadu waxay si aan kala sooc lahayn rasaas ugu fureen dadkii ku sugna hudheel ku yaallay gudaha xeebta  oo lagu magacaabo Liido Sea food, iyagoo halkaasi dadka ay ku dileen ay ku jireen saddex qof oo walaal ah labo gabdhood iyo wiil, Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Galmudug, Haweeney iyo cunug yar oo ay dhashay.

Dadka kale oo halkaasi ku dhintay waxaa ka mid aha Macallimiin, Arday dhowaan ka qalinjebisay jaamacadda SIMAD IYo weliba dad kale oo aad u tiro badan

Alshabaab ayaa muddooyinkan dambe weeraradooda ku eekayay goobaha ganacsiga iyo dadka rayidka ah ku sugan yahiin.

Ciidanka NISA iyo Booliska Soomaaliyeed ayaa badbaadiyay dad tiro badan in kastoo hawlgalka u ahaa mid socday muddo toban saacadood ah.

 

 

http://voasomali.share.voanews.eu/flashembed.aspx?t=vid&id=3156493&w=640&h=363&skin=embeded

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s