Aragtidda Somaliland ee celinta shacabka Koonfurta Soomaaliya.

Isma lahayn Qof Soomaaliya deegaan Soomaaliyeed laga saaraya iyadoo lagu odhan doonno ma u dhalan balse hore ayaa sidaani uga dhacday deegaanada Puntland ee Waqooyi Bari Soomaaliya xilligana dariiqi hore waxaa raacay Maamulka Somaliland ee ka dhisan Waqooyi galbeed Soomaaliya. Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland waxay muddo toddobo maalmood ah u qabtay dadka Soomaaliyeed ee ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya gaar ahaan dadka Koonfur galbeed, Iyagoo hore deegaanada looga saaray dadka ka soo jeeda qowmiyadda Ooromada.

 

Waxay Soomaalidu ku maahmaahda Awrba awrka ka horreeya ayuu saanqaadkiisa leeyahay, Somaliland ma billaabin ugumana horreeyn ficilkan foosha xun balse wa mid muujin heerka maanta Soomaali kala joogto, iyagoo hal diin, hal af, iyo hal midib wadaaga.
Waa qayb ka mid ah burburka iyo masiibada dalkeenna ka dhacday, waana wax laga filayay Federaalka nidaamka lagu sheegay ee aan dadka Soomaaliyeed aqoonta u lahayn.
Ma jirin xuduud iyo xayndaab dadka Soomaaliyeed u kala dhex oola balse xilligan waxay u muuqan arrintu in la doonayo labada gurri ee isku dhegan inaysan war iska qabin xaalladooda taasina waa mid lagu socdo maanta madama deegaan iyo dad la isku kala saarayo. 
 
Somaliland waxaan filayaa waa illowday xaquuqda qofka barakacaha ah ee deegaankiisa ka soo barakacay dagaal ama siffo kale darteed. 1988 boqolaal reer Waqooyi galbeed ah ayaa ka cararay dagaaladii dowladdii Soomaaliyeed iyo Jabhadii SNM. dhammaan dowladdahii ama deegaanadii Soomaaliyeed ee dadkaasi nabada ka doonteen waxay ahayeen kuwa si wanaagsan loogu soo dhoweeyey cid tiri deegaankiina ku laabta ma jirin. xilligana dadka dagaalka ka soo cararay ama kuwa tobanaanka sanno ku nool deegaanada ee ku ilmo dhalay ma aha kuwa la dhihi karo ka baxa deegaanka weliba iyagoo Soomaali ah oo dhalasho la wadaago. 
 
Dhammaadkii bishii Maj ee sanadkii hore Somaliland waxay diidday qaxooti ka soo cararay dagaalka dalka Yemen, waxayna ku celisay markabka dadkaasi muddo saacaddo ah in kasta oo markii dambe la so daayay… sidoo kale dadka Soomaalida ee dagaalada ka soo cararay Somaliland waxay ulaa dhaqantay hab dhaqan aan wanaagsaneen taasi oo badan ka yaabisay. xilligana sidii si lamid ah ayay Somaliland leedahay dad Soomaaliyeed oo dhibaato deegaankoodii uga soo cararay kana xamaasha deegaanada ha lagu celiyo dhulkay ka soo carareen iyagoon la isweydiin waxaa ku dhici doona kolka la celiyo. 
 
Intaa badan shacabka Soomaalida ee aan u dhalan deegaanada waqooyiga (Somaliland Iyo Puntland) ayaa dhibaatoyiin kala duwan la kulmi, halka marka ay Koonfurta Soomaaliya yimmaadan reer Waqooyigu aysan jirin dhibaato iyaga u gaar ah oo aan shacabku la qabin. 
 
Waxaan joogna waqti adag sidaan qabo waana xilli aan u baahan nahay inuu shacabkeenu gacmaha is qabsado aana horseedna isku soo dhowansho Soomaalinimo iyo ka bixid kala aragti duwananta, balse waxay doonin shaqsiyaad gaar ah inay gadaal inoo celiyaan, waxaan qabaa shacabka Somaliland inaysan marna aqbali doonin walaalahooda oo hortooda lagu bahdilin waana aaminsan ahay inay jiri doonan kuwa weli Soomaalinimadu ku jirto. 
 
Waxaa kale oo is weydiin mudan siyaasiga maanta odhanayaa dadka Koonfur ka soo jeeda ha la celiyo halka isaga iyo caruurtiisu dibaddaha ku nool yahiin iyagoo magangelyo nabad iyo caafimaad ku jooga dal aysan u dhalan. 
 
 
 
Yusuf Cali Aadan 
Yusufcali@Hotmail.com 

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s